Gen Morgan & Coll Barre oo Kismaayo Kuwada Sii Jeeda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sida ay sheegayaan warar ku dhow-dhow xafiiska madax-weynaha jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Xasan SHiikh Max’ud ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen isaga iyo xubno aad ugu dhow-dhow waxay siku raaceen inay guddi xagga amniga qaabilsan ay u diraan magaalada Kismaanyo, sida uu warku sheegayo go’aanka ay gaareen madax-weynaha iyo la taliyeyaashiisa ayaa ah in guddigaas ay xubno ka noqdaan labadii hoggaamiye Kooxeed ee iyagu horay ugu dagaalamayay magaaladaas Gen. Max’ed Saciid Xirsi (Gen.Morgan) iyo Col. Cabdul-Qaadir Adan Shire (Barre-Hiiraale) oo labadaba hadda ku sugan magaalada Muqdisho..

Warkan oo aan ka helnay, ilo ay aad isugu dhowyihiin madax-weynaha ayaa sheegaya in madax-weynuhu waqti gaaban ka hor intii aysan ciidammada Kenya iyo kuwo Soomaaliyeed soo gaarin magaalada Kismaanyo uu kulan la yeeshay xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye isagoo kala tashanaya arrimaha magaaladaas iyo ciidammada ku soo fool leh.

Waxaa kaloo warkan uu sheegayaa in Gen. Morgan oo isagu ka soo carooday markii loo diiday inuu qayb ka noqdo hoggaanka ciidammada Kismaanyo qabtay isla markaasna ay ka hor yimaadeen odayaasha deegaanka jubbooyinka ayaa wuxuu hadda isku dayayaa inuu xiriir sokeeye la yeesho hogaanka dowlad federal-ka isagoo sida hadalka loo yiri taas uga aar goosanaya talaabada odayaasha deegaannad jubbooyinka.

Warkan ayaa intaas ku daraya in Barre-hiiraale iyo Gen. Morgan iyo xubno kale oo ka mid ah saraakiisha uu hoggaamiyo Barre-hiiraale ay muddoo dhowr maalmood ah shir ku lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana warku tilmaamayaa inay jireen xiriir ay nimankaas la sameeyeen Gen.Darwiish oo isagu hadda ka mid ah saraakiisha ay wada socdaan ciidammada Kenya in kasto aysan jirin wax war ah oo la shaaciyay oo ka soo baxay kulannada ay nimankaas yeesheen iyo xiriirka ay la yeesheen Gen. Darwiish midna.

Madax-weynaha iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo iyagu aad uga caraysan soo gelitaanka ciidammada huwanta ee magaalada Kismaanyo ayaa sida warku tilamaamayo Gen. Morgan iyo Barre-hiiraale u arka kuwo kaalin mug leh ka qaadan talaabnooyinka ay rabaan inay qaadaan ee ku aaddan magaalada Kismaanyo.

Gen. Morgan iyo Col.Barre-hiiraale ayaa xiriir sokeeye lahaa ilaa iyo sanadkii 2004tii, in kastoo ay taageerayaashii Barre-hiiraale xilligaas ka hor yimaadeen in Gen. Morgan uu ku soo laabto magaalada Kismaanyo hasa yeeshee xiriirka labada nin ayaa ilaa iyo waagaas soo jiray ayeey waxay isku dayayeen in maamul ay si wad-jir ah ugu sameeyaan magaaladaas, waxaana kulannada ay hadda ku yeelanaayaan Muqdisho loo qaadan karaa talaabo kale oo isku day ah oo ay rabaan inay Kismaanyo ku soo laabtaan, in kastoo aan la garanayn siday isula jaan qaadi karaan qorshayaasha dowladda iyo labadaas nin.

Source
Waayaha.net

Use Facebook to Comment on this Post

Share

25 Responses for “Gen Morgan & Coll Barre oo Kismaayo Kuwada Sii Jeeda”

  1. [...] View article: Gen Morgan & Coll Barre oo Kismaayo Kuwada Sii Jeeda [...]

