HADALHEYNTA QARANKA: Dawlada Soomaaliya oo Aan Ka Warheyn Idaacad Kenya Hawada Soo Gelisay oo Laga Maqlay Kismaayo
Muqdisho (RBC) Ilo wareed Wasaaradda warfaafinta dawlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in aysan dawlasa waxba kala soconin idaacad saacadihii la soo dhaafay laga maqlay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose taasoo ay leedahay Kenya.
Idaacadan ayaa sida dadka deegaanka Kismaayo ay u sheegeen Raxanreeb waxay ku hadleysaa af Soomaali waxayna taagereysaa duulaanka ciidamada Kenya ee gobolada Jubbooyinka. Dadka reer Kismaayo ayaa maanta dhageysanayey musik iyo heeso laga baahinayey idaacadan.
Haddaba markii uu warkaasi soo baxay maanta ayaa Raxanreeb waxay arintan wax ka weydiistay agaasimaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan xafiiska sii hayaha wasiirka warfaafinta C/qaadir Jaahweyn oo sheegay inuusan waxba kala soconin qorshaha idaacadaasi.
Wasiirka ayaa xaqiijiyey in idaacadda Barkulan kaliya ay ku og yihiin inay ku hadasho magaca AMISOM balse Kenya aaney fasax weydiisan dawlada Soomaaliya, haddii ay dhacdana in idaacad ay dalka gidihiisa ka furaan ay noqoneyso sharci darro.
Idaacadda yaa iska leh?
Idaacadan oo sidoo kale laga dhageysanayey musik iyo heeso Af Soomaali ah ayaa laga baahiyey maanta warar ku saabsan hawlgalka ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo iyadoo saraakiil ka hadashay ay ku soo celceliyeen “inay u yimaadeen si dadka Kismaayo u gaarsiiyaan nabad iyo horumar”. HALKAN KA AKHRI WARBIXINTA IDAACADA
Warar illaa maanta soo baxayey ayaa sheegaya in idaacadda laga maqlay Kismaayo oo la baxday “Idaacadda Nabadda” ay leeyihiin ciidamada AMISOM. Laakiin afhayeenka guud ee AMISOM Col Cali Aden Xumud oo Raxanreeb ay weydiisay waxa ka jira in idaacad ay geeyeen Kismaayo ayaa sheegay in AMISOM aysan qorshaha ugu jirin “inay idaacado furto“, balse hawsheedu ay tahay nabadeynta gobolada dalka oo dhan.
Dawlada Kenya iyo saraakiisheeda joogta Kismaayo kama hadlin idaacada laga maqlay Kismaayo ee ay dawlada Soomaaliya sheegtay inaysan war ka heynin. Waxaana haatan muuqata in dhacdooyin badan oo ay geysanayaan ciidamada ajnabiga ee dalka jooga gaar ahaan kuwa Kenya aaney dawladu war ka heyn.
Sharciga warbaahinta ee ay sameysay dawladii kumeelgaarka ahayd sanadkii 2007 oo illaa hadda lagu dhaqmo ayaa sheegaa in furashada warbaahin kasta oo gaar loo leeyahay, ama dalka ku soo biireysa ay marka hore iska diiwaangelineyso wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, iyadoo wariyaashii ajnabiga ee dalka imaanaya laga rabo inay qaataan ruqsad, sida ku cad sharcigaasi taasoo hadda Kenya ay hareermartay.
RBC Radio













Adeer dowladda aad sheegayso maxay ka war haysaana, waa adiga guubaabada soo qorayee yaa miskiin!!
yam yam iyo qadaadwayn waa in soomaaliyi yur iyo yaahuu tidhaahdaa caga juglayn uun baa ku filan kenya oo weligeed qunyar socod ahayd ma damac shiidaal baa indha tiray waa in shabaab u wareegaa xagooda ha kabash kabash leeyeene
Mar haddii idaacadii qaranka soomaaliyeed ay noqotay mid loo isticmaalo, iska horkeenka shacabka una adeegta Qabiil gaar ah;waxaa khasab noqonaysa In qolo Walba keensato idaacad ayaga u adeegta.
