GAROWE: Kulan Xasaasi ah oo Xalay Ka Dhacay Madaxtooyada Iyo Mowqifka Puntland ee Raysul Wasaaraha Cusub oo La Dhowrayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe (RBC) Waxyar kadib markii xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu yahay raysul wasaaraha cusub ee dalka ayaa madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole wuxuu kulan deg deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirada.

Sida ay sheegayaan ilo wafreedyo saaka la hadlay Raxanreeb oo ku sugan Garowe, kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe oo uu shir gudoominayey madaxweyne Faroole.

Kulanka oo dhamaaday waqti dambe ayaan jirinwax ka soo baxay oo dibadda loo shaaciyey laakiin sida Raxanreeb ka ogaatay ilo wareedyo aan rabin in la magacaabo waxaa uu kulanka ku saabsanaa sidii mowqif ay Puntland uga qaadan lahayd magacaabista raysul wasaaraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. [DAAWO SAWIRO MAGACAABISTA R.W]

Shir jaraa’id oo Garowe ka dhacaya

Goordhow oo subaxnimada hore ah ayaa lagu wadaa in wasiirka warfaafinta Puntland uu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo mowqifka maamulka Puntland ee ku wajahan raysul wasaaraha cusub shalay la magacaabay, waxaana shirka jaraa’id qabashadiisa amray madaxweyne Faroole si loo cadeeyo mowqifka xukuumadiisa.

Dhanka kale idaacadda ku hadasha afka madaxtooyada ee Radio Garowe ee uu leeyahay wiilka madaxweynaha Puntland ayaa saaka sheegtay in raysul wasaaraha cusub ee dalka la filayey in loo magacaabo nin ka soo jeeda Puntland iyadoo sida idaacadu sheegtay madaxweyne Xasan Sheekh uu baajiyey booqasho uu ku iman lahaa magaalada Garowe.

Idaacadda waxay kaloo sheegtay in magacaabista Cabdi Faarax Shirdoon ay ka dambeysay xaaskiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo idaacadda Garowe ku tilmaantay inay gudoomiye ku xigeen ka ahayd koox ay ku sheegtay “Hawiye Action Group”,waa sida idaacadda Garowe ay sheegtay saaka.

Wixii dheeraad ah ee u soo kordha warkan kala soco Raxanreeb.com

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

50 Responses for “GAROWE: Kulan Xasaasi ah oo Xalay Ka Dhacay Madaxtooyada Iyo Mowqifka Puntland ee Raysul Wasaaraha Cusub oo La Dhowrayo”

  1. Banaadir boy says:

    Puntland ra,isul wazaarinimada yaa uga dhintay oo ay ka dhaxleen waa maangaab faroole waayo qof fakrida faroole ku shaqenayo ama puntlandta uu horsedka u yahay ninka waalan waxan qabaa waziirada ankee in laga soo dhex xulo majertenka ka fiyow qabyaalada waaba hadii la helaayo hal iyo labee oo aan faroole warkiisa ku shaqeynen xitaa maanta hadii hoganka puntland qof kale uu heen lahaa wax weyn bee ahaan lahed

  2. Fartuun says:

    Puntland waxey sameeyn garto ayaa isga yar.

  3. xarago says:

    Adeer Dowlada Cidna ma rabto waayo ninkan waxaa wata oo xasan guurguurte ku yiri hadii aad rabtid in aynu kismaayo qabsano inoo magacaw mareexaan ileen reer puntland ka yeelimaayaan in qayb ka mid ah somalia ama lagu xadgudbo inta ay dalka taladiisa hayaan waayo dad daba ka warwra qaba maaha

  4. axmed says:

    Madaxweynuhu wuu u hambalyeynayaa Raisulwasaraha cusub, waana la dhowrayaa Talaabo-qadkiisa cusub oo laga hordhicimaayo- haduu la yimaado wax Somali u dan ah ,waxna loogu dhimaynin Puntland iyo Meelo kale wuxuu noqon Masuul soomali, Xukumi doona Puntland iyo Somalia.

  5. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Faroole wuxuu noqday naag la furay fadhi uma yaalo kkkkkkk.

