Faah-Faahin Sida Loo Sameeyay Maamulka Kismaayo
Nairobi (RBC Radio) Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay maamulka ka arriminaayo magaalada dekadda leh ee Kismaayo, oo bishii la soo dhaafay ay galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howgalka AMISOM.
Maalmahan waxa magaalada ka socday kulamo aan loo kala kicin, kuwaasoo lagu doonayay in maamulo loogu sameeyo Kismaayo.
Hadaba shabakadda RBC Radio ayaa maanta heshay qaabka loo sameeyay maamulka ka arrimin doono Kismaayo.
Waxana maamulkaas loo sameeyay sidan:
1-Guddoomiyaha maamulka Kismaayo waxa looga dhigay Axmed Madoobe oo gaaminayay xoogaga Raskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay magaalada Kismaayo.
2- Gudoomiyaha Gudiga Amniga General Ismaaciil Saxardiid oo horrey u ahaa Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobbolada Jubbooyinka.
3- Madaxa arrimaha bulshada iyo afhayeenka maamulka cusub waxa loo magacaabay Cabdinaasir Seeraar.
4- -Gudoomoiyaha Gudiga Maaliyadda iyo Mareeyaha dekadda Kismaayo waxa loo magacaabay Muuse Gaab.
5- Gudoomiyaha arimaha Garsoorka waxa loo magacaabay Xujaale.
6- Gudoomiye Ku xigeenka magaalada Kismaayo waxa loo magacaabay Axmed Carab .
Sida aan xogta ku helnay waxa maamulkan oo lagu dhawaaqay maanta oo Jimco ah, taarikhdana ay ku beegan tahay 12-ka October 2012-ka, uu xilka heyn doonaa muddo bil ah.
Waxa goobta lagu dhawaaqay guddigan ku sugnaa Gudiga Sheekh Axmed Madoobe oo hadda madax looga dhigay maamulka Kismaayo iyo Taliyaha AMISOM ee Jubbooyinka oo u dhashay dalka Kenya Colonel Jeff Nyagah..
Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin maamulka loo sameeyay Kismaayo oo ah mid ku-meel-gaar ah, laakin waxa magaalada Nairobi ka socdo shir looga hadlaayo mustaqbalka Kismaayo.
Kenya waxa ay dooneysaa qoxootiga Soomaalida ee ku nool waqooyi-barri dalka Kenya in loo wareejiyo gobolada Jubbooyinka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












kkkkkk waligeeeey waxaan oo kale ma arkin ogadeen ma gaarisa ayuu mooday kismaayo wax socon doona wax macquul ah midna maahan waxa kismaayo laga sameeyay hal qabiil ayaa doonayo in uu xoog ku mamulo kismaayo asagoo adeegsanayo ciidamada iyo taangiyada kenya
Masha’allaah waanu soo dhawaynaynaa Maamulkaas, SOmalida inteeda xumaanta jecel wax walba way mucaaradaaangaar ahaan Nimanka
Xiligii lays qabqabsanjirey oo qofka qabiilkiisa loofiirsanjirey inaynu dhaafnay baan rajaynayaa,,waxaan ubaahanahay nabad iyo wax wada qabsi. in qaxootigeenii Kenya ku baaba’ay soo noqodaan oo dhulkeeniiyo nabada kusoo noqodo arin lagu farxaan u arkaa: Kheyr Insha-Allah
magaran
Gen sahardeed waa kumaa?
Seeraar waakumaa?
Salama allah
Waa guul daro inay kiinya noo soo samyso maalmul gabobaleed ama dalkeena sidii ay umaamulato meeel iyadu ayleedahy waa way dowlada soomaliya waxaan aminsanahy inay ka gaabisay hawshay qabanlahayd iyadu .
