Sida dadka Muqdisho looga caawinayo inay jebiyaan Al Shabaab baa dadka Jubbada Hoose looga caawinayaa arrintaas oo kale


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sida dadka Muqdisho looga caawinayo inay jebiyaan Al Shabaab baa dadka Jubbada Hoose looga caawinayaa arrintaas oo kale
Mursal M. Wanqalle
Falanqeeye Idman
Oktoobar 07 2012

Qabsashada Kismaayo waxay soo noolaysay muranka ku saabsan sida maamul loogu samaynayo Kismaayo. Hal arrin baa jirta oo ay gorfeeyayaashu isha ka laaleen ama hoos u eegi kari waayeen: burburka ku dhacay isbahaysi samaysmay dhammaadkii siddeetamaadkii markii labadii urur United Somali Congers iyo Somali Patriotic Movement la sameeyay.

Labadaas, oo laba garab u kala qaybsamay markii dowladdii militariga ahayd la riday, waxay markii hore ahaayeen isu-kaashatada cadowgooda siyaasadda. Kolonel Axmed Cumar Jees oo wax ka saxiixay heshiiskii Mustaxiil oo dhexmaray Generaal Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur iyo Axmed Cumar Jees, wuxuu isku dayay in Jubbada Hoose, gaar ahaan meelaha ay deegaan beelaha taageri jiray SPM ay noqdaan meelo uu awooddiisa siyaasadeed ku muujin karo.

Markii qabqablayaashii laga adkaaday sanadkii 2006dii waxay Jubbada Hoose soo saartay isbahaysi cusub oo iska kaashaday dib u qabsshada Jubbada Hoose si loo wiiqo Col Barre Hiiraale oo garan waayay intii ay garteen Goobaale iyo allaha u naxariisto Seeraar oo labaduba hoosta ka galay ururukii Maxkamadaha Islaamka.

Afmadow iyo Dhoobley waa meelihii madaxweynihii hore u cararay markuu ahaa guddoomiyohii Maxkamadaha Islaamiga da oo ciidanka Itoobiya ka saareen Muqdisho bishii Diseembar 2007dii.

Way u caddaatay taageerayaashii Maxkamadahii islmaamka gaar ahaan Axmed Madoobe in dhulka Jubbada hoose ay noqon karto meel Al Shabaab ka maleegi karto weerarro ka dhan Kiinya, si la mid ah sida ay gobolka Gedo uga abaabusho qorshayaal dagaal.

Dib-u-sumadayntii ( rebranding) ururkii Raaskambooni waa farriin cad oo beesha Axmad Madoobe u dirtay adduunka: “ ma doonayno xagjirnmo, dhulkeennana ma sii ahaanayo meel laga abaabulo colaad ka dhan ah Caalamka“.

Qaylo badan baa Muqdisho ka soo yeertay hadda, qayladuse waxay muujinaysaa sida qabqablayaasha diinta oo Muqdihso ku sugan aysan ugu sii tashan karin isbahaysigii Kismaayo, Afmadow iyo Raaskambooni inay sii ahaadeen meelo xagjirka lagu tababaro.

Sida dadka Muqdisho looga caawinayo inay jebiyaan Al Shabaab baa dadka Jubbada Hoose looga caawinayaa arrintaas oo kale. Waa arrinta uu madaxweyne Xasan Sheekh fahmi waayay ama doortay inuusan fahmin.

Doorashada ay beesha Axmad Madoobe dooratay inaysan ku tiirsanaan koox kale oo Muqdisho laga maamulo waxay saamayn wayn ku yeelatay hawlgallada Al Shabaab oo heli waysay xog iyo taageero ka timaadda reer Kismaayo, Afmadow, Raaskambooni, Qooqaani , Dhoobley iyo magaalooyin kale oo Jubbada Hoose ku yaalla.

Isbahaysi labaatan sanadood jiray baa burburay.

RBC Radio
Xafiiska Falanqeeyayaasha Idman

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

8 Responses for “Sida dadka Muqdisho looga caawinayo inay jebiyaan Al Shabaab baa dadka Jubbada Hoose looga caawinayaa arrintaas oo kale”

  1. [...] See more here: Isbahaysi burburay [...]

  2. cashiir says:

    waxaa dhab ah manta ineey isku tashadeen beelaha daga jubbada hoose waayo waxaay arkeeyn hagardamada iyo siyaasada guracan ee bal albo ooga timaada xamar runtaa oo marwalbo diida ineey shacabka jubbooyinku iska tashado madaxweeyna hada talada qabtay markuu baladweeyne booqday wuxuu yiri xaq ayay uleeyihiin reer baladweeyne inaay maamol sameeystaan ,markuu ka hadlayay jubboyinkana wuxuu yidhi aniga ayaa usameeynaayna ,marka suasho maxaaytahay maxaa ukale dhaxeeya hiiraan iyo jubbooyinka ,ma qabyaladbaa mise waaa ujeedo kale

  3. ninka fiyoy says:

    SAdeer ha is ku qaban jubooyin. Nin walba tuulada uu dago in uu maamulo xaq ayuu u leeyaay, afmadow in uu axmed madoobe maamulo cid ku haysata msleh laskin haduu yiraa hoonsgow agysan maamulaaya iyo dhulka ku wareegsan waxaa daga , nin ka yimi afmadow in uu maa mulo yeeli maayaan. Kenya haku daba ganbanin waxba kaa celin meydo iyagaa loosoo socdaa mardhow.