    Reer barigu waxay la yaaban waxay dhahaan aribaayo aa la tahay. Kkkkkkkkkkk

    Oo maanta ma kursigii daarood garoowe ayaa laga leeyahay. Kkkkkk
    Faroole waa qaswade qabyaladeyste ah

    Maanta reer. Gedo reer khaatumo iyo hawiye way is garab taagay yihiin. Waxaanana u balan qaadeynaa reerkaas pintiland in aysan siyaasada somaliya dib usoo cago galin waxaana maanta markhaati ka ah sidii aan faroole dhulka ugu jiidnay.

    A
    Reer khaatumo iyo reer gedo waa kacaankii barakeysnaa hal siyaasad iyo hal cadow ayaan leenahay waana jabhada ssdf horene waxaan ku qaadnay dagaal sida jabhadii snmta.

    Villa somaliya reer pintiland waxaa fadhiya ali khalif galeydh iyo rasialwasaare saacid. Ama bada bosaaso isku gura ama sidiinii jabhadii ssdf muraacad noqda oo ethiopaia u taga kkkkkkkkkk taangiga Amisom yuusan dusha inika marin sida alshabab.

    Oo tolnimda xeeriya oo iska daaya xaasidnimada iyo dumarnimada.

    Wabilaahi towfiiq.

  6. Zuber says:

    Ninkani wuxuu xaadhidoona guriga xasan qoslaye.wax uu yeeli karana ma jirto.

  7. dr xuluuliye says:

    taladoodii ma waxa ku aamineen faroole af nijaas afwlinje

  8. asli says:

    Hadii ahaan jiray fidno wadayaal diida nabada. maanta gogoshii ay dhigeen ayaa dawlad wadara lagu dhisay. Hada reer puntlanoow iska dhaafa shidada hadii kale waxaa la ogaanayaa inaad tihiin argagixiso waayo waxaa dagaal lagula jiraa argaxisada, Qofkasta oo ka horyimaadana waxaanu u aragnaa inay la shaqeeyaan xagjirka.

  9. Kilwe says:

    La yaab ma leh balse waxa Fajicisada waxa ay dugsanayaan ee ay meesha u joogaan ragga ay ka midka yihiin Gen.Abdisamed Ali Shire, Ilka Jiir iyo Gudoomiyaha barlamaanka!!!!

  10. garowe says:

    raxanreeb beenta iyo fidnada maad iska dhaaftaan idaacada garowe shalay iyo saakaba anaa dhagaystay waxaad sheegaysaan ma’aysan dhihin ilaahay kacabsada oo jooji been abuurka cid tiri hawiye action group bay katirsantahay majirto waxaas ummada ayay sii kala fogaynaysaa joojiya.
    anigu magaalada ayaan joogaa xataa dad kasheekaysanaya raiisalwasaaraha cusub ma arkin

  11. puntlander says:

    iska suga war jiraba cakaaruu imaanaya raxanreeb waxaa dilaya degdeg iyo fudedyd somaliya inta ay fudud kajiro waxba hagaagi maayaan website radiyahaaas anaa galay waxad qorteen kuma arkin

  12. ugbaad mudug says:

    raxanreeb mid ogaada reer puntland la iskuma diree iyagaa wax isku dira waan ka weeynahay dad wax loo sheego farole waa president of today and tomorrow we are same nation

  13. qandalaawi says:

    War miyey dinaan dhimaneyn sida aad wax uga qoreysaan puntland waa si foolxun iyo qalad ah wixiinu waa kala fogeynta walalaha reer gedo iyo puntland
    Puntland wixii aan u qalmin wey diidi kartaa xaq bey u leedahay booskuna waa boos darod cid walba oo drd ah ayaa ku fariisan karta lkn muhiimaddu waa in drd iyo somali oo dhan loogu adeegaa si caddaalad ah oo aanu noqon aalad la isugu adeegsado ilma drd oo ay isku garaacaan
    Halka taxaddar ee ii muuqdaa keliya waxa uu yahay kalsooni darradana keeni kara in reer gedo ay. Is xejiyaaan reer muqdisho dabadeedna iska hor imaad siyaasadeed uu dhex maro puntland v gedo and H/G sidaasna dawladdii ku fashilano
    Maanta raisul wasaaraha ayey saaran tahay mas’uuliyaddu sida uu dadkiisa isugu wadan lahaa min luntland ilaa raaskaanbooni haddii kale fashil ha u diyaar garoobo