Mogdisho inlagu soosameeyo ayey ahayd maamulkaas ee maahan in lagu soosameeyo nairobi
Inkastoo ayadaan soo wada qorin maamulkii la dhisay magacyadooda iyo xilka ay kala hayaan iyo beelaha ay kasoo jeedaan hadana waa sax ka hadala ma leh, waxaan aad ula yaaba waxa raxan reeb iyo tolkii ka maqan !!!!!!! war dhulka dadkii lahaa ayaa u tashadaye ama guur ama la noolow waa tolkaaye ,waxaad doonaysana af macaan iyo tollimo ku doona maxaa xumaanta idin galiyay oo aad absame wayne ula coloobaysaan.
kkkkkkkk Magaalada Kismaayo ma saas ayaa la doonayaa in lagu xado??
ikhiyaarta Ras kamboni ama Ras Gaarisa la baxday, meesha waa anagii ee yaad mooday inaad indha sarcaadi kadhid?? kkkkk
Dhulka aad maleeshiyo beeleedka keenteen ma ahan meel baadiye ah oo maran, oo cidina deganeyn, Kismaayo waa magaalo weyn oo Darood oo dhan iyo Soomaali oo dhan wada degaan, marka CAQLIGEE ku keentay inaad Gudoomiye & Gudoomiye ku xigeen loowada magacaabo hal reer(beesha katimid Gaarisa)?? kkkkk
Waxaan leeyahay meesha ciyaarta ka daaya, hadaad moodeen Kenya ineey idinku waardiyeeyn karto gardarada, dee waa qaldantihiin, oo wakaas oo Ethiopia markeey Xamar iyo baydhabo ka kacday, waxaa isku soo haray dadkii deegaanka, ee inteey galeysaan markii eey Kenya wadankeeda kulaabato, mise waaba la laabaneysaan maadaama aaba Kenyaati reer Gaarisa ah tihiin!
WAXA KISMAAYO KASOCDA WAA MAAWEELO TOOS AH! Barre Hiraale & Morgan oo waligood meesha ka talin jiray ayaaba og maanta ineey Soomaalia ka baxday waqtigii mooryaanimada iyo qabyaalada, ee reer Gaarisa ma nabadii ayaa idiinka dartay??
Anagu hadii aan reer Somalia nahay 21 sano oo dagaal ah waa laga soo daalay, marka waxeey u egtahay reerkiina Kenya ka yimid oo nabada kunoolaa 21-kii sano eey soomali holceysay ayaa dagaal uxiisa qaba, ee meel fariista yaanan dabkii 21 sano soo holcayay laydinku kor damine!
Horta waa guul ilaahay lagu mahadiyo waana so dhoweyneynaa nabad iiyo kala dambayn ayaan u rajeyneynaa dad baa jira fowdada iyo nidaam la’aanta aaminsan in ay ugu badiso kuwaas markaa waa in la iska qabtaa.
Maamul iyo amni marka la helo mukulaal madownimo iyo isku dul noolaansho ma jirayo nin walbaana dadnimadiisa ha aamino hana la shaqaysto dhulkuna waa dhul somaliyeed somali oo idilna wuu deeqaa.
Waqtiga bisha ah aad bey u yar tahay sannad ayey ku fiicnaan lahayd
Qabyaaladda waa lagu qaraabtaa kaddibna waa la iskaga boodaa.kkk
war hadee beelahooda maad sheegtaan anagu magac qalalan waxba ka garan maynee
waxaa keenay isqab-qabsiga qabiil kasta waxaa uu rabaa inuu isagu xukumo kismaayo,taas oo macnaha ka ndameeya yahay inuu qabiilkaasu dhaqaalaha soo baxa cuno. ciidan beeleed ku samaysto kadibna cidii titaahda war sidaas kadaaya dilo dhaco islamarkaasna haweenka kufsado. sidaas darteed ilaa lacadeeyo qaanuunka lagu xukumaayo kismaayo majiri doono qabiil qabiilkale aaminaya
Shirka waxaa la rabaa iney qabtaan dad dhex dhexaad ah, isla markaasna lagu doorto nin aan awal meesha hore xoog ugu heysan.
