Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso oo Imtixaanka Aqbalaadda ay u Fariisteen Ardey Cusub [Sawirro+Cod]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso[RBC Radio] Jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa Imtixaanka Aqbalaadda ay u fariisteen Ardey cusub oo Iska diiwaangelisay Kulliyadaha iyo qeybaha kala duwan ee Jaamacadda,waxayna u fariisteen Imtixaanka lagu Aqbalay ee 2012.2013.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso Proff Aadam Axmed Xuseen(Xerow) oo Saxaafadda kula hadlay gudaha Jaamacadda ayaa sheegay in ardeyda u fariisatay Imtixaanka aqbalaada Jaamacadda faraceeda Boosaaso yihiin kuwa cusub iyadoona loo qaatay Sanad-dugsiyeedka 2012-2013.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso Proff Aadam Axmed Xuseen(Xerow)

Proff Aadam Xerow ayaa sheegay in Imtixaankan ay galeen ardeydu yahay midkii aqbalaada kaasi oo kamid ah Shuruuraha laga doonayo ardeyga Jaamacadda Muqdisho kusoo biiraya.

Waxa uu tilmaamay in ardeyda Imtixaanka Aqbalaada u fariisatay ay ka kala socdeen qeybaha kala duwan ee faracan Boosaaso ka furan sida Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka oo 5-qeybood ah,Kulliyadda Waxbarashada oo 2-qeybood ah,Kulliyadda Nursing iyo Health Science oo 2-qeybood ah iyo Kulliyadda Comupatr Science-ka,

…”"”Munaasabaddan maanta waxa weeye ardeyda cusub ee Sanad-dugsiyeedkan 2012/2013 ayaa waxay u fariisteen faraca Boosaaso Imtixaankii aqbalaada Jaamacadda Muqdisho oo kamid ah Shuruudaha lagu aqbalo ardeyga Jaamacadda ku biiraya,…”"“ayuu yiri Proff Aadam Xerow.

Guud ahaan ardeyda cusub ee kusoo biirtay Jaamacadda Muqdsho faraceeda magaalada Boosaaso ayuu ugu hambalyeeyey kamid noqoshada Jaamacadda,Isagoona EEBE uga baryey inuu Imtixaanka u fududeeyo.

…”"Dhamaan ardeyda cusub ee Sanadkan kusoo biirtay Jaamacadda Muqdisho waxaan ugu hambalyeyneynaa Ilaahayna uga baryeynaa Imtixaankan iney ku guuleystaan sanadkan u bilowday ee heerka Jaamacadeed in Ilaahay uga dhigo bilow wanaagsan, waafajiyana iney dhamaystitaan Jaamacadan…”"ayuu yiri.

Gabagabadii Waalidiinta ardeyda cusub iyo Macalimiinta wax soo bartay ayuu mahadcelin u jeediyey..”“Munaasabadan aa joogno waxaan Ilaahay Subxaanohu watacalaa uga mahadcelinayaa sida uu noo waafajiyey diyaargarowga wanaagsan ee aan kusoo dhaweyneyno Sanadkan ardeyda soo biirtay,waxaan uga mahadcelineynaa Waalidinta Soomaaliyeed iyo Iskuuladii Soomaaliyeed ee ay kasoo qalanjebiyeen,waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsantihiin.

Halkaan ka Dhagayso Hadalada Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso Proff Adam Xerow Guji Halkan

_____________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags:

2 Responses for “Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso oo Imtixaanka Aqbalaadda ay u Fariisteen Ardey Cusub [Sawirro+Cod]”

  1. [...] Read the original: Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso oo Imtixaanka Aqbalaadda ay u Fariisteen Ardey Cusub [Sawirro... [...]

  2. Muwaadin says:

    Tani jaamacad maha ee waa meel niman bariis kooda ka raadsadaane naga daa ama East Africa oo kale ha noqoto ama hanaga dayaan waxba meesha kuma hayane meel laba wiil oo isku beel ahi ka bariiseeyan weeyaane

Leave a Reply