IGAD Oo Sheegtay Maamul U Sameynta Gobalada Jubbooyinka In La Dhameestiri Doono Bisha December
Nairobi (RBC Radio) Urur Gobaleedka IGAD ayaa shaaciyay in maamul u sameynta gobalada Jubbooyinka la dhameestiri doono dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2012-ka.
Sarkala u hadlay IGAD ayaa sheegay in uu hadda socdo kulamo gooni-gooni ah oo looga hadlaayo maamul u sameynta gobalada Jubbooyinka.
Waxa hadda socda culeys ballaaran oo ka immanaya beesha caalamka, taasoo lagu doonayo in lagu dhameestiro maamul goboleedka Jubaland .
IGAD ayaa dooneysainuusa dhaafin maamulkaas Bisha december ee sanadkan, sida lagu sheegay wararka ka immanaya Addis Ababa.
Sidoo kale IGAD waxa ay dooneysaa in shirka uga furmay guddiga farsamada maamulka Jubaland Nairobi in la soo afjro, isla markaana la qabto shir weyne ay ka soo qeybgalayaan dhammaan meelaha degga Jubbooyinka, kaasoo lagu qabanaayo Kismaayo.
Shirkaas ayaa sida ay lee yihiin saraakiisha IGAD waxa si rasmi ah loogu dooran doonaa maamulka Jubbaland.
Magaalada waxa shaley loo sameeyay maamul ku-meel-gaar ah, laakin wali waxa socda kulamo gaar gaar ah oo looga hadlaayo aayaha Jubbooyinka.
Magaalada weli ganacsiga si fiican looma furin, waxa kaloo xiran dekadda Kismaayo oo wax markab ah kuma soo xiran tan iyo markii ciidanka huwanta ay qabsadeen magaalada.
Si kastaba, maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka waxa kaalin weyn ka qaadanaya dowladda Kenya, taasoo damac ka leh shidaalka ku jirra Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shaley dib ugu soo laabtay Muqdisho, kama hadlin kulankii uu la yeeshay madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, kaasoo looga hadlay qabsashada magaalada Kimaayo.
Madaxweynaha waxa uu yiri dhammaan kulamadii aan la soo qaatay madaxdii ka qeybgashay 50-guuradii ka soo wareegatay xoriyada dalka Uganda, waxa ay ahaayeen kuwa wax wanaagsan ay ka soo baxeyn, isla markaana natiijadooda dhawaan la arki doono.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












Waxaan arkayaa in xukunka soomaaliya si dadban ugu wareegayo dawladaha deriska la ah .Mar waxay ku geliyaan ciidan ahaan,waxay abaabulayaan jabhado adeegeyaal u ah,wxay dhisayaan maamullo ayaga ka amar qaata,waxay diaarinayaan ciidammo soomaalida loo nisbaynayo lakiin ayagu leeyihiin.Waxay ku hadlayaan afka IGAD oo soomaaliya ka mid tahay,ayaga oo keliya ayaana arrinta og,abaabuley,go’aamiyey danna ka leh Intaas oo dhami maxay tahay? Sow qabsasho la sonkoreeyey ma ah? Oo aaway dawladdii soomaaliyeed oo dalkeeda layska maamulanayaa oo weliba ka mid ah IGAD?Maxaa aamusiyey?Ayadana ma waxaa loogfa taliyaa Nairobi iyo Addis abeba? Maamul u samaynta gobollada dalka iyo abaabulka maamul-goboleedyadu waa waajib dastuuri ah oo saaran dawladda soomaaliyeed IGAD, UN iyo cid kale toona xil kama saarna meeshana kuma jirto inay ka dhex muuqdaan.Soomaalidu waa dad wax kala garanaya marka laga reebo dillaaliinta oo danohooda keliya arka,waxay iska eriyeen gumaysi khubaro ahaa mana oggolaan doonaan mid farbarad ah, mana qaadan doonaan been-beenta jubbaland laga abaabulayo.
Igad qorshaheedu wuxuu dabo socdaa heshiis hore ay Itoobiya iyo Kenya ugu gaareen Addis Ababa oo ay ku heshiiyeen iney maamul ka dhisaan saddexdaas gobol marka ay qabtaan. Heshiis wuxuu dhacey bishii April ee sannadkaan Addis Ababa ayuuna ka dhacey. Laakiin is baddallada ka dhacey Itoobiya iyo Somaliya ayaa ka danbeeyey.
Heshiiska laguma xusin kaalinta ay dowladda soomaliyeed ku yeelaneyso maamulkaas.