Haddii ninkii meesha heystey intuu koox shiriyo isagu is doorto waa qabqablennimadii laga soo daaley. Waxa kaliya ood ku tashataana waa xooggaaga ee ma heysatid sharciyad dadku kuugu hoggaansamo!
Sharciyadda iyo inaad furaha si xalaal ah ku hesho ayaa ka xoog badan inaad dariishadda kasoo dhacdo.
Hadda u fiirso qabaa,ilka degaanka is xejinaya ma u dhanyihiin maamulka cid kale daaye? Maya oo waan aragnaa.
Haddaba kuwa laga qadiyey hadhow ma u dhimanayaan faction aysan taladiisa wax ku laheyn?
kismaayo maanta ma filimaayo inay ubaahantahay in la isku qab-qabsado ama ay ka dhacdo wixi horay uga dhacay deegaankana waa lawada dega haba lagu ka badnaadee balse waxa wanagsan raga maanta gacanta ku haya inay inta caqliga ka shaqaysiiyay dadka isku keenan oo mamul wanagsan oo loo dhan yahay dhisaan hadii kale sheekadu waxay noqon donta xaraf alif ka qaloocday al-baqra kama tooso
kkkk War maamulka la sheegay waa 6 xubnood oo kaliya intii kale ayaa dhiman,ta kale waxaa dhiman intii kale raggana waa hal beel ah marka waxaa dhiman beelihii kale.Heshiiskuna waa muddo bil kaliya marka ha laga war sugo waxaan hubaa rag qas ka wadaa Kimsaayo in ay jiraan oo jecel in ay dagaalkii qabaailka soo celiyaan waxaa ka mid ah Gen Darwiish iyo harti group.marka yaan laga hor dhicin Ta kale Axmed madoobe maamulkiisu waa heer gobol ee ma ahan heer degmo
Raxaneerb waxaa fiican inaad masuulkasta qabiikiisa raacisaan si loo fahmo ilee kismaayo qabiilo badan ayaa dega oo reer khaatumo ka mid tahay.
Dadka leh ahmed madoobe gaarisa ayuu ka yimid. Wardee ciidamada kenya iyo ahmed madoobe ha isku khaldina kkkkkkkkkkkkkkkkk.
Ahmed madoobe sidaan u fahmay waa nin reer afmadow ah iyo qooqaane. Ilaa liboi. Oo qaarkood hoos yimaadaan jubooyinka qaarka xaduudka yihiin.
Inuu kismaayo ku dhasheyna way dhicikartaa ama jilib iyo jamaame kkkkkkkkk. Am not supporting him laakiin hadaan somali nahay runta waan iska indho tirnaa.
Magaalada waxaa wada dega. Reer khaatumo. Reer gedo. Reer afmadow. Reer puntland iyo qabiilo kale. Markaa ha la wada qaybsado maamulka magaalada.
W
Waana ka baxay wabilaahi towfiiq.
Xamar maamul markii loo samaynayo cidna isma weydiiso waxa ay ka koobanyiin. Waxaa jirta in gudoomiyaha dagmada xamarweyne uu yahay nin ka yimid Cadaado!!! dadkii banaadiriga ahaana halkaas ayaa xaqoodi lagu duudsiyay .
Kismaayo beelihii lahaa baa maamulkan ku faraxsan ee propogandada halaga joojiyo.
Walaaha galgaduud dhibaatooyinkii ay ka geeysteen gobolkaan waa la wada ogyahay .
Viva maamylka cusub baynu leenahay.
Asalamu Caleykum,
Somalida waxey ku mahmahdaa Nimaan Talin jirin haduu taliyo Niman tagi jirinbaa taga etc…
Manta waxaa cajiib ah in dadki Minor-ka ama ku yaraa (degaan marka la yirahdo) ineey yirahdaan
Magaladi Kismayo maamul ayaan usameyneynaa inaga ayaana Mijor/badi degen!
Waa arrimaha laga dhexlay dagaalada sokeye ee ah magaalada kuugu dhow ee manafacad leh
adiga qabso Yuhuudba ukaashee!!!!