  2. beyra boy says:

    odayaasha beelaha hawiye maxay yihiin qabiil walba odayaal ayuu leeyahay waa sheeko aan ka yaabay, reerkaan hawiya caqli iyo diin celisa malahan miyaa waxaa la yidhi geel duqdiisii durdurisay aarankiisa maxaad moodaa odayaasha mooryaanoobay iyo ninka la tashanaya yaan anigu la yaabanahay, bal maxaa kismaayo ka duway dhulkii shayaadiinta laga saaray, ugu dambayn daaroodka fayoow waxaan talo ku siin lahaa umaddu waa dir iyo daarood nin nin ka adagna ma jirto, waloow daarood uu waligiis guusha iyo magacaba ka sareeyay qolyahaan direed ee hadda nagu asarrifmay oo noqdat 3.5 halka daarood yahay 1.00000000. kismaayo waa dhul daarood taasi waa muqaddas hogaankana maanta absamaa u haye haddii majeerteen taas u saxiixayna qolyaha kale ee walaahood ah sida leelkase awrtable mareerxaan iyo hartiga kalana ha yiraahdaa u daaya. wabilaahi tawfiiq

  3. sool says:

    it is shame to send morgan to kismayo

  4. qandalaawi says:

    Qabqable warkiisii wuu dhammaaday laa morgan wala huuraale, odayaasha hawiye degaankooda ayaa tala uga baahan yaaney isku mashquulin wax dad kale khuseeya in ay carqaladeeyaan si aan kismaayo maamul uga dhismin ayey ka tahay
    Barre iyo morgan waa ilma adeer waana xidid lkn dadka ay ka dhasheen ayaa ka tashaday oo aan waxba weydiineyn
    Odayaashanu raisulwasaaraha magacaabiddiisa, maamulada dalka iyo siyaasadda waddanka dejintiiisa iyaga uun miyaa wax laga weydiinayaa keliya meeyeey madaxweynihii la doortay meeye aqoonyahanadii somaliyeed meeye qabaailadii kale
    Odayaashaanu waa kuwii u ololeynayey raisulwasare ka yimaada dagaanka gedo keliya si ay awrkooda ugu kacsadaan
    War meesha halagu kala yaaco ficiltan qabiil baad waddaan iyo nacaybe

  5. Xaaji Yare says:

    Waa arin fiican in Bare Hiiraale iyo Generaal Morgan ay Kismaayo ku laabtaan. Arintaas waxey horseed u noqonkartaa in labada beelood ee walaalaha ah waa Majeerteen Iyo Mareexaan ay isku soo dhawaadaan. Beesha Mareexaan waa beesha kaliya ee Daarood ee ku xoogbadan Jubooyinka iyo Gedo marka laga fiiriyo xaga ciidanka iyo hubka, Sidaa darteed waxaan kula talin lahaa beesha Sade iney ka shaqeeyaan mideynta Daarood, gogalna u fidiyaan beelaha kale ee Daroodka.

    Wabilaahi towfiiq.

  6. asad yare says:

    oo odayaasha maxaa ka quseeya Kismaayo iyo arimeheeda?? walle anigu yaabay

  7. Tolow GEN darwiish ma reer khaatumo miyaa ??? Kolay libaaxyo badan oo darwiish ah ayey leeyihiin.

    Barre hiiraale sxb naga qalee kismaayo harti ayaa leh.

  8. Cali says:

    Waa maxay Madaxweynahan odayaasha qabiilkiisa un kala shira arimaha dalka…….waaba fadeexad

  9. kismaayo boy says:

    waa hadal meel waayay kismaayo way ka gudubtay waqtigii mooryaantaas waxan rajaynaynaa in madaxwaynaha somaliya uuka baxo qabyaalada umadda somaliyeed ayuu madaxwayna uyahay hawiye madaxwayna uma aha kaligood waxaan filayaa inuusan lahay barnaamij siyaasi ah oo cad kuma uusan tala galin in uuku soo baxao doorashada ee kadis ayay ku noqtaa waayo waxad daremaysaa sida uu ula tacaamulay xaalda kkismaayo

  10. lee gaas somaliland says:

    kismaayoy xaal qaado kuwii dad ka xasuuqay ee dhibta somali u horseeday ayaa maantana meeshamaraya waa ayaan daro

  11. Wiil bari.mj says:

    Wa guul mar hadi lagala tashaday siyasiyinti somaliyed.sida jen.morgan iyo kuwa kale magaca kuleh gobolada juboyinka

  12. Atoore23 says:

    Labaduba haddii ay tagaan Kismaayo waa in la toogtaa.Waayo labadaas nin waa kuwii Kismaayo iyo dadkeeda curyaamiyey.Labadooduna waa saaxiibo run ah.Labadaas nin wax wanaaga laguma yaqaan dhibaato iyo dilid ma ahee.Hase ahaatee waxaaban yeelayn dadka dagan Kismaayo.Ninka lagu sheegayo madaxweynaha sababta uu u leeyahay raggaas baa aadaya Kismaayo waa in ay isaga matalaan ama ay suubiyaan wixii uu rabo.Taasina suuro gal ma aha.