  14. shukulaatiina says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk faroole firdhiye iyo wiilkiisa waa ooye albaabka ii xira waryada haku soo ganban caasho xaaji oo hawiyu qabaye u soo bareera PM saacid faroole firdhiye adba waxad qabtaa naag isaaq ah oo SNM; ah afkiina ka saara inaad caasho xaaji ku ciladeysan reysalwasaare SAACID waa dhamaatey sheekadii road map ee beenbeenta aheyd kkkkkkkkkkkkkkkkkk hadduu diido faroole iyo hadduu adeeco waa iskumid wax masoo kordhineyso adeer kumeelgaar waa laga baxey aduunko dhan baa soo dhoweeyey reysalwasaare saacid guuleyso viva marwada reysalwasaare saacid marwo caasho xaaji kkkkkkkkkkk waa funny in wiilkii faroole uu yiraa wuxu qabaa reysalwasaare saacid naan reer cadaado ah iyadoo faroole uu qabo naag reer sland ah oo SNM AH.

  15. somali says:

    Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuuud go’aan taariikhi ah ayuu qaatay,R/wasaaraha Cusubna shaqo adag ayaa hortaal.haba ugu horeyso diidmada asalka ku dhisan ee ka imaan doonta Maamulka faroole hogaansho oo isagu ku caan baxay naeebka beelaha kale ee abtirsiga somaldia la wadaago.R/wasaaruhu somalida oo dhan ayuu R/Wasaare u yahay oo reer kaliya oo diida uma hakandoono,laakiin Faroole oo ah oday ceebeed waxaan ka sugeynaa inuu afka furto oo uu uurkiisa umada tuso kuna colaadiyo R/wasaaraha waa reer hebel lana shaqeynmeyno.Dowladani kumeel gaar maaha sidaas darteed anigu waxaan qabaa hadii faroole iyo kooxdiisu diidan in ey la shaqeeyaan dowlada somaliya in qudhooda lala dagaalamo oo loo aqoonsado dowladnimo diid lagana xureyo dhulka ey sida xoogaha ku heystaan,lana soo celiyo midnimadii sharaftii iyo qaranimadii umada soomaaliyeed cid kasto oo taa ka hortimadana waa in cagta la mariyaa.R/Wasaare Guuleeyso..

  16. nabadon says:

    Madaxweyne Faroole Quraan halagu akhriyo,
    PM ina Cabdirashiid ayuu diidey inuu la shaqeeyo, PM Farmaajo ayuu diidey inuu la shaqeeyo, PM C/weli gaas ayuu diidey inuu la shaqeeyo, hada wa shadii kale la shaqeyn meyno, waar ninkan inta goori goortahey Quraan halagu akhriyo

  17. KarKaar says:

    Waxaa moodaa dad wax magarataa inay iska horkeenan dadka walaalaha ah puntland iyo gedo dad isku qoomiyad ah baa dagan kursigaana hadba nin baa kufariista puntlandna wey soo qabatay hadana walaleheen reer gedo waqtigooda bey qaadan marka warbaahinta dadka Marin habowga kadaaya oo dadka isu soo dhaweeya somali dawlad bey ubahantahay hadii ninkii ladoortaba ladhoho hebla AMA hebel baa diiday sidee qaran lagu noqon raisalwasaaraha cusub waxaan kacodsanayaa noqo nin soomali isu Keena oo horseeda unoqda taarikhda baa kuxusidoonta gobol kasta oo Somalia ah tag waxgaradka latasho dhageyso wixii talo wanagsan ka qaado madaxdii hore ee Somalia intoodii badnayd waxay ku fashilmeen eex nin jeclaysi kooxaysi musuqmasuq cadaalad daro marka raisalwasaare Guul iyo wax kheyr baan kaa fileynaa hadaan nahay reer puntland AMA somali oo dhan guud ahaan

  18. xaawo says:

    ASC ALXAMDULILAAH ILAAH BAA MAHAD GAAR AH IYO MID GUUDBA LEH ASAGANA UGA MAHDINAYNAA INAY SOO DAG DAGO XAQA ILEHAY HA KU KALIFO INAY PUNTLAND GO DO YAA RABI AAMIIN KKKKKKKKKK MANSHA ALLAAH WARKA FIICAN OO AAD SHEEGI LLAHEY MALAHAN RAXANREEB GUUL IYO GOBA NIMO