Aniga lama yaabani in maamul loo sameyo Kismayo lkn waxaan la yabanahay Sababta Raskamboni
iyo Walalohoda Kenya eey udiidayaan in maamul KMG ah oo 3 bil shaqeya dowlada Somalia ka dhex magacowdo dadka degaanka?
Mise shekadu waa Anaga ayaa Kismayo xoog ku qabsanay sidaas darteed anaga ayaan maamuleyno,oo hadii dowladu dad deegaanka ah magacawdo waan qadeynaa madama Degmada Kismayo nalooga badan yahay,oo Somalida Kenyanka ayaa noo dhaama!!!!!! Allow iimanka noo sug.
Rasulka Scw wuxuu xadiis ku yiri (Unsur akhaka Thaaliman oow mathluuman) yacni walaalkaga u gargaar haduu gardaranyahay(waad gardarantahay ee joog ku dheh) iyo hadii laga gardaranyahay (oo waa la dulmiyee uhiili dhibkana ka reeb) sidaas darteed ninka Qoriga wata ee Kamboni ee Kenyanka wata waa nin Gar leh oo wuxuuba qoriga usitaa in uu dagaalo waxna dilo dhulna qabsado,lkn Duqeyda,Shuyukhda iyo Dumarka dadka eey ka dhasheen waa in ey fahamsiyaan in uu gardaranyahay kana joogo gardarida,dadka,beeraha,xoolaha etc uunan dhibateyn!
Lakin walalow adiga oo iska dhigaya in aad Xaq ku hadleyso kawaran hadad ninki kugu beesha ahaa Gardarada isaga raacdo waliba adigoon waligaa meesha laga hadlayahi arkinba maqal moyeeee!!
Waxaan ku talin lahaa Meel walba oo mooryaan xoog ku qabsataa in eey dadki eey ka dhasheen ceshadan oo dadka muslimka ah ka qabtaan.
Magaalo dhan oo the third kapital ah macquul maha in Qabiilki xoog ku qabsado iska maamushaa,macquulna maha magalo nocaasi ah in dadka ku badan cagta hoosteeda lagaliyaa
Aniga waxaan Muraaqib ka ahaa magalada kismayo intaan soo caqliyeystay waxeeyna umuuqataa
Sida gobolka Arakan dadka degen ee ROHYNGA loo yaqaano, sababtoo ah Dowladii 69 ayaba bilowday in magalada dadki aborgin-ka ahaa eey barakacaan si eey new comers-ka eey Mijority unoqdaan lkn wali taas meeynan dhicin.
Insha allah Qoraal ayaan ka sameyn doonaa J/Hose, J/dhexe waliba anigoo ku dhashay J/dhexe.
Fadlan Raxareeb faafi Commentigan, hagoyinina sababtoo ah waa fikir aanan cidna ku dureynin.
