Howlgalo Dad Badan Iyo Hub Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran maanta waxay ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxayna ku soo qabteen hub iyo waliba kooxo la aaminsanyahay in ay ka tirsan Al-Shabaab.

Raga lasoo qab tay ayaa waxa ay gaarayaan tiradooda ilaa 100-ruux sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Dowlada kuwaasi oo lagu sooqab qabtay Howgalkaan.

Sidoo kale howlgalkaan ayaa waxaa lagu soo qabtay Hub iyo waliba Walxaha qarxa kuwaasi oo ay wateen qaar ka mid ah dadka ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka dowlada Soomaaliya.

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in ragaan ay sooqab qabteen ay ka tirsan yihiin sida uu sheegay kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ragaan ay baaritaano ku sameendoonaan cidii ay ku cadaatana ay maxkamad latiigsan doonaan sida uu sheegay kuwa kalana oo ay wax dambi ah kuwaayaana ay iska fasixi doonaan.

Wuxuu  ugu dambeentii hoosta kaxariiqay in ay siiwadayaan Howgalka nuucaan oo kalaa kaas oo uu sheegay in ay ku siixaqiijinayaan amaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay howlgalo balaaran ay ka wadeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loogu talagalay in amaanka lagu adkeeyo.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Howlgalo Dad Badan Iyo Hub Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho”

  1. [...] Excerpt from: Howlgalo Dad Badan Iyo Hub Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho [...]

  2. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

  3. as c dhamaan aqyaarta wan idin salaamay marka hore waxan aad ugu mahad celin webka raxanreeb oo mar walbo no so gudbiya waxa ka socda wadan kena somaliya oo idil runti wa webka aan si gara ugu xirnahay oon isha ku hayo badana ok waxan dawlada iyo dad waynaha so aal iga ah hadii malin walbo 100 qof la so qabto ama 50 qof oo tiirka la geeyo inta la yirahdo shabaab ayaay la shaqaynayen waa yabe yaa dalka u harin ilaa mel malina 100 la dilin malina ka badan dalka yaa loo banan oo dawladu yay dajin donta ilaa dadki aay u balan qaday inay nabadayso ayaa malinba koox lo dilaa alle ha laga baqo oo dadaka tacadiga ha laga daayo sex way la shaqan karan shababa oo mala didi karo waayo waa fikir ka so hor jeda dawlada balse dadaka la so qabto yaan la lan ee hala wacyi geliyo oo fikirka qaldan ee shababa halaga tir tiro wax ka wanaagsana ha tuso ayamana xabsiyada ha lagu hayo balse dadaka dilka iyo sida xun oo lola dhaqmayo hala ga daayo alle uga baqa dadkisa yaan la dulmin madaxweynaha iyo ra isalwasaraha gashan la yaasha malateri kuli wax aya la idinka waydin walahi ee is tar tiibiya oo dadka halaga daayo xasuuqa subxaanalaaha maalin walbo waxa la sheega koox ayaa la qabtay waa shababa maxkamad ayaa la saraa war xataa haday shaabab ahayen mawqif ahan balse ayansan dhiig muslin dadin mala warjeefa war rabi uga baqa umadisa walaahi misan 2 kafadood ah ayaa qof walbo camal kisa lagu misaami doona walalayaal naftayda iyo naftiina alle aan ka cabsano oo khar ka la isu dar daarmo

  4. dirira says:

    wadani sxb illaahaw qayr ku sii waayo waa saxiix qofkii qayr sheeqa waa loo duceeyaa laakiin dad baa aminsan in dawladnimada hada ay arkayaan aysan ku iman wax lakala saxiixdayba ogsoonow saas baan ubadanahay majoritey

  5. Atoore23 says:

    Ku.Jaalle Wadani Xalaal ah.
    Saaxiib Puntland waxay kaliya oo uga soo horjeesan kartaa RW cusub haddii uu maro jidkii uu qaaday Ina Farmaajo ee ahaa (anigu ma aqaani wax la yiraahdo putland).Waxaan la xiriiiraa odayaasha iyo Shacabka.Taasina waa tii uu eeday Ina Farmaajo oo uu shaqadiisii ku waayey.Ugu dambeyn Haddii uu Saacid noqdo nin daacad u wada ah soomaaliweeyn ninkii maagaa waa dambiile.

Leave a Reply