Madaxweyne Faroole Oo Nugaal Kula Kulmaya Qeybaha Bulshada Iyo Saraakiil NATO Ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Eyl (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa soo gaaray degmada Eyl ee gobalka Nugaal , kaddib markii uu maanta isaga iyo wefdi uu hoggaaminaayo ka soo ambabaxeeyn magaalada Garowe ee xarunta Punland.

Madaxweynaha ayaa la sheegay  kulamo kula qaadan doono halkaas  mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay sheegayaal saraakiisha la socota madaxweyne Faroole ayaa inta uu halkaas joogo  madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta degamada waxa ay ka wada-hadlidoon arrimo ku saabsan ammaanka, horumarka, caafimaadka iyo waxbarashada degmada Eyl.

Waa socdaalkii seddaxaad ee uu madaxweynaha maamulka Puntland Faroole uu ku tago Eyl tan iyo markii uu xilka maamulkaas qabtay.

Socdaalkiisa ma ahayn mid saxaafadda loo sheegay, laakin inta badan waxa uu halkaas u tagaa  Faroole in uu ku soo nasto, waayo waa meesha uu ka soo jeedo isla markaana uu ku soo bar-baaray.

Waxa kala la sheegayaa inta uu halkaas joogo in uu xeebta Eyl kulamo kula la qaadan doono sarakiil ka tirsan ciidanka NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Faroole ayaa doonaya inuu hal sano oo dheeri ah sii hayo xilka madaxweynaha maamulka Puntland, maadama dastuurka loo sameeyay Puntland uu sheegayo in madaxweynaha uu xilka heyn karo shan-sano.

Arrintaas waxa uu madaxweynaha kala kulmay dhalliilo iyo eedeeyn ay u jeedinayaan siyaasiyiinta iyo wax-garadka ka soo jeeda deegganada Puntland.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Garowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

9 Responses for “Madaxweyne Faroole Oo Nugaal Kula Kulmaya Qeybaha Bulshada Iyo Saraakiil NATO Ah”

  1. [...] See the original article here: Madaxweyne Faroole Oo Nugaal Kula Kulmaya Qeybaha Bulshada Iyo Saraakiil NATO Ah [...]

  2. diiriye says:

    cadaalad ma ahan degaano uu sheegto in uu maamulo oo ka tirsan puntland ayuuna waligiis xataa saacad ku bixin in uu tago marka gobalka uu ka soo jeedo tagistiisu ma ahan wax nagu cusub

  3. Yonis says:

    WaaaaaaaaszzAaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw!!!!!!!!!!!!! Eyl waa magaaladaydii was magaaladii dekadii ugu horaysay ee puntland waa magaalo qadiimiya waa xaruntii labaad ee sayid Maxamed cadule xasan waa xaruntii talyaaniga dekada uahayd waa labo magaalo daawad Iyo baday waxay isujiraan 3kilomitir waxaa dhexmara oo labada magaalo isugeeya wabi AMA dur dur serves waxaa xeebta xigta daday

  4. Somali & puntland says:

    Diiriye cuqdad iskasaar, haduu eyl tagoh iyo hadii magaale booqdo maxweynu waa is kumud.

  5. Rooraaye says:

    Dadku waxay doonayaa wax welibaa inay ogaadaan raali ahaada dib ayaan idiinka sheegi doonaa booqashada m/weynaha yaab badanaa acuudu bilaah

  6. ahmeed says:

    faroole waxaa u haray laba bilood iyo bar kadib wejigiisa hanaga qariyo, waa ninka raarood iyo hartiba colaadda isu geliyey ee halkaas dhigaye.majerteenna cidlada ku xiray. wejigii ha gubto hanndhaafo.

  7. Xaafid says:

    Asc wrx wbr. Cuqdad maaha hadii laga hadlo WAC yiga jira, dhibaatada AMA cadaalad xumado jirta. Markii Aad meel madax kanoqotid waxaa xaq iyo xuquuq kuguyeelanaya Sitaa xoolaha iyo geedaha.qofka wax mucaaradayana waa in uu fahankeeda leeyahay arinta uu mucaaradayo. Ayada oo Aan Cidna loogefeyn hadana qofkasta wuxuu xaq uleeyahay in ka hadlo wixii dulmi ku ah. Hadii ay Tahay hawl madaxweynena kaba siidaran. Shaqsi ahaan waxaan walaalahay muslimiinta soomaliyeed kula dardaarmi lahaa yuusan idin jidan qabill, xarako, saaxiibtinimo, ganacsi iyo waliba Dana kale idinka oo iska indhatiraya AMA Aad markaas iska indha tirtaan dantii guud iyo xaqa iyo xuquuqaha Aan iskuleenahay oo ilahay enaga dhexaysiyay AMA shaqsi kasta gaarkiisa loogu leeyahay . Ilahay waxaan ka baryayaa in uu wanaag nagu irsaaqo iyo fahanka danaheena.wsc wrx

  8. Ciise..dheeg says:

    Faroole waa m/ weynihii ugu xumaa ee abid soo Mara dadka iyo dadka reer p/ land waa firdhiye. Maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd ( Nin aan telin jirin haruu taliyo , Nin aan Tegin jirin ayaa taga)
    Reer puntland maanta meel u fiyoow ma jirto inaba. Reer puntland waxay taariikhiyan ahaan jireen dad magac iyo sharafba leh talo wanaagsan soomaali ku maamuli jiray, Talana qaadan jiray.
    Hadaba inuu faroole madaxweynaha ka ahaa puntland dib u dhac weeyn ayaa ku habsaday oo dhan kasta ah. Mar ala markuu hadlo m/weyne faroole wuxuu lumiyaa kumanan jeclaa puntland iyo shacabkeeda, waxaa la yiri ((( ( Nin gunti xun inuu wax qarsanayaa la moodaa))))))) !!!

  9. Somali & puntland says:

    Ciise deef. Maahmaahdaadu waa maahmaah laangaa

Leave a Reply