@murshid
magaalo madexdii umada soomaaliyeed qabiil ayaa yeeshey ,tii labaad hargeisa qabiil ayaa yeeshey ,markaa kismaayo dadkii lajaa ayaa yeeshey
to soomajeeste
adiga sidaadaba xamar ayaa sheegatay oo somali oo dhan kawada dhaxeeya hada kismayo ma sheeganeysa hadana , cudurka ku hayaa raboow kaa saar, waxaan kuu sheegayaa dadka kismayo is ka dhex bax iyaga ayey u taalaa arintaas adigu taada u tasho duli fooqal duli waxan waaye waxa somali qasay oo xaraan ku naxa ah xaraanta lagu koriyay uf caleeyhum ,
teeda kale waxan rabaa dadka qabiilka doonaya oo dhahaaya hebel qabiilkisa hala soo qoro waaryaa jaahil meshaan somali nimo haloo hadlo not qabiil , yaa wuxuuush yaaa somali
Kkkkk adeer ninba markisa ayuu xoog la imaanayay ee maalintaada tan kale ninkii aaminsan in ogaden dhulkaas u badanyahay waa xaqiiqda oo la iska tiro. Ama dhulkii tayanigu ku ogaa ha ahaato ama hada sida loo daganyahay ha ahaato dadka dhul ahaan ugu badan waa la yaqaan ee dadka xoog uga rara hadaad awoodaan ama kenya mamul ku sameeya ama itoobia ku sameya dhulka dadka dagani wwaa dadkii daganaaa ee qayliya meshaad wax gaysaana aan sugno
aadbaan ugu farxay waana arrin fiican kanaxaw nafta waa
waanleeyahay kuwa kacadhoodey maamulkan ha udhinteen cadhadooda
shaqaduna saas hakusocoto insha,allaaah
waa guul usoo hoyatay dadka degaan ka iyo umada soomaaliyeed mar hadii maamul goboleed sida puntland loogu sameynaayo jubooyinka waxaana laysraacinayaa gado bu aale kismaayo caasumada waxay noqonaysaa kismaayo marka dadka cadowga waxaan usheegayaa howl idiin taalamaha arimaha maamul usameyta juboland faraha kala baxa taladeedana waxba kuma lihdiin sheegadii qabiil waxbooba way dhamaatay iyo qabiil is abaabula oo weerar ku qaada dhul uusan lahay
Ahmed Madoobe haddii layiraahdo kismaanyo Kama talin karo yaa la rabaa inuu ka taliyo ma Tarzan. Waa yaab Soomali weli ma dhul-dhicin. Nimowna hakuhamiyin inaad ka taliso dhul aadan lahayn.
guul maamulka cusub yaan loo joojin meelahaas ka qeylisa
Kkkkkkk,
Cabdi madoobe & dhamaan Reer jubaland waxaan lee yahay congratulation , Xamar waxaay sheegayso majirto interysan ku mashquulin Jubaland & Maamuladooda Maydadka DRD oo guryaha ku dhex aasan Dadkii lahaa ha usoo celiyaan Guryaha xooga dadkii mawaa diniinta ahaa ha u sooceliyaan markaas ha hadasho inta kahoreysa Kismaayo waxay ladagi weysay 20 Waa Mooryaan production line known by Mogdisho, Viva Puntland , Jubaland & Soomaalia
Kismayo cid kasta oo somali ah ba mamuli kadha
nimankaad shegaysaan waa soomali
wayna istahilaan in lo magacabo mamul iyo maraynta Gobolka iyo mansabka umadaba
teda kale kala sara qaran ka iyo qabilka saka wa laga tagay xiligii la fiirin jiray qabiilka
waxaa manta lagujiraah yaa dalka iyo dadka wax u qaban kara
no Qabiil
Amadeeyo says:
Gen sahardeed, seeraar iyo kuwa lamidkaa waa nimankii Al shabaab kaceyrshey Kismaayo iyo kistaada. Wexeey ila tahay inaad hada wixii kadambeeya barandoontid, waa hadii aadan isyeel yeeleyn, intaas waa jawaabtii mr. Hirey. Wiil gedana waxaan ka, iri wiiloow gedo dad wanaagsan oo tolaa degene magaca haka wasaqeeynin. Waxaan hada lasameeyay waa hal bil oo kumeelgaar ah, si magaalada kala dambeyn iyo nadaam u yeelato. Maamulka lasoo wado ee rasmiga ah dadka reer gado waxeey kuleeyihiin xubanaha ugu muhiimsan, Marka waxaan kuleeyahay wiiloow hadegdegin fudeedka waa laga fiicanyahay.
kismaayo xoog ayaa lagu kala qabsadaa ilaa intii taariikhdu qortay -ilaa qiyaastii-1730 ayaa halkaas waxaa gaaray 6nin oo ah dadkii loo yaqaanay faradheerta kadibna noqday reer joore . ragaasi xoog ayey kula wareegeen dhulkaas waxaana ku soo biiray rag badan oo degaamadoodii kayimi waxayna lahaayeen ama sameysteen dhaqamo iyo xeerar loo yaqaanay xeerarka reer waamo , dadka hadlaya kismaayo waxaa laga rabaa in ay soo bartaan taariikhda kismaayo ,
1 imisa nabadoon ayaa kismaayo soo maray yey ahaayeen ?