  13. lee gaas somaliland says:

    kkkk

  14. Muwaadin says:

    Waa been waxaasu ee reer Faroole baa raba inay nin dhintay oo waa hore bakhtiyay (Faruur) soo nooleeyaan.

    Riyay hayaan reer Faroole iska riyooda dheh.

  15. muse says:

    waa meel waalan Kismaayo maxaa kagalay oday Hawiye?? Walaahi shariif ayaa dhaama midkaan maalinkasto talo ayuu ubaahanyahay??

  16. qabiil haku feera jabin says:

    waryaa qabiilka iyo isku hiilinta waa xaaraan meeshaan waxaa dadbadan oo qabiilo kala duwan ayaa dega waxaan ubadan qabiilka ladhaho Gaal jecel waana , hadase waxaa magaalada kismaayo ooga si ibadan iyo, meel ey kadegto malahan walba macquul oo xoogaa yar ey kadegaan. runta hala isku sheeego oo hala kala xishoodo qabiilku mafiicnee.

  17. Kow says:

    ka tashay nin hawiye hoos fadhiya! Khayrna somawadan e kala qaybin ayay wadan. Haliiska jiro balaayada lala maagan yahay!

  18. joorre says:

    aa nasiib daro mar hadii madaxweynaha u qabqableyaal iyo qabaail gaar ah wax weydiinayo. kismaayo waa dhul somaaliyeed qabiilo badan ayaa dega balse gobolkaan ma ahan meel la helay 21 kii sano ee colaada .waana la yaqaan dadkii degaana ilaa British iyo italy markii ay joogeen. Waan filayey in isqabqabsi ka imaan karo gobolkaan mar hadii shabaab laga saaray. Waxaad moodaa in dadkii native ahaa waa reer waamo qolo kasta ahaadeene marnaba talada laga qaatey din u eeg waqtigii qabqableyaasha ragii kismaayo isku haystay dhamaantood dad gobolka u dhashay ma aheen tusaale bare hiirale. Morgan indhacade seeraar jees iyo kuwa kale oo badan bal dib u gobalada ay ku dhasheen. Hadaba waxaa fiican in dadka u dhashay gobolkaan qabiilkasta ha kala ahaadan loo dhiibo xukunka.

  19. dhenged says:

    adeer dadka xamar waxba kama khuseeyo kismaayo waxay u taala hoosha dadka walaalaha
    ee jubooyinka iyo gedo waligood waxay ka faa ii deestaan isku dhac iyo khilaaf kala dhexgala dadkaa
    walaalaha ah waa laga gudbay worlord waqtigii somaliya u istaaga in nin walba lugu tageero meesha uudago dadka jubooyinka adeer way tashteen viva somaaliya guuul jubaland state

  20. qarandoon says:

    meeshan waxaa is lahe asga lee waxa laga su aalay inta waxab kuma lahan yaan la daali butlaan ha tageen kenay taas ayaa run ah banaadir waa dhan tahay sheekadu

  21. qabiil haku feera jabin says:

    KISMAAYO YAA KALOO DEGA WAA UUN REER XAMAR AYAA UBADAN IYO IYO LAFO KALE OO BEESHA SHANAAD AH. EE ILAAH KA CABSADA QABIILKA ISKA DAAYA DOWLAD BAA DHALATAY OO NA MAAMULI DOONTA CIDII DIINA WAAA LA KUFSANAYAA

  22. Husseinkafi says:

    War run isuma sheego labada oday meesha waa looga baahan yahay hadii xal ladoonayo maxaa yeelay waa kuwii aynu ku daba fayshaneyn ee colaada inoo gudoomiyey maantana nabada waa inoo gudoomin karaan waa sida xaqiiqada ah ee hala soo dhaweeyo duqowda. Mahadsanidin.

  23. mareexaan boy says:

    kismaayo waxa iska leh beesha sade ama mareexaan ayaga ayan dagi jiray laga so bilaabo dowladi kacaanka e maxamed siyaad barre morgan waxba kuma laha ogaadeena iskaba daa mesha ma dhaanta tala xukun iyo awood baa la rabaa barre hiiraale aya xukumaya kismaayo wa magalo mareexan

  24. sade boy says:

    i love besha sade waxa sharaf ii ah inan kadhashay mareexan oo awood iyo cudud kuleh gayiga somali i love mareexann ilove them very much

  25. mohamed siyad barre says:

    horaa loo yiri qaan mareexan waa qaaxo kugu maqan
    kismaaayo waxa iska leh besha sade xisaabtan aya dhici doona goor dhow kenya wey baxaysa meshi la aadi laha halasii diyaarsado

Leave a Reply