  4. Dahabi says:

    War ninka an maba fahamsana micnaha madaxweynenimada guud ahaanteed.

  5. Been ayuu sheegay ruuxaan asiga ayeyna ku jirtaa Qabyaalada uu ka hadlayo saba too ah haddalki m/weyne Xasan ka sheegay B/weyn ma ah heyn sida uu u dhigay labaxay CASHIIR bal dadow illa dhageysta hadalkaas waxuuna yiri waxaa la aaminay in reer B/weyne , reer kismaayo reer G/kacyo aysan heshiin karin marka waa in aad beenisaan arrinkaas oo aad tustaan caalamka oo dhan in aad wada noolaan kartaan, hadii aad ku fashilantaan waxaad ogaataan in leyn kaga tallin doono Xamar (unity territory) marka abyaalda aad ka hadleyso adiga ayey ku heysaaye iska dawee fadlan

  6. Mohamed says:

    Cid walba waxeey iska baratay Beelaha Jubada Hoose iwm
    War Qabyalada iyo Boobka maan joojino Walaalayaal, waalalaha kuma kala tagaan dagaal iyo muran toona lkn maahan walaltinimada in maalin walba leeys boobaa oo leys dhacaa,Aniga waxaan ku dhashay Jubada Dhexe,Familkeyga oo dhana waa reer Jubada Hose.
    91 ayaana nagala soo qixiyey Maalkenina nagala dhacay.
    Tan layaabka leh ayaa waxeey tahay Qabaailo aad ugu yaraan jiray magalada Kismayo ayaa shalay iyo maanta ku dagaalamaya oo sheeganaya ineey iga leeyihiin.
    Iyadoo Dadki ugu badnaa maalin walba lagu kor dagaalamayo, Waxaa kaloo layaab leh in dadki deeganka marki dagaal lagu barakiciyey lakeenayo dad gobolo kale ka yimid!
    Nin gaal ah oo Kismayo ka hadlayey ayaa wuxu leyahay Kisamayo Waa Sarjefo dii Somalia WHY?
    Sababtoo ah Waxaa ka socda waa ethnic cleansing Those one dhahayo beel hel iyo beesha hebel ayaa caalamka farii udirtay in goboladooda balabala Who gave them Kismayo?
    War qoraalkaga ilahey aga Cabso qofki dhobley ka yimid ama afmadow Xaq weey uleyihiin in eey Kismayo ineey ku noladan sida kuwa ka kimid Gedo Iyo G/gadud lkn xaq umalaha maalin walba ineey Qori Caaradiis ku heystaan ama dowlado daris ah dabada kasoo riixaan!
    Please reer Gedo, Reer Puntland iyo Reer G/gaduudow dhibka naga daaya dhulka wuu naga badanyehee waxaan 20yrs kadib aad wali inaad magalada isku dishaan urabtaan waa Doqonimo wlh isku xishooda walalayaal,hada howshi weeyba dhaftay sidi hore oo manta gaaladi 1960kii leheed Kismayo aan lenahay ayaa waxaa loo kensaday Nusro ama Gargaar!!!!!!
    Allow dhulka iyo adomadaba adaa abuuray ee Daalimiinta dhulkaga iyo adomadadaba ka qabo.

  7. Waamo says:

    Ninkan labaxay ninka fiyow adeer dhulka magaraneyside j/hoose haku walan dhulka juboyinka Absame land aya ladhaha Alle haku baree A.madowe amarkisa kashaqeyna ogow hassan sh. Mahmud asaga ladhaha madaxweyne. Absamena madagalamo dadna madhaco dhulkisu joga dhof kuma iman. Cabudwaqna kama so qixin.

  8. garyaqaan says:

    WAR KISMAAYO GIIRGIIRAAA LLEHE QOOQAANI IYO DHOOBLLLEY DAGAALKII LABAAD AYUU IMAADAY GEDO MEEQO KM AYAY U JIRTAA KISMAAYO MA ILOOWDEEN ARIBAAYO BARI LAGA RAYSAY BARIIS CAANOLEH BAASTO SUUGO LEH BABISKAAGI FALKI BOOWLADAADU DHAC YAA SOO CAWRO MALEH GABARAA DHASHAY MARWALBANA SHAARKA WEY KALA BADALAAN MARKAA DADKA MISAAKIINIINTA AH OO AH AAWAY MASAAKIINTAAS MISE MARKEY WALAALKOOD ARKAAN BEY DADKA DHIBAAN HADDA MEY DHULKOODA DHACSADAAN INTA KULBIYAW IYO QOOQAANI KAYIMAADAAN ISKUUL XATAA LAMA GEYN JIRI CIYAALKOODA JAAHILNIMO INTAY KA QABAAN LAAKIIN JAABA JAABAD LEH KISMAAYO CADAWGA KU SOO DUULAY HA ISKA QABTAAN KULAHAA JUBOOYIN BULL

Leave a Reply