Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Kulmay Qaar ka Mid Ah Mudanayaashii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Muqdisho wuxuu kulan kula qaatay xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka Gudoomiyaha baarlamaanka iyo mudanayaashaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore ayaa wuxuu ka dhacay xarunta golaha Shacabka umada Soomaaliyeed.
Waxa loo hadlayay kulankaan xaquuq ay sheegeen in ay ka maqanyihiin xubno horay kaga tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo aanan ka soo mid noqon baarlamaanka cusub.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii Baarlamaankii hore ee Soomaaliya ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda iyo ammankooda in la ilaaliyo.
Qaar kamid ah xubnaha Baarlamaankii hore ee Soomaaliya oo iyaganu halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay ka maqan tahay xuquuq fara badan islamarkaana muddo sideed bilood ah aysan helin guno.
Xubnahaan ka tirsanaa baarlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa horay waxay ula kulmeen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Mushaarla’aan iyo waliba dhibaatooyin kale.
Kulanka ayaa wuxuu noqonaya kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubnahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii lasoo doortay Jawaari.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Original post: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Kulmay Qaar ka Mid Ah Mudanayaashii Hore Ee Baarlamaanka S… [...]
Dadkan weligood dawlad noqon maayaan sida hargeysa iyagoo dhan hunguri bey ka halayaan markaad aragto ,dee kuwii dawarsan jirey baa imminka raba jnay dal xukuma an