  19. kismaayo boy says:

    somaliya xaaladeeda wa aqasay labanay waxad moodaa madaxwaynaha sodii laga filayay ma yeelin lakiin waxa ila quman inaan mowqif wax udhimi kara midnimada somalia aysan qaadan xukuumada puntland

  20. Ank says:

    ninku dr cabdiqadir buu wax laraadinayey……………kkkkkk

  21. Khaatumaawi says:

    Wan idin slm raxanreb waxa laga filaa farole firdhiye waa mucaradnimo iyo xasidnimo iyo ani hadan laiga dhigin wankabaxay somalia .

  22. maroodi says:

    kkkkkkkkkkkk waa la yaab qabiil ma noqon karaa qaran ayaa horta wanagsan in la is weydiiyo. madaxweynaha taladiisa ma sidan ayuu bulshda ku maamulayyna alleylehe meesha waa lagu ba,ay . wr dadka ma asaga ayaa sameystay waa yaabe. tankle reysal wasaraha waa nin Qaran ma ahan nin qabiil wana laga tagay xiligaas.
    hdaba wxaa idinla gudboon reer raxanlaawe in aad dowlada dhinac karaacdaan inta uu daadku idin qaadin waana iga talo.

  23. baaruud says:

    waa la arkaa inuu yahay qoraalkan ka bad badis iyo inuu soo diyaarshey ruux mucaarad ku ah buntuland haa buntuland waxna way mucaaradi kartaa wayna ayida kartaa la soco arinkaas tan 2aad idaacada garoowe ina faroole malahee waa tii ay daowladii ku meelgaarka ahayd ay buntuland ugu deeqday lana wada ogyahay iyo wasiirkii ka soo qaaday waqtigaas hadaad idinku ma sayrsantihiin ina faroole idinkey idiin taal

  24. Abdi wali says:

    Calacalka joojiya puntland howsha ma dhawo reer puntland iyo anagoo reer muqdisha is hesan meno mar danbe ama anaga ama idinka ayaa xukunka uharayo go i lahaydena joogi lahydena walee aan mardanbetala xumada faroole loo fadhineen faroole caradada la dhimo waxan sugnaba waa inaa ciilkada kala kordhacdaaa reer khatumo reer makhir reer raascaser ileen reer muqdisho waxba ka qadi mesid ama dowladnimada raaca halaydin talsho ama qaswadayal noqda

  25. Laascaanood says:

    Faroole wakhtigiisii ayaa dhamaaday hal maalina kuma darsan karo iskadaa sanadka uu sii qorsheystaye markaa nin tiisa daryeela ayaa tukale kudara. Qaranka cusub ee soomaaliya uma joojinayo tuug tuulo Yar isku soo waabay sida siilaanyo iyo afwaliinjo

  26. Ali says:

    Hawiye action hadayba meesha soo galeen rajo maleh oo waaba mooryaan dimmed ka guru oo u guur mooryaan qabiileed, naagtaas, Tarzan,xaad, Ahmed diiriye, ciise dalabah.

  27. soomalijecel says:

    KKKKK MICROPHONES MA U BAAHAN YIHIIN REER GAROWE?IN AY QAYLIYAAN AYAY KU FIICAN YIHIIN HADDA WAQTIGII QORIGA WA LAGA SOO GUDBAY,HADAYBA KU FIIC NAAN LAHAAYEEN DHINAC QORIGA WAX BAYBA NOQON LAHAYD OO SSC HADDA LAGUMA XISHAAB TAMO KARO.

    SEEXDA HURDO FIICAN SEEXDA SOMALI WAA IDIN BARATAY YAAN LAGU WAREEGIN HAIWYE ACTION GROUP IYO HADALADA DADKA WAALAN TUBAAKO HADDII AY MACAAN LEE DAHAY WAA LA LIQI LAHAA NIMANKAN DHIIGGU KU KARAY TUBAAKO AYAA KA DHADHAN WANAAGSAN.