Hadda Igad ayaa maamul u dhiseysa Kismaayo oo weli lagu sii adkeysanayo waxey muujineysaa ineysan aqoonsaneyn dowladda soomaliyeed. Waa arrin loo baahanyahey in dowladda dadka matalaa ay ugu baraarugaan si dhaqsaa oo ay qaadaan olole siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo ku wajahan dalalka caalamka ee arrinta daneeya.
Dowladda soomaliyeed ayaa iska leh maamul u sameynta Kismaayo ee Igad ma lahan. Waa siyaadadii dalka oo si mileteri ah iyo dhinac siyaasadeedba gacanta uga baxdey.
Adeer dowladdan aad sheegayso dastuurkii ay ku dhaaratay
Ayaa horyaal kaasoo qeexayey Dadka degaanka iney aayahooda
Ka tashadaan.
Jubbaland dadkii lahaa ayaa maamul u sameysanaya, dowladda
Aad sheegayso Xamar ha xalisato. Jubabaland waxaan dulaan
Iyo dhibaato ahayn Kama faa’iido Xamar.
Soomaalia waa federal state Qofka ku fakafakaraya wali 35 sano oo jaah wareer ,Dagaalo & Qax lagu hayay Shacabka Soomaaliyeed in Xamar looga taliyo Soomaaliyoo dhan Qofka nuucaasa waxaan dhihi lahaa walaal waa hurudaaye hurdada kakac oo meeshaad Soomaliya Kadagantahay adiguna is badbaadi Soomaalida kalana hakaa badbaado maamulna sameeyso aad soomaali Weyn wax kula qaybsatid Intaad ku mash quushan tahay Qofka walaalkaa & Siduu u naal yahay, Viva Puntland , Jubaland & Soomaalia
Walaahi Cali cade waa runtaa xamar waa wixii nagaqabsaday Kismaayo.Xiligan lajoogo Absame wu tashaday ee la socda xamarna nama khusayso sxb.
Cosoble iyo Wadaad yaroow horta wadanka waala heystaa waxaana heysta Igad oo u shaqeysa rag kaloo odayaal ah oo iyaga ku adeegta, Soomaaliduna showga ayay wax kajilayaan. Laakiin idinka waxa idinka hadlinaya wadaniyad maahee waa heyb necbeysi. Waxaa idin dhibeysa oo kaliya in dadka goboladas dega ay helaan wax kheyr ah. Sababtoo ah waad ogtihiin xooga iyo xeeladda ay maanta leedahay dawlada soomaaliyeed. Ciidan raymiya malahan, polis rasmiya malahan, talo rasmiya malahan, wax wadan ah oo gacan ugu jirana malaha. Intaas marka ay yeelato ayay wax dhihi kartaa ama sameeyn kartaa. Laakiin waxa kaliya oo arintaas lagu gaari karaa waa in aan la,isku dayin haba yaraatee dadka in qaarna lacaburiyo ayadoo dawlad shaarkeed la,isticmaalaayo am lamuujisto heeb necbeesi iyo hadala xun xun oo wanaagna kaa geeya coladna aan waxba kaaga tarin. Beelaha Soomaaliyeed ayaagaa xor u,ah ineey sida eey jecelyihiin unoolaadaan islamarkaasna
dowladooda lasheqeysanaya. Wixii aan intaas aaminsaneyna waqti waa kadhacsanyihiin.
saxiib xamar dadkii lahaa ayaaba qaxooti ku ah gaarissa iyo jigjiga maxay tahay waxa aynagu biirin hayaan oo aan ka ahayn dhibaato iyo isbaaro iyo jaahilnimo absame wayne wuu tashaday wax hor istaagi karaana majiraan madax waynaha somaliyanah waxaa uu ka amar qaataa madaxda jigjiga iyo garissa kasoo jeedaan hadanah waxay dagaan uleeyihiin 2jubo marka nin waliba waa in uu seefta kagabada
fikir qaladan weeye dadka ku haya absame dhulka leh waxan xauusta 91ki marki xamar laga soo qaxay liboye layimd baan erayadi maqli jiray, 3daa gobol dad badan oo somalia ah aya dagan waana wax fiican hadii maamul mideeya loo sameeyo ka xishooda qabiilka aad laboodaysan caqligana ha shaqeeyo
As wr wb waxan marka hore salaamayaa bahda raxanreeb oo mar walba u heelan inat shacabka ka haqabtiraan wararka waad mahadsantihiin… dadaalka halkaa kawada.
Markaan kahadlo maqaalka iyo kuwa ka jawaabayba waxan arkaa in somali ay raali kanoqotay in shisheeye utaliyo laakiin ay iyagu dhexdooda diideen inay isu taliyaan.
