Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Iyo Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada
Kismaayo (RBC) Ugu yaraan saddex ruux oo mid ka mid ah xaaladiisa aad u culus tahay ayaa la soo xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qarax bam gacmeed loo adeegsaday oo xalay maqribkii lagu tuuray meel makhaayad ah oo ku taalla isgoyska Fajano, gaar ahaan inta u dhaxaysa Suuqa Siinaay iyo Aargada Magaalada.
Makhaayada bamka lagu tuuray ayaa la sheegayaa inay shalay shaah ka cabeen askar ka tirsan kuwa dawlada iyo Raskambooniyiinta soo galay magaalada, hase yeeshee xilliga bamka lagu soo tuuray wax askar ah kuma sugneyn waxaana dadka dhaawacmay ay yihiin dhamaantood rayid ku caweynayey makhaayada.
Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka Kismaayo iyadoo hal ruuxna ay aad u daran tahay xaaladiisa dhaawaca soo gaaray darteed, sida ay Raxanreeb u sheegeen dad deegaanka ku sugan.
Qaraxan ayaa qeyb ka ahaa qaraxyo miinooyin dhowr ah oo shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, inkastoo qaarkood ay ahaayeen miinooyin ciidamada Kenyanka ay arkeen oo ay qarxiyeen.
Bandowga Kismaayo
Dhanka kale waxaa isla xalay bandow lagu soo rogay magaalada iyadoo ciidamada ku sugan magaalada ay joojiyeen guud ahaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka magaalada soo galaya iyo kuwa ka baxaya.
Labada kontorool ee waqooyiga iyo kan galbeedka ayaa iyaguna la xiray xalay.
Magaalada Kismaayo waxaa shalay soo gaaray Sheekh Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe” oo ah gudoomiyaha ururka Raskambooni oo ka mid ah ciidamada Soomaalida ee ka barbar dagaalamaya ciidanka Kenya, waana markii ugu horeysay oo Sheekh Axmed Madoobe uu gudaha Kismaayo soo galo mudo shan sano ku dhow markii uu magaalada uga baxay dagaal ay ku qaadeen Al-Shabaab.
RBC Radio