  28. asad yare says:

    kkk walle waa layaab horta laba hala kala saaro ma puntland ayaa somalia ah mise somalia ayaa puntland ah keeebaa weyn horta caqli halagu shaqeeyo sxbayaal gaas si fiican oo sharaf leh buu ugu hambalyeyey r.wasaraha waxa meesha qasaya waa futoole shit

  29. lee gaas somaliland says:

    gudahaa ladhigayaa haduu qaadaco isagaa saxeexay in lala dagaalamo cidii kahor timaada

  30. Ugaas Raage says:

    Ninkaan layiraahdo Faroole umada halaga qabto hadii kale arinku meelxunbuu gaarayaa.Reer Puntland waxaa laydinku yaqaan inaad xumaanta iskugu hiilisaan laakin maanta arinku kaa ogaydeen maaha ee yaa kajooga idinyiraahdo (waryaa geela lahoo ciinka kaceshada)

    Faroole baa boowe saa yiri haydinka saarto sheekooyinka beenta ah ee aad isku sheegtaan.

  31. daacad says:

    kkkkkkkkkk yaa ila qosla aniga hada ayaanba taageeryaa raisal wasaare saacid taagero reer faroole waa u jeedaan waxa eeey soo wadaa waleeee waad waalaten reer faroole

  32. Eng. Abdi Haji says:

    Faroole wixii aan lagala tashan Soomaali uma cuntami doonaan, waxaana idiin sheegaya in Faroole yahay, Madaxweynaha Soomaaliya ee dadban. Waan adeecaynaa wuxuu yiraahdo hadii uu taageero waan taageeri doona hadii uu diidana waan diidi doona Insha’alaah. VIVA Faroole, Viva Puntland, Cadowgu ha jabo.

  33. Wars an says:

    Saacid. Haloo sugo oo yaan horay laga mucaradin in kastoo. Xaaskiisa ay. Lugwayn ku lahayd magacibistiisa , habartaas. Oo. Caydiid. U ahayd. Xoghayn, hawiye action ka ahayd kuxigeen oo markastaba Aan qarsan qabiilka laakiin suaashu Waa habarta Waa la yaqaan. Ee. Saacid Yaa yaqaan Goorma ayuu guursaday isagoo qaba haday ku jirtay haw lahaa xaaladu Waa alaw sahal.

  34. jamaal says:

    War kan FAROOLE la dhahayo waa doqon doqon dhalay oo cawaan ah maba xishonayo DAAROOD dhana ma asagaa wakiil ka ah dowlada qabiil aya lagu qeybsaday MAREEXAAN daarood ayaga u talinjiray hadana u talinayo horada ka kac dhaha odaygan somaliya na xamar ayaa laga xukumayaa GAROWE waa degmo yar dadkina dhinac ka raaca ayan idin leyahay kor ha ahado madaxweynahe xasan sheekh iyo dr Ra’salwasare dr Saacid

  35. Koofiyad-Cas says:

    Bakh-Bakh fulayeedka iyo shirarka beentaa oo ay reer Faroole isku mashquulinayaan dadbaa laga yaabaa inay ku sirmaan oo u maleeyaan wax macno leh. Waa faataadhugle iyo Mudane Raysal Wasaare Saacid Faaraxow na arag oo nasoo eeg. In wasiirrada wax laga siin waayey ka baqayaan marka waa baaq-hunguriyeed.

    Kuma dhacaan kamana hor imaan karaan Saacid Faarax Garaad iyo Dawladda midna. Way ogyihiin ayaguba meesha uu Saacid kasoo jeedo xiniinyo ay kaga horyimaadaana maleh. Shariif Shekh Axmed u sheega dheh waan shiraynaa iyo waan goosanaynaa iyo cirkaan u boodaynaa Ileen asagaa labo mar ku sirmaye. War meesha rag Aqoon leh baa yimid kumeelgaarna Waa dhamaaday.

    Sankaa laiska tolayaa hadda cidii Sharciga iyo kala dambeynta ilaalinweyda.

  36. kkkk qurunle waxmiizaan & sumcad ah adiyo aabbahaa midna kumaleh bulshada soomaaliyeed & tan caalamka dhexdeeda hawiye iyo daaroodna waa dadwalal ah waxna laydinka waydiin mayo adiyo doqanka kudhale u diyaar garooba maxkamadda laydin soo taaagidoono waxaad isaga daaficilahayden caruurtii ad Garsoor & Galgala ku xasuuqden , handidi ad Boosaaso ku gubteen ,middaa xadeen oo TAXI ku iibsaten ummadda soomaaliyeed oo adkala disheen!!!