Waana tan keentay in maanta IGAD ay abaabuleyso wax lagu sheegay maamul.
Somali iyadaa isugu wacan in la gumeeyo.
Alle hanaga qabto caada qaatayaasha, calooshood ushaqeystayaasha, kuwa qabiilka caabuda iyo dhammaan inta somali sharafteeda, MIDNIMMADEEDA iyo qaranimadeeda gacmahooda lagu burburinaayo aamiin.
war somali ma wixii horey idiin daashadaa daba ordaysaan war qabiil iyo qolo qolo iska daaya oo u midooba sidii aad dalkiina shisheeyaha uga ilaashan lahydeen taasna waxaa lagu gaari karaa dawladiina iyo madaxwaynahiina daba istaaga oo uga danbeeya arimaha dalka asagaa keyna iyo itoopoyaba la xisaabtami doona wad mahadsanatihiin
Wadaad Yare, walaal dawladdu waa inay tixgeliso rabitaanka dadka degaanka waxa ay ka damacsanyihiin aayahooda. Waan garan karaa xakuumadda Muqdisho iyo sida qabiilku ugu dheehan yahay maantana meesha Kismaayo taagan tahay waxaa keenay Xakuumaddii Cabdiqaasim Salaad iyo beelihii hawiye oo ku soo duulayay kuna dhaliyay beel ka mid ah beelaha daarood inay ku qabsadaan xoog kaalmo iyo hiilna ay siinayaan. Nasiib darooyinkii dhacay mudadaas ku siman ilaa 20ka sano ayaa kaliftay in lagu herdamo Kismaayo. Waxaase aan muran ka jirin in la wada degan yahay Jubooyinka haba loo kala tiro badnaadee, waana lagama maarmaan in beesha ugu badani ay sameeyaan cadaalad iyo wada noolaansho iyo nabadgelyo. Kismaayo waa dhul Soomaaliyeed dadka deggan qabiil kasta ha ahaadeen waa Soomali in la wada nooladan waa muhiim waana muqadas iyada oo aan cidna la riixayn. Hase yeeshee xakuumadda Muqdisho waa inay ka feejignaadan inay siyaasadeeyaan kana baxaan carqaladda iyo inay qabiilooyinka degaanka qaarkood ay shidaan, waana in loo dhaafo dadka degaanka inay is afgartaan kana tashadaan aayahooda. IGAD waa ay ku saxsantahay inay ka shaqeeyaan nabadda JUBOOYINKA maadama Muqdisho ay waddo carqalad iyo isku xurbinta qoysaska Soomaliyeed oo wada deganaa qarniyaalka.
Sida uu u baaray Madaxweyne Xasan Sheek Maxamuud way caddahay waana mid aan ahayn siyaasad xasiloon keeni karta iska horimaad iyo khilaaf aan dhamaan. Ugu dambeyntii ha loo daayo Jubbooyinka reer Jubba iyaga arrin ha la yimaadeen wixii ay isku raacaan oo cadaalad ay ku salaysan tahay ha loo ansixiyo, hana lagu garab qabto.
Dhibkaan nadaba jiitamaya hallasoo afjaro.
DALKU KUMEEL-GAAR waa ka baxay.
Madaxweyne cusub oo dunida oo dhan la ictiraafay loona soo hambalyeeyay ayaa la doortay.
Guddoomiye baarlamaan iyo BAARLAMAAN cusub ayaa hadda jira oo wada mutacallimiin ah.
R.Wasaare cusub ayaa hadda jooga.War sida isku dhaama oo QARANKA iyo CALANKA ha
ku jiidina dhulka ee u jawaaba WAXUUSHTAN nadaba dhigatay,
Haddii kale meesha iskaga taga aan soo doorannee dad kale oo u jawaaba.
IGAD ayadaa la masruufaa sida annagaba aan masruufka u sugeyno ee taas ogaada .
jubaland waa tashatay guuul guuul jubaland
WALAAL SOMALIYO WAA FADARAL NIN KASTA ASAGAA MAMULIN MEESHUU UDHASHAY
DADKAAN IYAGAA TASHADAY EE TASHADA SIDADAN ISKU DHAAMA
[...] Marka la soo afmeero wada tashiyada hadda ka socda Muqdisho, ayey ballantu tahay in odayaasha ergada ah ay tagaan Kismaayo halkaasna laga furo gogosha beelaha ay ku kulmayaan si loo sii ambaqaado dhismaha maamul goboleedka cusub ugu dambeyn bisha Disembar ee sanadkan. [...]