Guddoomiyaha gobolka Bari Qaar kamid ah Ilaaladiisa oo Dhimasho iyo Dhaawac kasoo Gaaray Shil-gaari


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan

Boosaaso[RBC Radio] Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Karin gaar ahaana halka loo yaqaano ina Jaamac-foordo”"iyadoona khasaarahaasi uu soo gaaray Ciidamo ilaalo u ahayd Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Galan balse wax dhibaato masoo gaarin Guddoomiyaha wuuna Caafimaad qabaa sida uu noo Xaqiijiyey.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegay in shilka inta uusan dhicin ay u socdeen hawlo shaqo degmada Carmo balse uu shilkan ku qabsaday.

Waxa uu tibaaxay Guddoomiyuhu in shilka uu yimid ka dib markii gaari nooca Soomaalidu u taqaan Candho-meydalaha uu si khaldan uga soo leexday seedkii uu lahaa ka dibna uu ku dhuftay wadadana uu ka saaray gaari Ciidamo ka buuxaan halkaasna khasaare dhimasho iyo dhaawac uu sababay.

Mr Galan ayaa sheegay Saddex kamid ah Ciidamadda ilaaladiisa ah ay dhinteen iyadoona uu dhaawac soo gaaray Saddex kale oo Xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka magaalada Boosaaso.

…”"”Waxaan dhamaan u soconay hawlgal aan ka sameyneynay magaalada Carmo gaar ahaana maamulka magaalada,halkaasaa marka waxaa nagu qabsaday shilka gaari khaldan oo waaraad ah oo kasoo baxay seedkiisa nooguna yimid seedkayaga ayaa dusha naga maray,...”"”ayuu yiri Guddoomiye Galan.

Waxaa kale oo u xusay in Gaarigii Candho-meydlaha ahaa uusan waxba gaarin haddana gacanta lagu hayo gaariga iyo dareewalkii wadeyba isla markaana la weydiinayo sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka gobolada Bari iyo Karkaar ayaa Maxamed Finniin ayaa isna sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan sida shilku u dhacay dibna ay kasoo sheegi doonaan.

Maxamed Finiin ayaa ugu baaqay dareewalada gawaarida wada iney muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah marka ay wadayaan gawaarida si aysan khasaare u geysan.

Dhaawaca Ciidamadda ayaa iminka waxaa ay yaalaan Isbitaalka weyn ee Boosaaso,waxaana hadda Xaaladooda Caafimaad la tacaalaya dhakhaatiirta iyo hawlwadeenada Isbitaalka,sidoo kale dadka iyo madaxda ku dhaqan Boosaaso ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Ciidankan.

_______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

1 Response for “Guddoomiyaha gobolka Bari Qaar kamid ah Ilaaladiisa oo Dhimasho iyo Dhaawac kasoo Gaaray Shil-gaari”

  1. hersi says:

    wixii ddka hortaagan oo an maslaxad iyo horumar keeneyn Ilaah baa qabanaya kuwa la midka ahna dadka ha dhaafaan iinta aaan la qaban

Leave a Reply