  37. abdi says:

    habar dhali weeyday aleello ku waalatay, Garoowe,qardho kursi waayey shir ku waashe. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war puntland ta kalle awal miyaa loo ogolaa, xuunsho ayaa la yiri xuunshooy nebigii dhimay, xuunsho waxay tiri waagii uu noolaba nabadi korkiisa ha ahaatee anigu xaarkaan cuni jiray, hadana adamahii xaarkii isaga dantiisu ku jirtaa. war anaga puntlandta kale awalba wasiir waan heli jirnay, iminkana wasiiradeeni waa heleeyna, ninkaan cabdi garaadna xataa daarood ma tihid ee waxaad tahay masuul soomaliyeed ayaan ku leeyahay, awalbaan qabiil meel lagu gareeyn. fikirka ah Dawlad goboleed iyo Daawlad dhexe waa in shacabka la warsadaa ee aan loo qaban dad boqolaal gaaraya oo meel ku shiray, anaga hadaan nahay soomali xaq ayaan u leenahay inaan go’aan ka gaarno mustaqbalka dalkeena. guul soomaliya

  38. Puntlander says:

    Madaxweynaha Faroole iyo wilashisu waxay soo wadaan Rasal wasaraha Cusub danta Puntland ma aha mid ka talinaya , Marka iyagu ma yihiin kuwo ka talinaya danaha Puntland.

    Reer Puntland oo aan ka mid ahay waxaan u sheegin in badan baa layna ku awr kacsaday Cimri dheeri Xukun iyadoo la doonaayo. maanta aynu niraahno maya waqtigaagii waa dhamaaday.

    Raiisul wasaaraha aynu u taageero si buuxda

  39. asc akhyaarta salaan kadib walaleyaal waxaan idiin sheegaa horta alle kacabsada daarood iyo hawiyana waa dad walalo ah meelna kala aadi maayaan wey isxasuuqeen wey isdhaceen hadana waa wiil iyo abtigiis waayo gobal walba wey wada joogaan maaha in wax walba layska qoro waliba dhalinyarada hada soo kaceysa idiinma roona inaad naceyb iyo colaad aad hurisaan oo dad aankala maarmin aad isku dirtaan waxaan aad qoreysaan doqon oo dhan ayaa run moodeysa ninkii raga wuu garan waxaa layiri gaal dil gartiisana sii labdii nin ee muqdisho ama koonfur usoo halgamay oo maanta inay kadhacdo doorasho xaq ah keenay labaduba waxey ahaayeen reer puntland 1 cabdulaahi yuusuf alle hawnaxariistee waxuu ahaa ninkii villa somalia kursigeeda ku fariistay iyadoo abdiqaasim oo tolkiis haystay villa somalia uu tagi waayey 2 gaas waa ninka maanta somalai heerka aymareeyso keenay wali road mapkii umada ayku caayeysay asna uuku dhagana wakaas maanta muqdisho doorasho xor ah ayaaka dhacday dhamaan gobaladii alshabab haysatay xukuumadiisa ayaa qabsatay wax weyna wuu qabtay shalay waad arkayseen sidii ugu hanbalyey marka waxaan waxii amaul ah wa khasab inay dawladu latashato waayo dalku waa fedaraal sida galmug puntland somalid iyo kuwa kalea reer puntland waa dad walaheen ah halga dhaafo naceybka iyo xumaanta latusaayo plz

