Hawlgalo Soomaalida Lagu Qabqabanayo oo Ka Socda Magaalada Nairobi Iyo Suuqa Islii oo Xasiloon
Nairobi (RBC) Hawlgalo ballaaran oo lagu qabqabanayo dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa illaa xalay ka socda magaalada Nairobi iyadoo saakana ay weli socdaan hawlgaladaasi.
Hawlgaladan oo dhowr waji lahaa ayaa meelaha ay xalay ka dheceen waxaa ka mid ah xaafada Islii oo ay Soomaalida ku badan tahay iyo qaar ka mid ah waddooyinka magaalada dhexdeeda oo dad laga soo ururiyey.
Ciidamada booliska Kenya ayaa xitaa xalay galay guryaha iyo hotelada ay degan yihiin dadka Soomaalida halkaasoo ay dad fara badan ka qaqabteen.
Illaa hadda tirada guud ee dadka la qabqabtay si guud looma hayo, maadaama hawlgalada illaa xalay ay socdeen isla markaana meelo kala duwan lagu xiray dadka ay ciidamada booliska soo ururiyeen.
Dadka la xiray waxaa ku jira saddex wariye oo ka hawlgalayey telefishanka Horn Cable xafiiska uu ku leeyahay magaalada Nairobi, waxaana wariyaasha la qabtay shalay galab xilli ay sawiro ka qaadanayeen goob kaniisad ah oo qaraxyo ay ka dheceen waxaana illaa hadda aan la garaneyn meesha lagu xiray.
Taliska booliska Nairobi kama hadlin hawlgalada ay ku beegsanayaan Soomaalida.
Dhanka kale xaalada suuqa Islii ayaa saaka ku waabariistay xaalad xasilooni ah kadib markii shalay ay weerareendad Kenyan ah oo careysan kadib markii qarax bambo oo kaniisad lagu weeraray u ku dhintay ilme 9-jir ah kuna dhaawacmeen illaa 10 kale.
RBC Radio











