Howgallo Dad Badan Lagu Qab-Qabtay Oo Xaley Ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada booliska AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa xaley howgalo wadajir ah waxa ay uga sameeyeen xaafado ku yaalla degmooyinka gobalka Banaadir.
Taliyaha ciidamada Poliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo la hadlaayay Idaacaddaha maxaliga Muqdisho ayaa sheegay in howgaladii xaley lagu soo qabtay dad aad u badan, kuwaasoo ay ku jiraan kooxo xiriir la leh am aka tirsan Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in howgalka xaley uu ahaa mid qorsheesan isla markaana laga sameeyay xaafado gaar ah oo ay ku xooggan yihiin kooxaha nabad diidka sida u hadalka u dhigay.
Degmooyinka xaley howgalada ka dhaceyn ayaa waxa ka mid ahaa Hiliwaa, Yaaqshid, Waabari, Hodan iyo Howlwadaag, halkaasoo dad u badan dhallinyaro laga soo qabqabtay.
Wuxuu sheegay taliyaha booliska gobalka Banaadir in howgalada noocan oo kale ay sii socon doonaan ilaa inta laga ciribtiraayo kooxaha qaska iyo dilalka ka wada Muqdisho.
Waa markii ugu horreysay ee howgallo ciidamada booliska AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay wadajir xilli habeen ah magaalada Muqdisho ay uga sameeyaan howgallo.
AMISOM oo hadda gacan weyn siisa dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho yimid sannadkii 2007-dii, waxana hadda Soomaaliya ka jooga ciidan ka badan 17,00o oo askari.
Waxa kaloo AMISOM dhawaan magaalada Muqidsho ay keentay ciidamo boolis ah oo si gaar ah u tababaran kuwaasoo ka howgala saldhigyada magaalada qaar kood.
Magaalada iyadoo howgalo laga sameeyo kuwaasoo ammaanka lagu sugaayo, haddana waxa caadi ka ah dilalka iyo qaraxyada kuwaasoo aan la ogeyn sababaha ay u dhacaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See original article: Howgallo Dad Badan Lagu Qab-Qabtay Oo Xaley Ka Dhacay Muqdisho [...]