Faahfaahin: Khasaaraha Dagaal Maanta Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa Soomaaliya Ku Dhexmaray Beledweyne
Beledweyne (RBC) Ugu yaraan labo ruux oo mid ka mid yahay rayid ayaa ku geeriyooday kadib markii maanta dagaal uu dhexmaray ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Ethiopia xaafada Irid Aamin ee bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka fudud ayaa ka dhashay kadib markii ciidan ka tirsan kuwa dawlada ee jooga Beledweyne oo lugeynaya ay soo mareen waddo ku taalla xaafada Irid Aamin halkaasoo ciidamada Ethiopianka ay saaka xirteen una diideen dadka iyo gaadiidka.
Sida wararka nagu soo gaarayaan dagaalka ayaa si kedis ah ku bilawday iyadoo ciidanka Soomaalida ee lugeynayey aysan wax war ah ka heyn wadada xirneyd.
Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa askari ka tirsan ciidanka Soomaalida waxaana dhaawacmay illaa saddex kale.
Xaalada magaalada ayaa degan galabta inkastoo saraakiisha ciidamada ee labada dhinac iyo maamulka Beledweyne midna uusan ka hadlin shaqaaqada maanta ka dhacday magaalada Beledweyne.
Waa iska horimaadkii ugu horeeyay ee dhexmara si toos ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawlada ee ku wada sugan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
RBC Radio












ANIGAA HADA LA HADLAY MAGAALADA BALADWAYNE. CIIDAMO KA TIRSAN KUWA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN EE GACANTA KU HAAYO MAGALADA BALADWAYNE AYAA MAANTA IYAGOO KA YIMID XERADII LAMAGALAAY AYAA WAXAAY SI KEDIS AH ISUGU DHACEEN CIIDAMO ETHIOPIAN AH WAXAANA RASAAS SOCOTAY 20 DAQIIQO KU GEERIYOODAY HAL ASKARI OO AH ETHIOPIAN AH IYO MID KUWA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN AH. ARINTANA WAXAA MARKII DAMBE XALIYAY SARAAKIISHA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN