Faahfaahin: Nabadoon Caan ah oo Beledweyne Lagu Dilay Iyo Maamulka oo Ka Hadlay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Beledweyne (RBC) Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee dhanka amniga Axmed Cismaan Cabdalla ayaa maanta ka hadlay dil bartamaha magaalada Beledweyne loogu geystay nabadoon Barre Maxamed Ganey oo ka mid ahaa odayaasha reer Beledweyne.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka ayaa tacsi u diray qoyskii iyo ehelkii uu ka soo jeeday marxuumka maanta la dilay, wuxuuna sheegay in marxuumka uu ahaa oday nabadeed oo Beledweyne aad looga yaqaanay.

Allah ha u naxariistee Nabadoon Barre Ganey ayaa waxaa sida wararku sheegayaa lagu toogtay abaare 12:30 duhurnimo ee maanta xilli uu isu diyaarinayey Salaada Duhur.  Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay dileen kuwaasoo ka baxsaday goobta dilka uu ka dhacay oo ahayd meel bartamaha magaalada ku taalla.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka nabadoonka iyo cida geydatay midna, hase yeeshee gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan ee dhanka amniga ayaa cambaareeyay falka dilka oo uu ku tilmaamay mid cadawnimo ah.

Dhanka kale, qarax miino ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Bledweyne lagula beegsaday baabuur ay wateen ciidamo Ethiopian ah kaasoo khasaare geystay.

 

RBC Radio

Share

Leave a Reply