Falanqayn: Baarlamaanka Soomaaliya Maxay ku Qiimaynayaan Raysal Wasaare Saacid


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lixdii Bishaan wuxuu Raysal wasaaraha Soomaaliya uu u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, ka dib mudo ku dhow hal bil oo laga sugayay.

Cabdi Cabdi Faarax Shirdoon Raysal wasaaraha Soomaaliya waxaa lagu wadaa in manta markii ugu horaysay oo uu hortago baarlamaanka Soomaaliya si uu u helo codka kalsoonida ka dibna uu u soo dhiso xukuumad.

Hadaba maxaa la gudboon mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya maxayse ku qiimaynayaan Raysal wasaaraha cusub oo ay codka kalsoonida ay ku siinayaan ama ay ugu diidayaan, Su’aasi waxaan way diinay Xildhibaan Mahad Maxamed Salad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Raysal wasaaraha ay ku qiimayn doonaan oo kaliya qudbada uu ka jeediyo baarlamaanka.

“Waxaan Qiimayn doonaa hadalka Raysal Wasaaraha iyo waliba sida uu kaga hadlayo wax qabadka uu doonayo in ay samayso xukuumadiisa”sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Raysal wasaare Saacid ma ahan nin horay ugu dhexjiray siyaasada Soomaaliya, waxaana dad badan dhici karta in markii ugu horaysay ay barteen markii uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.

Dadka siyaasada la socda waxay sheegaan in Saacid xilkaan loo magacaabao ay ka danbaysay ka dib markii madaxweyanaha iyo la taliyaashiisa ay u arkeen in uu yahay nin ay wada shaqayn karaan.

Hadaba Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo xukuumada uu soo dhisi doono maxay kaga duwanaan doontaa xukuumadiihii hore, waxaan arintaasi waydiinay Aqoonyahan Yuusuf Suseen jimcaale, wuxuuna sheegay in xukuumadaan ay wax badan kaga duwantahay xukuumadihii hore.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadihii hore ay ahaayeen kuwo KMG ah laakiin xukuumadaan aysan ahayn KMG, isla markaana ay tahay xukuumad rasmi ah.

Hadii maanta ay baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan raysal wasaaraha cusub oo ay siiyaan codka kalsoonida, xukuumad caynkee ah ayaa laga sugayaa in Raysal wasaare Saacid uu soodhiso, siyaasiga Maxamed Axmed Cali ayaan hor dhignay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in xukuumadu ay tahay in xukuumadaasi ay xooga saarto wax kaqabashada amaanka wadanka.

Soomaaliya 10-kii Sano ee ugu danbaysay waxaa Soomaray sadax dowladood kuwaasi oo dhamaantood KMG ahaa, waxaana dowlad kasta isku dhacay madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha taasi oo keentay sadax madaxweyne in ay soo magacaabaan Sideed Raysal wasaare.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Falanqayn: Baarlamaanka Soomaaliya Maxay ku Qiimaynayaan Raysal Wasaare Saacid”

  1. [...] Originally posted here: Falanqayn: Baarlamaanka Soomaaliya Maxay ku Qiimaynayaan Raysal Wasaare Saacid [...]

  2. deeqa says:

    marqaanka ayay kuqiimaynayann wayo xildhibanada intoodabadan waa reer marqaan.

  3. Bunjabshe says:

    waa muqayil iyo dibjir miiran kuwa u sacabo tumaya ninkan oo dilka ka gaystey muqdishow 1989 dilay wadaado iyo dada shacab ah kacdoonkii wadaada marka ninkani waa nin horgale ah oo ay naag wadato

Leave a Reply