2- imisa maamul ayaa soo maray yey ahaayeen maamulkaasi ?
3- intii dawlada soomaaliya jirtay imisa gudoomiya soo maray yey ahaayeen ?
4- hadii dagaaladii dheceen sidee loo kala adkaadey in tee maamul soo maray ?
ayaa iska leh kismayo
waa rag somaaliyeed sida aad magacooda ka aragto
waa arin bare hiiraale naxdin ku ah…… Seraar iyo madoobe xaqbay u leeyiihiin in mdax laga dhigo waliba lasiiyo more than month in ay maamulaan jubooyinka.
Well come
Ma xuma, oo haddii sida la sheegay uu ku-meel-gaar maamulkaasi yahay waa wax u roon in magaaladu cid u talisa hesho.
Haseyeeshee, waxaa murugo ah in koox xagjir ah meesha laga saaray, loona dhiibay xagjir kale. Axmed Madoobe miyuusan ahayn kii dadka gawrici jiray berigii uu la socday kooxdii Maxkamadaha Midoobay?
Muxuu yahay kala-duwanaanshaha Axmed Madoobe iyo Axmed Godane u dhexeeya oo aan ahayn in ay labadoodu haysashada Kismaayo isku dagaaleen?
Kuwaanse leh “waa guul” ma garashaday la’yihiin? Gorma ayeynu horumar gaari doonnaa haddii aynu gurdan-raac u noqonno shiikh maamul-doon ah?
Muddo kooban ayuu shaqeyn gidigan, ninkii aan u dulqaadan Karin 20 maalmood ciddi wax weydiin mayso meel kasta oo laga xoreyo al sheydaan maamul ku meel gaara ayaa loo sameeyey sida shabelada hoose, dhexr, banaadir , bay, bakool gedo iyo hiiraan cid isweydiisey ma jiraan kulugood waa la Wada dagaa marka maxaa nalka ka daaray kismaayo iyo halgamaa axmad madoobe.
runtii wa talaabo loo qaaday hore waana soo dhawynayanaa looma baahan rer hebel ayaa xaq u leh waxaas lakiin waxaa muhiinm ah wa in la hello xasilooni iyo nidaami dawli ah faragelinta kenia maaha ax weyn waayo dawlada muqdisho fadhisaba waxaa laga xukumaa uganda marka inaga oodhan ayaa ku tiirsan quwada shisheeye sidoo kale dadka qabiilku ku waynyahay tusaale ahan rer gedo waxaan odhan lahaa idinkuba raisalwasaare ayaad bililiqo ku hesheen waana lagu qancay ku qanca kismaayo wax kasata oo ka soo baxa walaw aan kismaayo la idinka sheegaynayn hadan waxa lai idinku aamin la’yahay waa wadniyad xumo laga yabee inaad keentaan kooxdii usc ama hawiye action group
Waxii rag u kaco rabina aqbalo waa rumoobaan. Maanta saxansada dowladnimo caraf teeda baa laga dareemay Jubbaland Riyaday ku naaloon jireen in badan baa soomuuqtay. Dadka qaarkood waxay ku celceliyeen in badan Kenya dano fog kale oo dowlad ay lee dahay ka samaynaysa. Layaab xukuumada maanta wadanka ka talisay barlamaankeda sow ma ahayn kii mahiga uu qalinka ogolaansho soo wada saaray. Cududna shisheeye baa u ah. Haday muqdisho dan wadaag noqdeen kambala maxaa u diiday kismaanyo inay dan wadaag la noqoto nayroobi. Kuwa ku dhawaaqya ONLF. Ayaa qabsatay meesha maanta ma ahan waagaad afar qof Intaad Ethiopia ugaysid aad ku soo badalan jirtay afar qori. Aan kuu sheegee Somalia galbeed halgankii qoriga qalinbay ku badalatay. Ururka Hawiye Action Group ee wadan xukuma caqliga uu kismaanyo maamul ugu samaynayo muu wax uga qabto hobyo oo shalay waxa ka dhacay aynu wada maqalnay. Insha Allah jubbaland waa guulbay ku dhamaan. Viva horu usocodka
Habar dahli weyday aleelo ku waalatay. Mid reer Garoowe ah oo ciil ku raagay baa nafis ka dhiganaya inuu waxaan soo xarxariiqo asagoo Raxanreeb ka faaiideysanaya.
