Faah-faahin: Xaaladda Caafimaad ee Mustafa Hasim Polat oo soo Hagaageysa iyo Maamulka,Taliska Ciidanka oo Ka Hadlay Weerarka[Dhagaysi]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sarkaalka la dhaawacay Mustafa Hasim Polat /Sawirrka RBC Radio

Gaalkacyo[RBC Radio] Iyadoo  kooxo hubaysan oo Isbaaro u taalay inta u dhaxeysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Bacaadweyn ay Weerar ku qaadeen kolanyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland iyo Wafdi Turki ah ayaa waxaa ka hadlay dhacdadaas Maamulka gobolka Mudug iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gaashaanle sare Muxiyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in kooxda maleeshiyada ah ay joogeen goob Isbaaro ah iyagoona rasaas ooda kaga qaaday Gaadiidkii ay la socdeen Xubnaha Wasiiradda iyo Wafdiga Turkiga.

Gaashaanluhu waxa uu sheegay in kooxda soo weerartay uu ka dhintay nin mid kalena uu dhaawacyahay ayna hadda gacanta ku hayaan ilaa 8-qof,wuxuuna intaas ku daray in dhankoodu dhaawac kasoo gaaray Mustafa Hasim Polat oo ah Aggaasime goboleedka hay’adda TIKA ee Geeska Afrika.

Wuxuu intaas raaciyey in Ciidamadu wadaan baaritaan isla markaana ay ku daba joogaan cida ay ahaayeen iyo cida ay ka amarqaataan kooxda maleeshiyada ah ee Wafdiga soo weerartay.

“”" Dhacdadaan waxay nagaga dhacday Daarsalaam waxayna ahaayeen niman aanu dib kasoo shqqgi doono qaabkey ilaa hadda ahaayeen,niman Ciidan ah oo meel Isbaaro ah joogay ayaa Xabad nagu furay aad bey Xabadaasi u tira badneyd ilaahay wax weyn nama gaarsiin,ninkaas iyo nin kale

Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tiigey

oo Askari ah oo Isugna dhaawac yar uu gaaray baa dhaawac ah,iyaga waxaa ka dhintay nin nina waa dhaawac,nina waan haynaa,waxaan kaloo haynaa 8-kale oo fiyow oo ragii meesha ka dagalaamayey ah guud ahaan 10-weeye….”"ayuu yiri .

 Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tiigey ayaa isna sheegay in Musfate Hasim uu soo gaaray dhaawac sahlan haddana Xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka GMC ee magaalada,wuxuuna xusay in falka foosha xun ay ka xunyihiin ka Maamul ahaan.

Mr Tiigey ayaa sheegay in Wafdiga ka socday dalka Turkiga ay ka fuliyeen gobolka Mudug 5-mashruuc muddo Saddex bilood ka hor qaarna hadda ay yihiin qabyo,wuxuuna tibaaxay Ciidanku ka hortageen kooxdaas haddana amaanka ay gacanta ku hayaan.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gaashaanle sare Muxiyadiin Axmed Muuse

Sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan dad cadow ah oo bulshada kala diriraya dhan kasta kuwaasoo aan marnaba dooneyn in dadku helaan amaan buuxa iyagoona had iyo jeer ku dadaala sidii loo carqaldeyn lahaa,wuxuuna tilmaamay in guud ahaan gobolka laga sifeeyey kooxo dhibaato ku haya bulshasa.

Dr Saalax oo gacanta ku haya Xaaladda Mustafa Hasim Plat ayaa isna sheegay in rasaastu kaga dhacday lugta midig,wuxuuna intaas raaciyey in Xaaladiisu tahay mid wanaagsan dhawaana uu ka Caafimaadi doono.

Wafdiga ka socday dalka Turkiga gaar ahaana Turkish International Coorperation and Devoelopmen oo soo gaaray Todobaadkan gudihiisa Puntland ayaa Ujeedada Imaatinkoodu ahaa sidii ay wax ugu qaban lahaayeen bulshada reer Puntland.

Halkaan ka Dhagayso Hadalada Hadaladda Taliye Muxiyadiin,Guddoomiye Tiigey iyo Dr Saalax Guji Halkan

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo.

Share

Leave a Reply