  40. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Aniga waxaan u arkaa in maamulka Faroole uusan wali deeyn qaswadanimadii, laakiin, marba hadii prime ministerka aan laga dhigin qofkasoo jeeda puntland, oo misana beesha la rabay in eey noqoto prime minister ka soo jeeda, Madaxweeyne Hassan Sheikh Mohamud tilaabo “strategic” ah ayuu sameeyay. Hada waxaa kaloo loo baahanyahay in aan Faroole iyo qof ka agdhow aan “portfolio” culus cabinetka looga dhiibin, si siyaasada “containment” ah ee lagu sameeynayo Faroole iyadoo aan dadka uu hogaamiyo waxba loo dhibin eey u guuleeysato. Insha’allh, waa laga taxadarayaa in Faroole iyo inta Somaliya aan rabin in eey dhulka kasoo kacdo eey inta nidaamka Dowlada gudaha usoo galaan eey dhexda ayagoo ugu jira eey misana baabi’iyaan, amaba eey fursadaha iyo waqtiga dowlada ka dhumiyaan sida horey u dhacday. Ugu dambeeyn, bal u fiirsade hadalka eey Faroole iyo kooxdiisa inta fikireen lasoo shir tageen, waa fitno, waa wax eey qabyaalad ka muuqato, waa qeeyrul mas’uulnimo, waana dhagar loo baahan yahay in laga digtoonaada. Waxaa mahad leh, ilaaheeygii af iyo gacmo eey wax ku qoraan siiyay kooxda Faroole, sababtoo ah ayaga ayaaba dabinka iyo xumaanta iyo xasadnimada ku jirta banaanka noo soo dhigaayo. Ee, anaga shacabka Somaliyeed iyo dowlada aan taxliil amaba “analysis” ku sameeyno hadalkooda iyo ficilkooda sidaas ayaa shartooda looga nabad gali karaa. Waa in aan qaswade Faroole aan laga yeelin in asaga oo raba is muujin “spotlight” uu kismaayo iyo dhulka digil iyo mirifle ka hadlo. Ha laxasuusiyo in uu inta uu shaqo uusan laheeyn gali lahaa, in uu ka shaqeeyo dib u heshiisiin iyo walaaleeynta dadka maamulka Puntland horey u dhistay oo hadana kala dhaqaaqaay sida Khaatumo iyo waxii la mid ah. Mandate cusub oo dowlada haloo sheego oo ah in la rabo in dadka la walaaleeyo, oo dowladaan la rabo in eey dadka isku aruuriso oo kalsoonida ka dhaxeeysa dadka Somaliyeed la rabo in lasoo celiyo. Guul ayaan u rajeeynayaa Dowlada Somaliyeed iyo prime minsiter Abduqaadir Faarah Shirdoon, “Saacid” kii dadka Somaliyeed wanaaga iyo horumar ku saacido ilaaheey hakaa dhigo.Viva Somalia

  41. Abdiwaxid says:

    Aslaama calaykum dhamaantiin war raysalwasaara halasoodhoweeyo hana lataageero, iskudirka hala joojiyo. Puntland iyo dadka degan yaan la aflagaadayn sababtoo ah Faroole wuu yimid wuuna tegayaa laakiin Puntland way joogidoontaa. Tanlabaad xaaska raysalwasaarah in lasoo hadalqaado waa ceeb ee hala joojiyo.laakiin anigu hal baan ku haystaa raysalwasaarah, waa magaca Farax Garaad nikaasi magaacaa hayskadaayo, beelo ayuu u xidhanyahay. Garaad waa derajo beelo samaysteen, ee naanays yaan laga dhigin.
    mahadsanid
    Abdiwaxid

  42. dhuub iswaal says:

    saxibayaal hala isdajiyo marka hore. waxan idin shegayaa cidii sharaf leh iyo magac leh, mudnaanleh lagama qaadi karo waxaana idin shegayaa somalidu iney cidwaliba ay haysato mitaas belse waalagala horeeyaa marka waxay kuhaboon tahay qofwaliba meesh uu leenka kaga jiro haku qanco. waxaa midaa kaduwan siyaasada maan waxan taa ka oran lahaa hadii aad tahaysomaali kafagoo qabyalada.

