Idaacadda Horseed Media Boosaaso oo Albaababa La Isugu Dhuftay iyo Dawladda oo Ka Hadashay [Dhagayso]
Boosaaso[RBC Radio] Idaacadda FM-ta Horseed Media oo kutaalay magaalada Boosaaso ayaa maanta albaabada la Isugu dhuftay ka dib markii loo keenay Maamulka Idaacadda Go’aan kasoo baxay Dawladda Puntland,waxaana lagu amray Maamulka gobolka,kan degmada iyo laamaha amaanka iney albaabada isugu dhuftaan Idaacadda.
Go’aanka lagu Xiray Idaacadda Horseed Media ka sokow inuu ka soo baxay Dawladda Puntland haddana waxaa ku Magacownaa Warqaadka loo keenay Aggaasimaha Idaacadda Sarkaal magaciisa lagu sheegay G/sare Bile Faarax Cali iyadoona la Ogayn Xafiis iyo Saldhig uu ka hawlgalo.
Aggaasimaha Idaacadda Horseed Media ee Boosaaso Cabdiqani Xasan Dhagjar oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in loo keenay Warqad ka socota Taliska qeybta Booliska gobolka Bari taasoo lagu amray in Idaacadda albaabada loo laabay.
...”’Waxaa Saaka Idaacadda noogu yimid Madax ka socotaya laamaha amaanka ka bacdina waxay noo sheegeen in naloo kaga baahanyahay Xarunta qeybta Booliska gobolka Bari ka dib markii aan tagneyna waxaa naloo soo dhiibay Warqad runtii aan shaabadeysneyn balse ay noo sheegeen in Warqadu ay ku sumadeysantahay 2-bisha amarna lagu bixiyey in Idaacadda Horseed Media Boosaaso la xiro…”"“ayuu yiri Cabdiqani Xassan Dhagjar.
Cabdiqani Xassan Dhagjar ayaa tilmaamay in aysan ilaa hadda loo sheegin sababaha ka danbeeya Xiritaanka Idaacadda Horseed isla mar ahaantaana Dawladdu aysan faah-faahin ka bixin Xiriraankeeda.
Halkaan ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Cabdiqani Xassan Dhagjar Guji Halkan
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Wuxuu sheegay sidoo kale in ay Xiriir toos ah la sameeyeen Wasaaradda Warfaafinta Xafiiska ay ku leedaha magaalada Boosaaso gaar ahaana Aggaasime Fuube,uuna u sheegay inuusan haba-yaraatee wax war ah kala socon Xiritaanka Idaacadda.
Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cismaan Xassan Cawke”"Afdalow”" oo ay Saxaafaddu kula kulantay Xafiiskiisa ayna weydiisay waxa uu ka ogyahay Xiritaanka Idaacadda Horseed Media ayaa sheegay inuusan waxba ka ogayn balse laga soo amray Garoowe in albaabada la isugu dhufto.
Dhanka kale Wasiirka Wasaatadda Warfaafinta Puntland Maxamed Caydiid Dirir oo isna la hadlay Warbaahinta gudaha balse ka meermeerayey inuu si dhab ah faah-faahin uga bixiyo Xiritaanka Idaacadda Horseed ayaa sheegay in la hareer maray sharciga iyo amniga u yaala shacabka Puntland,
Eng Ismaaciil Xaaji Siciid oo ah Aggaasmiaha guud ee Horseed Media ayaa ku tilmaamay isna Xiritaanka Idaacaddu mid ayaan darro ah isla markaana ay tahay mid lid ku ah Hannaanka Dimuqraadiyadda ee Puntland la doonayo iney ka hirgasho.
Waxa uu sheegay in laga doonayo Maamulka Puntland iney cadeeyaan sababta loo xiray Idaacadda isla markaana sheegaan Barnaamijyadda khalkhalgelinayey amniga Puntland maadaama ay Barnaamijyadu yihiin kuwa la duuban.
___________________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
















kuwani waa kuow qabyalad dishay hala xiro oo yaan waligeed lasii dayn waxanse ka yabanahay raxanreeb maxaad nimankaan ugu danaaninaysaan iyagu xita masoo dayn malintii wariyasha raxanreeb la xir-xiray kuwani waa kuwo qabyalad dilootay wax la xiro waa yihiin
ASC Amaanku waa muhiim laakiin maaha in sidaas loo dhaqmo laguna xiro warbaahin shaqeyneysa hadii la leeyahay yaan la hadlin oo warabaahinta Pland hala wada xiro waa gar, arimahaanoo kale waa burbur aan geed loogu soo ganban aniga ahaan ma dhageysto mana galo webka HM maxaa yeeley wa qolyo u xagliya siyaasad gooni ah laakiin sidaasooy tahay ma wanaagsana in qofka dukaankiisa uu masruufka ka helayey laga xiro waxeyna keeneysaa cawaaqiib xumo soodegdegta sc.
SAX WEYE, SAX WEYE, SAX WEYE XERA XAASIDIINTA
puntland waa waalatay siyaasadii iyo qabyaaladii ayaa issaga dhexyaacday ..
marka waa gar in saxaafada la xirxiro , waa ha hadlin ama waxaan rabo sheeg… faroole dadku waa ku naceen sxb ee isku xishood,,, xoriyatul qowlku waa mubaax
waa wareeyn reer puntland faroole iska qabta waa kaligii taliye aan naxariis lahayn xoog ayuu nagu haystaa mahamed siyaad asagaa ka xun waqtigiisa wuu dhamaada halsano oo xoog ah ayuu ku darsadar ka dibna wuxuu rabaa in uu magaca badasho oo xisbi samaysto ka dibna shan sano oo kale la doorto waa yaaba dalka ma isagaa is ka leh
CADAN BAA GUBANAYSA MAXA IIGA GIDHIISH AH?
Walee waa lala helay jooga sow lagama waayin awoowgood dhaxalkii uuga dhintay ee aheyd iney madax noqdaan Sidey uraadinayee. Ayuu faroole buruskiisa ku dhuftay
Waxay faafiyeen horseedmedia arimsha sirta ah ee puntland. USA ayaan ku noolahay media America Lama ogola in ay dheegaan sirta wadanka. Labaatan sano kadib ayaa media iyo shacabka loo oglaadaa sirta qaranka. Marka horseedmedia waxay caadaysatay in ay caydo dawlada puntland iyo madaxdeeda. Wixii sir qaran ahna sheegto.
KU.Doqon Dheere.
Miskiin yahoow xaggee bay dunida ka jirtaa raadiyo ama wargeeys waxuu rabo iska sheega?Adduunkoo dhan ma jirto meel ay saxaafaddu say rabto u hadasho.Saxaafad kastaba xad bay leedahay aysan dhaafikarin.Tii dhaaftana waa la eedsiiyaa.