Ma Soomaalidii baa dhammaatay marka Axmaq Madoobe hogaamiye laga dhiganayo. Qaxootigu sidii dhoocilihii alaabo,alaabeey ha iska ciyaaraan oo gudoomiyanimo ha iska sheegtaan. Riyadu way bannaantahay. Laakiin, ama Saxardiid soo qor, ama Soomaali diid soo qore, Kismaayo iyo Jubalanad oo dhan Waxaa ka talinaya ciddii sifahaan leh;
1, Soomaali Wadani ah oo aan Amxaaro iyo Keenyaati dabada ku wadan.
2, Dad daacad ah oo aan dheheyn AGAH! ina Aabow dhulka anaka un baa iska leh kadibna jareer soo kaxeysaneyn.
3, Dad dhulka difaacan kara mar kastoo uu cadaw kusoo duulo ee aan aheyn dad Gumeysiga u jilicsan oo markiiba luuqadooda, dhaqankooda, iyo ilmahoodaba ka dhigaya Kenyaati iyo Itoobiyaan.
4, Dad Geerida diyaar u ah ee aan aheyn dad ilmahooda iyo naagohooda ka cararaya markay qushta u horreysa dhawaaqdo.
5, Dad wax badali kara, ee aan aheyn dad 60 sano ku agwareegaya Amxaaro ciyaalkoodii iyo naagohoodii dulfadhida, kadibna 60 sano kadib isu dhiibaya cadowgii ciyaalkooda dhalanrogay.
6, Dadkii gobolladaas u bixiyay Jubaland badalina doona, ee aan aheyn qaxootigii wax aan la Aqoon iyo Azaniya Jareertu usoo dhiibtay.
Sifahaas hadaad leedahay welcome! Hadii aad inaad yeelato rabtidna welcome! Waa lagusoo dhaweynayaa. Laakiin hadii aadan sifahaas laheyn diyaarna u aheyn, qaxootinimadaadii isaga noqo iyo masagadii UNta.
Maamul loo dhanyahay waa in si dhakhso ah loogu dhisaa Jubooyinka hadii kale meesha foolxumo ayaa ka dhaceysa Kenyana labo daran mid dooro ayaa haleeli doonta kkkkkkk
Viva Kismaayo Cadeey
Axmed madoobe waa muwaadin wadani ah dadka xamar guryaha agoonta {maalu yatiin ku jira } oo
uqaba inuu caasimada somali inuu isaga leeyahay adeer jubaland waxay u taashaa dadka dega
ee xamar umataalo viva JUBALAND maamul usameenteeda
waxaan layaabay reer Puntland Kismaayo ma waxay u maleeyeen inay Bari ku taalo. war Kismaayo waa koonfur Galbeed Somalia, qabiilo badan ayaa kaa xiga marka alalaaska yareey sidii dumarkii
Ninka leh kuma qanacsani because dowlada ma soo magacaabin waxaan ku weeydiin lahaa ii sheeg hal gobal oo aay dowladdu maamul u soo sameeysay? Gobalkasta asagaa is maamulo oo maxaa looga dhigi kismaayo inaay meelaha kale ka duwantahay?
