Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Digniin u diray Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda
Hargeysa(RBC):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Ururrada siyaasadda iyo Xisbiyada tartanka doorashada dawladaha hoose ee qabsoomaysa 28/11/2012, ugu baaqay inay joojiyaan isticmaalka iyo muujinta lambarrada astaanta u ah musharrixiinta Urur kasta iyo Xisbi walba gaarka u yeelanayaan oo aanay weli ku dhawaaqin Guddigu.
Qoraal kooban oo uu maanta soo saaray, kuna saxeexnaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), ayuu ku sheegay inaan Ururrada iyo Xisbiyada doorashada galaya loo oggolayn inay muujiyaan astaamaha musharrixiintooda oo degmo kasta lambarro la kala siiyey, illaa inta ay Guddi ahaan si rasmi ah u soo bandhigayaan maalmaha soo socda.
Waxaa uu qoraalkaa uu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland kula hadlay Ururrada iyo Xisbiyada siyaasadda oo warbaahinta loo qaybiyey u dhignaa sidan:-
“Ku dhammaan Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland.
Waxaa laydin ogeysiinayaa inaanay Ururrada iyo Xisbiyada ka qaybgalaya doorashada golayaasha deegaanka aanay samaynsan karin lambarrada astaanta u ah musharrixiinta, inta ka horreysa waqtiga Komishanka doorashooyinka Qaranku soo saarayo lambarrada rasmiga ah ee Musharrixiinta.”
Qoraalkan Guddiga doorashooyinku soo saareen ayaa yimi ka dib markii labadii maalmood ee u dambeeyey qaar ka tirsan Musharrixiinta Ururrada siyaasadda ay boodhadh ku soo sawirteen sawirradooda iyo lambarka astaanta u ah ee Guddiga doorashooyinku ugu talogaleen in loogu codeeyo, kuwaasoo suuqyada magaalada Hargeysa lagu arkayey, magaaladana ay dhex-marayeen Gaadiid kala duwan oo boodhadhkaas lagu dhejiyey.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.












[...] Read the article: Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Digniin u diray Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda [...]