Go’aan ka soo baxay Shir ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland yeesheen


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar sheegaya in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo isku shaandhayn ku samaynayo golihiisa Wasiirrada, xubno cusub-na xilal u magacaabi doono oo ay xalay iyo maanta baahiyeen Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa iyo shabakadaha wararka qaarkood.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay qasriga madaxtooyada ku sheegay inaanay warkaasi waxba ka jirin, isla markaana uu yahay mid malo-awaal ah oo aanay waxba ka jirin. waxaanu Afhayeenku shaaca ka qaaday in saddex cisho oo ka bilaabmaya sabtida golaha Wasiirradu kulammo yeelan doonaan.
“Waxba kama jiraan warka wargeysyada Hargeysa ka soo baxa iyo shabakadaha internet-ka qaarkood xalay iyo maanta baahiyeen ee sheegaya in Madaxweynaha Somaliland isku shaandhayn iyo xil-ka-qaadis ku samaynayo Xukuumaddiisa, gaar ahaan golaha Wasiirrada, waa been aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn. waxaanan idiin caddaynayaa inaanu Madaxweynuhu tallaabo sidaa wax loo qoray ah samaynaynin.” sidaa ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.
Afhayeenka madaxtooyada Somaliland waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Madaxweynaha iyo golihiisa Wasiirradu yeelan doonaan kulammo joogto ah oo ka bilaabmaya lixda bishan oo ku beegan sabtida, kuwaasoo socon doono saddex cisho. waxaanu sheegay in shirarkaaslagu darsi doono qorsheyaasha xukuumadda iyo qiimaynta waxyaabihii u qabsoomay, wixii qabyo ah iyo sidii loo dhamaystiri lahaa.
Axmed Saleebaan Dhuxul oo arrintaa ka hadlayaa waxaa uu yiri; “Waxaaan jecelahay inaan idiin siiyo warbixin kooban oo ku saabsan, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), fadhigii maanta ee golaha Wasiirrada ku war-galiyey  in toddobaadka soo socda golohu yeelan doono kulammo socon doona saddex maaldood.”
“Kulamadaasi oo lagu qiimeynayo dibna loogu eegi doono wax qabadkii xukuumada u fuley mudadii ay jirtey iyo kuwa aan la fulin. waxa kale oo kulamadaasi bilaabi doona maalinta Sabtida lagaga hadli doonaa qorshaha ku tallo-gal ee dhinaca wax qabadka iyo horumarinta qaranka ee sanadka soo socda.” ayuu yidhi Dhuxul.
Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, waxaa uu sidoo kale sheegay in maalinta Isniinta soo socota oo ku beegan siddeedda bishan October magaalada Berbera laga soo dejin doono Meydka Allaah ha u naxariistii Abwaankii/Macallinkii Soomaaliyeed Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye oo kowdii bishan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Norway, isla markaana isla maalintaa lagu aasi doono magaalada Hargeysa.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

1 Response for “Go’aan ka soo baxay Shir ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland yeesheen”

  1. [...] Read the original post: Go’aan ka soo baxay Shir ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland yeesheen [...]

Leave a Reply