Galmudug & Khaatumo State Oo Soo Dhaweyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Cabdi Faarax Saacid
Galkacyo (RBC Radio) Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweysay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo shaley uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta saxaafadda kula hadlaayay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, ayaa sheegay in uu maamulkiisa soo dhaweynayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, isla markaana ay la shaqeyn doonaan.
” Annigoo ku hadlaya magaca dowlada gobaleedka Galmudug iyo keygaba waxan hambalyo u dirayaa Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo shaley loo magacaabay ra’iisal wasaaraha cusub mudane Saacid,isla markaana aan u hambalyeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo soo magacaabay ra’iisal wasaare wax badan ka badalaya dalka” ayuu yiri Gen: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Dhinaca kale, kulan ka dhacay degmada Taleex oo ay ka qeybgaleyn madaxda maamulka Khaatumo ayaa lagu soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo shaley xilkaas loo magacaabay.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf (Indha-Sheel) oo saxafadda la hadlaayay ayaa sheegay in uu maamulkiisa soo dhaweynayo ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxana ay u rajeeyeen in uu soo dhiso xukuumad tayo wanaagsan.
Isku Soo Bax Lagu Taageerayo Ra’iisal Wasaaraha Cusub Oo Ka Dhacay Buuhoodle
Isla magaalada Buuhoodle waxa ka dhacay Isku soo bax lagu taageerayo ra’iisal wasaaraha cusub ayaa maanta wasxa uu ka dhacay degmada Buuhdoole.
Waxa dadkii goobta ka hadlay ka mid ahaa Caaqil Maxamed Maxamuud Nuux (Sanweyne) oo sheegay in uu in hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay.
Waxa kaloo goobta ka hadlay duqa degmada Buuhoodle Cabdi Casiis Ducaalle Qanbi oo isna sheegay in soo dhaweynayaan Cabdi Faarax Shirdoon oo shaley loo magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Radio RBC
Xafiiska Wararka Galkacyo












madsanid mudane qaybdiid
ASC Sidaas sharafta leh ayaa loo hadlaa ama waa layska aamusaa shacabka Somliyeed waxeey u baahan yihiin Dawlad xoog leh iyo maamul xoog leh si layskaga cesho cadowga iyo dabadhilifyadiisa SLand iyo PLand sidaasoo kale waa ineey usoo dhaweayaan sharaftu waa sidaas shuruudna lagumo xiro midnimada JSomaliya Viva JSomaliya sc.
Masha allh ra isal wasaraha waa nin wadani ah allahana ufududeeyo hoiwsha adag oo sugeysa
soo dhaweeyayaashani waa muwaadiniin run ah kuna faraxsan horumarka dalkooda, waxaaney muujiyeen calaamadaha lagu garto muwaadanimda
Mansha allah illahay xilkisa hala garab galo amiin
Markale Hambalyo Ayaan leenahay r/wasaaraha hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Khaatumo States of Somalia.
Guul soomaaliya
Mansha’Allah! Wadaniyiinta Khaatumo iyo Galmudug horseedka Midnimada iyo Walaaleynta Somalia Nice Work! Somaalidii Midowday Saxarkii Baxyoo dhaqaaqyay.
Ka naxoow JAB, Ku farxoow NOOLOW!
In kastoo loo baaqoo, oo loo sheego BARWAAQO, Buktaa, Buktaa dad bay meeli buktaa lala lala laaaa lalaaaa
waa nin NGO ah marka maxaad ka sugeysaan, ragga u mashxaraday waa Muqayil iyo iyo qaad uu diloodey haddba ninkani waa nin ay naag waddato oo ay danteeda ku gaareyso
kkkkkkkkkk Waa nimankii xaafada baraxley iyo tuulada Buuhoodle uun maamuli jirey maa meeshaan cid hambalyeynaayo qosol badnaa kkkkkkkkkkkkk….
