Fatahaada Beledweyne: Qiimeyn Khasaare oo Hordhac ah oo La Sameeyay Iyo Gurmad oo Aan Weli Jirin (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Beledweyne

Beledweyne (RBC) Masuuliyiinta maamulka degmada iyo qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay qiimeyntii ugu horeysay oo hordhac ah oo laga sameeyay fatahaada wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne uu sameeyay toddobaadkii hore. [AKHRI DHIBAATADA FATAHAADA BELEDWEYNE]

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Cadaawe Cilmi Nuur oo kahadlay khasaaraha wabiga fatahay uu u geystay dad iyo duunyo ayaa sheegay inay hayaan khasaare dhimasho dadka ah oo gaareysa 22 ruux halka tirada xoolaha ku baaba’ay fatahaada gudaha iyo hareeraha magaalada ay gaareyso in ka badan 3,200 neef oo u badan ari.

“Shalay oo kaliya 2,600 neef oo bakhtiyey ayaan ka soo saarnay meel galbeedka magaalada ah, welina waxaa dhici karta in xoolo kale iyo hanti ku baaba’day oo aan la arkin ay jiraan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka oo xalay Raxanreeb telefoonka kula hadlay.

Dad barakacay

Gudoomiye ku xigeenka degmada Sheekh Cismaan oo isaguna aan wax ka weydiinay tirada dadka ka qaxay magaalada ee gaaray hareeraha magaalada ayuu sheegay in dad gaaraya illaa 9,000 ay magaalada ka bexeen markii guryahooda ay ugu soo galeen daadka biyaha wabiga ee soo fatahmay toddobaadkii hore.

“Dadkaas waxay gaareen dhiowr goobood oo kala duwan iyagoon wax uga horeeya jirin, tusaale ahaan deegaanka Ceel Jaalle oo magaalada u jira 3-km dad baa gaaray oo halkaasi coosho ka dhistay.  Waxay kaloo dadku u qexeen deegaanka Buurta Janta Kundisho oo illaa 25-km magaaladau jirta” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka degmada.

Tirada ka qaxday magaalada Beledweyne ayaa lagu qiyaasayaa inay sii kordhi karto maadaama illaa hadda aaney jirin wax gurmad oo dadka dhibaateysan la gaarsiiyey, waxaana tirada hadda la sheegay ay tahay mid aad u badan.

Sarkaal la shaqeeya urur maxalli ah oo ku sugan magaalada Beledweyne oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Raxanreeb u sheegay in goobaha ay dadku u qexeen ay hadda ka dilaaceen xannuuno sida kaneecada iyo shubka oo durba carruurta ku bilawday iyadoo haddii aan gurmad caafimaad lala helin ay dhibaatada carruurta iyo hooyooyinka ay sii badato.

Dadka ku nool magaalada Beledweyne ayaa horey u qabay dhibaatooyin amni iyo kuwo nololeed oo ay hadda ugu darsameen fatahaadaha wabiga Shabeelle oo aan illaa hadda loo helin wax xal ah.

Waxaa jira qeylodhaan ay dadka iyo saraakiisha deegaankaba u jeedinayaan dawlada Soomaaliyeed, ganacsatada iyo hay’adaha balse dhawaqaasi weli lagama jawaabin taasoo dhibaatada sii dheereyneysa.

Dhanka kale, sida Raxanreeb ay u sheegeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Soomaaliya waxaa qorshuhu yahay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta booqdo magaalada Beledweyne si uu u soo arko dadka dhibaateysan ee wabiga uu ku fatahay ee magaalada Beledweyne.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Fatahaada Beledweyne: Qiimeyn Khasaare oo Hordhac ah oo La Sameeyay Iyo Gurmad oo Aan Weli Jirin (Warbixin)”

  1. Nimco Galdogob says:

    ILAAHAY WALAALEHEEN HA U SAHLO MUSHKILADAAN SOO WAJAHDAY WAANA IN SI DAGDAG AH LOOGGU GURMADAA

  2. [...] lagu sheegay qiimeyn dhowaan lagu sameeyay khasaaraha fatahaada oo ay Raxanreeb daabacday ayaa tilmaameysa dhimshada dad gaaraya 22 ruux iyadoo 9,000 qoys ay ku [...]

  3. [...] halkaasoo wax dhibaato ah aan laga soo sheegin walow dadkii faraha badnaa ee magaalada ka barakacay markii fatahaadu ku dhufatay Beledweyne ay weli ku maqan yihiin hareeraha [...]

Leave a Reply