Gudiga Loo Xil Saaray Fatahaada Baladweyne Oo Sheegay In Si Wanaagsan Uu U Socdo Gurmadka
Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo dhowaan gudi loo saaray fatahaadihii wabiga shabeele uu ka geestay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka hiiraan ayaa gudigaasi wuxuu faah faahin ka bixiyay halka ay haatan wax u marayaan.
Guddoomiyaha Guddiga xalinta dhibaatadii ka dhacay Baladweyn ahna siihaayaha wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in gargaar kala duwan la gaarsiiyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sdioo kale wuxuu sheegay in gargaarkaasi si wanaagsan loo qaybiyay isla markaana qaybinta gargaarkaasi ay gacan ka geesteen ciidanka AMISOM ee ku sugan halkaasi.
C/laahi Goodax Bare ayaa xusay in ay wadaan qorshe ay ugu talagalleen magaalada Baladweyne, kaasi oo dib looga soo kabayo dhibaatadii ka dhacday magaalada dowladana ay sii xoojin doonto Gurmadka loo fidinayo shacabka ku sugan gobolka Hiiraan.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku dhuftay fatahaad uu geestay wabiga shabeele taasi oo geestay khasaaro isugu jirta mid hantiyadeed iyo waliba mid nafeed.
Hadalkaan ka soo yeeray wasiirka ayaa wuxuu ku soo adayaa xili magaalada Baladweyne dadka degan qaarkood ay dhigeen banaanbaxyo cabasho ah ayagoo sheegayay inaysaan jirin wax gar gaar ah oo la soo gaarsiiyay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