Ina c/lle xasam_ilah u naxaristee waxaa laga soo weriyey”Iska hadlow ina Igare” markii ninkii is dhiiba oo nin calooshii ku jira oo an wax ba u tiira & tacab beelin oo doonaya in uu dadka dhiigoda shaqo hade aragtidisana waa la qurux badan tahay tan dadka kalana waa la fool xun tahay ee armey haboon tahay adiga oo an cid af lagadeyn in ad cabirto aragtida marka dadku wey soo wada dhaweeyen oo wax diidey lama hayo mamul ahan marka sida wax u dhecena ninkii caqli leh oo an caloshisa & ku digasho qof an u jedin & siyasdana gorfeya waa daremo karaa in sida wax loo aqooley aysan sax ahayn mar sow ma habona in qof ku uu ta’kiidiyo in shurucda wadanka u yaal in la dhowro walow inta badan somalidu aysan ku tashan beri ee ay waqtiga marka la tagan yahay ay mudnanta siiyaan tan kale nimankan 3 dii qeyb ee dowlada u sareysey ku habsadey oo goloha wasiradana donaya in ay isla iyaga dad la fikir ah soo xulaan sida loo badinayo waa isku xisbi(damjadiid) oo siyasadodu ay ku gurucan tahay arimo badan oo iska shac bixi dona walow xan ahan lagu helayo in ay donayan in ay ka taqalusan dastuurka federalka & dowlad goboledyadaba ayna dhisan dowlad midnimo qaran(central government) oo xamar ku koban oo ah dhagartii laga dhaxley Askartii wadanka ku habsatey(21 october) waxay u bahan tahay ka fiirsasho & foojignan tan kale dadka yan la ja ifeenq of walba qof baa horjege u ah ileyn somali banu nahaye hala tashto oo yan leysku mashquuline hana la ilawo .cadeyn & bonadii & boobkii xolaha umada & ,,,,,,,,,,,,,
To Axmed boowe nimankas tuulo ayay ka taliyan adnah tuulada xunta ah ee growe aya ka talisa waliba way ka adagyihin labadas maamul khaatumo iyo galmudugba xabalahay kugu darayaan ada somail u liita oo caay iyo faan kibir iyo burcadnimo sxb u ah way dhawdahay maalin tuulada garowe lagala wareegi doono xiisabta ku darso garowe badh khaatumo leeh miskiin alla karim
Oo khaatumuna wax ma soo dhawaysaa ???
meesha waxba kuma haysaan ee riwaayad baa ka socota!! Waar runta isu sheega oo waaqica ka hadla…khaatumu waa maxay?xagay joogtaa ee ay ka talisaa?.
waa cali khaliif ayeeyadii hooyo , xaajiyo khaatumo…kkkk
ASAD CAADI MAAHID WALAAHI RUNTAAD USHEEGTAY CAQLI REER MIYIGA
To Axmed boowe nimankas tuulo ayay ka taliyan adnah tuulada xunta ah ee growe aya ka talisa waliba way ka adagyihin labadas maamul khaatumo iyo galmudugba xabalahay kugu darayaan ada somail u liita oo caay iyo faan kibir iyo burcadnimo sxb u ah way dhawdahay maalin tuulada garowe lagala wareegi doono xiisabta ku darso garowe badh khaatumo leeh miskiin alla karimTo Axmed boowe nimankas tuulo ayay ka taliyan adnah tuulada xunta ah ee growe aya ka talisa waliba way ka adagyihin labadas maamul khaatumo iyo galmudugba xabalahay kugu darayaan ada somail u liita oo caay iyo faan kibir iyo burcadnimo sxb u ah way dhawdahay maalin tuulada garowe lagala wareegi doono xiisabta ku darso garowe badh khaatumo leeh miskiin alla karim
ASC, dhamaantiin iyo Raxanreeb. Waa arin wanaagsan sida eey Galmudug state iyo Khaatumo state usoo dhaweeyeen Prime Minister Abduqaadir Faarah “Saacid”. Runtii waa arrin qeeyb wanaagsan ka qaadan doonta isku soo dhaweeynta iyo soo celinta kalsoonida dadka Somaliyeed dhexdooda ah. Thank you.
Runtii waxaan kula talin lahaa Faroole iyo maamulkiisa iyo dadka halkaas kasoo jeeda, isku xishooda oo ka jooga xumaanta iyo in aad moodaan in la joogo 1960. “new blood” ayaa Somali laga dhex helayaa iyo in xilalka sare ee dowlada cid kasta qaban karto, oo waxaan waa hal jago iyo wax lamid ah ee wax ka weeyn oo ah in aan dadka Somaliyeed “page” cusub loo furo oo nabad iyo walaalnimo lagu wada noolaado, ee adinka ha noqonina dadka cadow ku ah maslaxada dadka Somaliyeed dhamaantood. Thanks
Waa mahadsan yihiin galmudug iyo khaatumo state. Waa muwaadiniin asal ah oo jecel in dalka iyo dadka soomaaliyeed ay dhibaatada ka baxaan. Balse waxaa caksigooda ah qoladan garoowe fadhida ee qumanahooda qoorta loo galiyey indhahoodana wanaaga laga qariyey war bal is xisaabiya adinku inta aadnan cid kale xisaabin waxaana kula talin lahaa iney la yimaadaan siyaasad update ah oo lajaan qaadi karta marxalada iyo waaqica dhabta ah ee dalka ka jirta kana gudbaan khiyaalka iyo mala awaalka ay ku sugan yihiin.
Waano soo dhawayneena Guusha somalia gaadhay..anago madawenaha iyo raisal wasarah baan ku daba faylayna kana amar qaadaneena , somalia Somali baa leh, markaa raga iyo maamulada Ethiopia ka amar qaata waxaan liinahay war dadkeena dhinac ka raaca oo soomaalinimadiina sharafta haka dilena…somalia hanoolato , viva madaxdeena soomaaliyeed.
kkkkkkkkk RAXAN REEB ,
kkkkkkkkkkkk khatumo maxa la dhahaa xagayse ka jidhaa , walee dadkaani waa wareereen , meshaba ma horufadhibay noqotay , webka waan soo booqanaa lakiin manta kadib masoo galaayo ,