Faahfaahin: Kulankii Ugu Horeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Muwaay Kibaaki
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku jooga dalka Uganda ayaa magaalada Kampala kula kulmay maanta dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki.
Kulanka maanta ku dhexmaray magaalada Kampala labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa si aad ah looga hadlay xaalada gobalada Jubooyinka iyo howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan ciidanka AMISOM.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay goob joog ka ahaayeen saraakiil xaga ciidanka ah, maadaama kulankaan si aad ah loogu lafa gurayay sidii amaanka meelaha laga saaray Al-Shabaab loo adkayn lahaa.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalka Kenya doorka ay Ciidammadiisu ku leeyihiin howlgallada dalka looga xoreynayo Maleeshiyada kooxda Al-Qaeda ah.
Waxaa la sheegay in ugu danbayntii ay isku af garteen laba madaxweyne arimo badan oo ay qayb ka yihiin sidii loo xoojin lahaa amaanka isla markaana looga hortagi lahaa kooxda Al-Shabaab.
Kulankaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya uu halkaasi kulan kula qaatay dhigiisa wadanka Uganda madaxweyne Musefeni.
Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo kale la qaadan doonaa masuuliyin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha wadanka Masar Maxamed Mursi sida uu qorshuhu yahay.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho












ma anaa khaldan mise waxbaa Raxanreeb.com ka khaldamay headlineka warka iyo warbixinta isma lahana, Moi kibaki bay warbixinta ka hadlee xaga headlineska ay ku qorantahay Musaveni.
[...] Read More: Faahfaahin: Kulankii Ugu Horeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Muwaay Kibaaki [...]