Acw
somaalaay waxaa layiri nimaan talin jirin haduu taliyo ……………..!
marka waa iska cadahay cida maantay kismaayo katalinaysa lkn maxay ku dan baynaysaa
aniguna waxaan leeyhay waa ladoogane yaan ladacaroon cidna kenyaanka wax uma saxiixi karto aan soomaali ahayn yaan ladaalin oo lays wareerin dalkaana cidi idin kama xigto lkn kenya wax naguma laha
Gacan gogaaleysi qof yeele majirto sharciga iney raacaan waaye jaartarka ay ekisas- gareyhaayaan oo aysan laheyn iney joojiyaan ma aqbaleyno mana aqbali doono qof aqbaleyna majirto wax kale kama rabnee keyna waxey nagu raali galin kartaa keliya sharciganaga iney raacdo
Nin kabo la’aan ah haduu yiraahdo saacad dahab ayaan rabaa soo cajiib ma’aha! Dowladnimadeena waa mid curdun ah oo wali guurguurasho kujirto. Waxyaalaha ey kantaroosho ayaaba iska yar. Xuduudaha dalka, dhaqaalaha, amaanka guud, iyo waxyaala kaloo muhiim ah ayaanba dowladeena gacanteeda kujirin. Marka in laga hadlo maxey dowlada idaacad meel laga furay ooga warqabi weysay waxaad moodaa inay waagica dalka kajiro aysan lasocon!
wali dadka qaarbaa hurda dawladu xagay joogtaa dawlada aad sheegaysaan maxay dadka u qabataa bal ii sheega,shisheeyuhu waa og yihiin sidaas darteena daba ka dadaan maayaan, dawlada tuugsiga ku nool iyo tuugnimada ee mihiga xukumo, kenya waxaa ka sii liita jabuuti oomaanta ciidankeedii soomalia joogaan, mayd sariir saaran nina ka baqi maayo,
asc waxaan marka hore la yaabanahay dadka kenya wax ka sheegaya maxaa kenya laga rabaa soo itoobiya ba ma joogto maxeey ku kala duwan yihiin? kkkkkkkk walaahi waxaad mooda dadka oo dhan inay wareer san yihiin aniga wax dhib ah uma arko jabuuti na hayska qaadato hiiraan maxaa dhiba oo jira waa wax fiican oo aan soo dhaweynayo maxaa yeelay qabiil walba waa inuu soo kaxaaystaa dowladkale taas waa fiican tahay tuuladiisana qayb ka siiyaa war dhib baa soo socda armaa cida nada laga dhamaysaa dowladaha dariska waa inaan anaguna markeena wacanaa congo ama tansaniya kkkkkkk
Arrintu isma saarna ishana waa lagu hayaa. Iney Kenya wadato wax iyada u gooni ah iyo iney waxa dowladda soomaaliyeed rabto ayaa kala labo ah.
Dadka soomaalidaa dowladdoodaa matasha. Ma matalaan maleeshiyo beeleedyo, firqo diimeedyo iwm. Dowladda curdankaa haddaan garab istaagno oon u hiillinno waxey gaashaan nooga noqon doontaa shisheeyaha damaacigu wado oo dalkeenna soo hunguriyeynaya.
Haddaanse qabiilooyin iyo firqooyin iyo waxeenni xilka lahaa u kala yaacnana yeynaan cidna eedin waa isla innagiiye! “Maxaa la iga soo helayaa berritaan lumayaaye”!
Qaranimadii iyo isku xirkii guud dowlad balaaran oo dalka kashaqeeyso ayaa wali dhiman. Idaacad meel laga furo waxbo ma dhimeeyso
warsan khayr bay ju danbayn doontaa
Waxaa muuqata keenya in ay deegaanadaan ayadu isa siisay itoobiya ayaana kula talisay oo ku tiri somali waxba faraha uguma jiraan ee meeshii aad boobi karto boob anagu 22 sano ayaan boobaynaye
idaacad waxba ma ahane khayraadka ayeey qaadanaysaa
soomaaliya dawlada ka jirta dawlad maaha waa magac uyaal aniga waxaan dhihi lahaabo kismaayo ha suubsato maamul wadanka waa federal waa dhamaatey sidii waayadii hore