Guddiga diiwaangelinta iyo Hoggaamiyeyaasha Ururrada Siyaaasadda Somaliland oo Heshiis kala saxeexday
Hargeysa(RBC):- Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta kuwa Xisbiyada u soo gudba ee Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha Ururrada iyo Xisbiyada, ayaa maanta Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku kala sexeexday heshiis ku saabsan anshaxa doorashada dawladaha hoose la saxeexday Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha guddida diiwaan-galinta Cabdirisaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) oo ka hadlayay heshiiskan ay kala saxeexdeen axsaabta, waxa uu yiri “Waxa la dooranayaa waa 379 Mudane (Urur/xisbi kasya), suurto-galna ma noqonayso nin saddex ama laba gobol cod badan ka helay uu xisbi qaran noqdo, kii dalka oo dhan ka shaqeystay ee xildhibaanada ka soo helay dalka oo dhana aanu noqon mid hadhay Markaa qodobka ugu horeeya ee xeerka oo sheegaya inuu gobolka kasta xisbigu ka helo 20% ayaa xeerka hogaaminaya, xisbiguna waxa uu ku soo baxayaa shaqada uu shaqeystay, 20%-kana waxa gooyey codka gobolka uu ka helayo”
“Markaa si aanu u iman muran kale xeerkii oo siddiisa ah inuu qofkii ogaado inuu saxeexay, si uu bari isku yidhaahdo way ku qabanayaan haddii aad dadka si kale ugu waranto.” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelintu Cabdirisaaq Jaamac Ciyaalle.
Waxaanay qodobbada heshiiska la kala sexeexday ahaayeen sidan:
Qodobka lixaad: Kala reebida Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada deegaanka
1. Sadexda Xisbi/urur ee Doorashada Dawladaha hoose ka hela 20% Codadka Gobol kasta ayaa loo
aqoonsanayaa Xisbi Qaran lana siinayaa Shahaadada Aqoonsiga Xisbi
2. Haddii hal Xisbi/Urur oo kali ahi ku guulaysto Doorasahada oo uu ka helo 20% Codadka Gobol kasta
Guddidu waxay u aqoonsanaysaa Xisbi Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga isu
geynta Codadka boqolayda ee Gobol kasta.
3. Haddii ay is leekaato tirade Boqolayda Goboladda ee laba Urur ama ka badan waxa lagu kala saarayaa sida ay u kala bataan tirade Guud ee Codadka.
4. Haddii Ururada Siyaasadeed mid-na gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa Xisbiyo Qaran Sadexda Xisbi ee ugu tirade Badan Codadka Doorashooyinka boqolayda Goboladda
Dalka.
5. Tobankii sanadoodba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan, ahse yeeshee waa in Urur siyaasadeedka la abuuraa lix bilood ka hor maalinta la qabanayo
Doorashada Golayaasha deegaanka.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.












lacagtii oo loo diidey oo lagu yiri Somaliya ka doonta lacag danbe laguma siinayo Somaliya waa hal dowladood ama cirka gala ama qayila oo lacag lagu qayilo dhamtey
[...] Continued here: Guddiga diiwaangelinta iyo Hoggaamiyeyaasha Ururrada Siyaaasadda Somaliland oo Heshiis kala saxeexda… [...]
Somaliland, maaansha allah waa guul.com.
hanbalyo halnbalyo somaliland waa wadan nabadu biyo dhigtay dimuquraadiyad aiyo maamulwanaag isbadal dhabah dadbaa jira hargeb ka qaada wanaag iyo isku tashiga baleeg waxa kasocda geeska gaar ahaan wadanka fashilmay ee somalia imisa dawladood oo ajaanib ah iyo ciidan shisheeyye iyo gaalao mawadow iyo cadaan buuryo qabah ayaah u hadhay labadii wabi iyo dhulkii muuska
ilahay hakadulqaado dhibka baaba,a cudurka gaajada iyo colaada ragaadisay
Horta kan yar ee pro la baxay yuu la socdaa ?
Somaliland ma ogola,Puntland hadadalkeeda daa , Somaliya iyo madaxwaynaha cusub iyo R/wasaaraha waa ku mucaarid !!! Kkkkkkk
Adeer,isku hayn iyo kala hayn miduun yeel…weligay maan arag adigoo cid wax wanaagsan ka sheegayee , what is your qoladaada sxb? Mise you have no qolo !! Kkkkk