  43. kayse says:

    waxaan si diiran ugu hanbalyeynaynaa Raysalwasaaraha cusub hadaanu nahay shacabka reer puntland Faroole ma matelo shacabka puntland wixii uu somalia kaga hor imaanayana kuma raacsaninhadaanu nahay shacabka puntland, magaca pyuntland malaha faroole ee dhanka siyaasada ayuu u matalay siyaasadiina wuu ku fashilmay kumana raacsanin kumana raaci doono ficilada xun xun ee uu soomaali ku kala qoqobayo somali dowlad bay rabtaa waa laga gudbey xiligii tigtaatoorinimada waalaga gudbey xiligii qabyaalada waa laga gudbey xiligii kursi isku adkaynta hogaamiye shacabka u dhega nugul baa loo baahnaa waana lahelay.
    mahadsanidiin

  44. F.B.I says:

    jamhuuriyada puntland
    jamhuuriyada somaliland
    jamhuuriyada konfurland
    jamhuuriyada jubbaland
    WIXII KA XUN KAALAYA FAROOLE KU XAARE ILAA DIYAARADO AYUU GATAYE K.K.K.K.K.K.K.K VIVA PUNTLAN ILOVE FAROOLE IHATE SOMALIWAYN

  45. maxamed says:

    aniga waxay ilatahay in ladhawro R/Wasaraha cusub laguna shaqeyo hadba sida u’udhaqmo,hadii unoqdo nin somali ah oo ummadda si cadalad ah ugu siman yihin ummadda puntland waxay lamid yihin umadaha kale,hadise unoqdo nin dano kale wata haded puntland daneheda waa’ay taqan,marka waxa ila wanagsan in laga warsugo sidas ayan ku talin laha.mahdsanidin.

  46. Khaatumaawi says:

    Kkkkkk wanka xunahay cabashada puntland.

  47. Libaaxjoore says:

    Horta reer gedo waa garanay oo waa rag meel loogo hagaago leh lkn dadka reer sheeganaya reer khaatu horta ayagu soo wali kuma hoos jiraan gumaysigii siilaamyo

  48. Drwalash says:

    waxaa la yiri habarta odayga alla tus,waxaan xubaa dadka qaarkood in ay u baahan yihiin kaniin( tablet) loo cunno xanuunka beryahaan jiraa ee la yihaado Faroole.waxaa loo dan leeyahay maaha Faroole ee waa puntland,ilayn Faroole oo keliya maxaa loo hadal hayaa,waxaan arki doonaa Faroole ninka dambe oo bedeli doona sida dadkaan buka waxay dhihi doonaan
    In ay jirada la yiraahdo faroole in ay ka buksan doonaan iyo in ay qabaa cudur la yiraahdo Puntland.

  49. caraseedo says:

    TO:KOOFIYAD-CAS:haddaad wax tarayso adoo 21 sano dawlad sheeganayay,ayaad Xamar ka huleeshay oo aad koofiyaddii casayd iyo kabihii aad qabtayba aad uga carartay xuduudka LIBOOYE iyo mandheera ee ma haddaad soo xoogaysatay,walaal haddaad reer puntland ku ogayd,dad la maquuniyo,rugihii rag baa degay oo rayfe wax uma yaaliin,Eeddo reerku kaad taqaanay maaha.
    Hadda ayaantaan waxaa socda cudur la yiraahdo Faroole oo ah sidii daacuunkii loo dhiman jiray,marka waxaan kala garan waayay,meel walba waxaa ka yeeraysa Faroole,Faroole,Faroole !!!!!!!!!!!!!ma jacayl baa mise waa nacayb???????,balse VIVA Mr FAROOLE kanaxoow nafta waaaaaaaaaaaaaa,VIVA puntland,cadawgeedu riixan oo duugan,balse waxaa iga yaabiyay kuwo aan meelna wax katarayn oo iska ciyaya sida dameerihii qaaqdaas guraya,daqonoow dabkaa ba’,oo haddana hadba meel u didaaya.
    TO:JAMAAL: Eeddo inanka yaroow oo aan taariikhda waxba kala soconoow taariikhda dib u raac,Mareexaan baa daarood u talin jiray xaggee ka soo xigatay,ma 21kii sano oo 21sano dib u cunaybaa mise waa wax ka horeeyay bay talin jireen!!!!!!!!!!laguma sheekayn hortaa,waxaan u malaynayaa 1991 ka dib inaad dhalatay,Balanbal,Caabudwaaq,Gado,maxaad ka qabateen,muxuu yahay xukunkaad.

  50. [...] madax-weyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa kale uu soo dhoweeyey sidaasoo kale markii uu magacaabay Ra’iisal wasaarihiisa Saacid Shirdoon isla markaasna ay Puntland ka dhaceen banaan baxyo lagu taageerayo madax-weynaha cusub, xukuumadda, [...]

Leave a Reply