Hambalyo ayaan leeyahay maamulka ka curtay Kismaanyo….Hala buufiyo cayayaanka shisheeyaha wato VIVA Absame,,,,dhul ninkii baadiyaha degan ayaa magaalada leh
MAXAA HADDA REER MUQDISHO UGA HADLAAYAAN KISMAAYO MEELKASTA OO AY HADDA DAWLADU KATALISO WAXAA U XOREEYEY AFRICANKA KENYANA AFRICANKAY KAMID TAHAY WAXAA BALADWAYNE ETHOPIAN UJOOGA MAXAA XAMAR UGANDHS UJOOGAA KUWAASU MASOOMALIBAA DAWLADA SOMALIA OO DHAN WAA UDAWLAD LAAKIIN KISMAAYO DADKEEDAA UTASHANAYA.
Wallee sheekadu ineysan intaas ku dhamaaneyn ama 10 sano ama boqol sano ha soo warregtee. Reer qoraxey u laabta NFD iyo somali galbeed. Hadda ka hor ayaa hargeysa la siiyey kuma sii waarin haddana beledweyne ayaa la sii siiyey taasina waa hsaqeyn weyday. Dhulka inta aad ka degtaan ka jooga maamulna hal reer ma sameyn karo.
Wiil GEDO iimaanso labadaada degmo eed ku leedahay Gedo, Kismaayo waxaa iska leh oo maamuli soo baro deegaanka iyo degmooyinkiisa soo baro taariikhda dhulkan edebyeelo,Maanta wuu tashaday Mooryaanta sharcibaa ka yaal…
Waxaa la yaab ah gobollada Soomaaliya waxaa Al-shabaab ka xoreeyay ciidamo African ah. Hadaba maxaa looga qeylinayaa kuwa Kenya? soo Amisom ma aha? TIMIR LAF BAA KU JIRTA.
gobollada Jubbooyinka wuu degaa, Ogadenya wuu degaa, Waqooyi Barri, Kenyana wuu degaa. Yaan la isku khaldin deegaanka. saddexda wadan-ba Absame wuu degaa ee ha la ogaado. Axmed Madoobe wuxuu metelaa Afmadow, Xagar, Badhaadhe, Kismaayo, Bu`aalle, Qooqaani, Dhoobley, Taabta, Kulbiyow, Diif degan. Waa nin soo halgamay oo dadkiisa u soo dagaalamay. Dadka hada qeylinaya xaggee bay jiraan markii gobolka loo dagaalamayay? hadallo naceyb iyo qabyaalad xanbaarsan waxba laguma qaadayo ee ama Axmed Madobe wax la qeybsada ama calaacala.
Muse gaab yaa waaya ii sheega sxba yaal
[...] Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa mudo dheerba dawlada Soomaaliya u arkaysay kuwo aan toos ula shaqeyn wasaaradda gaashaandhiga dalka, sidoo kalana aysan amarada ka qaadanin taliska AMISOM. Waxaana iyadoo arimahaasi ay jireen soo baxay maamul uu ku dhawaaqay markii ugu horeysay afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya Col Cyrus Oguna. [...]
Kkkk wa ma mul an arkin ma mul kafican horey usacta by by
[...] ayaa la sheegay markii ay tageen magaalada Kismaayo in ay kulamo la qaateen maamulka dhawaan loo sameeyay Kismaayo iyo ciidanka AMISOM ee halkaas [...]
[...] , ayaa la sheegay markii ay tageen magaalada Kismaayo in ay kulamo la qaateen maamulka dhawaan loo sameeyay Kismaayo iyo ciidanka AMISOM ee halkaas [...]
[...] Kismaayo waxaa dhowaan looga dhawaaqay maamul ku-meelgaar ah kuwaasoo aan illaa hadda ka hadlin hawlgalka shalay iyo dadka lagu soo [...]
[...] maamulka degmada iyo kuwa ciidamada kama hadlin sababta keentay in isgaarsiinta Kismaayo la [...]
[...] Maamul ku-meel gaar ah oo bishan dhexdeeda looga dhawaaqay Kismaayo ayaa weli shaqada sii wada, iyadoo sida la filayana maamulkaasi ay bedeli doonaan maamulka cusub ee rasmiga haddii lagu guuleysto in la dhiso. [...]