Kenya: Ciidanka Soomaaliya Naga Jooga Ma Soo Laaban Doonaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa sheegtay maanta oo Arbaca ah, in ciidanka ka jooga Soomaaliya, ay waqti dheer sii joogi doonaan halkaas, kaddib markii howgalka Midowga Africa uu xilligiisa ku egyahay bishan.

Madaxa ciidanka General Julius Karangi  ayaa sheegay in ciidanka Kenya in ay sii joogi doonaan xitaa haddii u xilligooda uu dhammaado.

Wuxuu yiri Gen Karangi “ Iyadoo xilliga ciidanka Kenya uu ku egyahay October 31, haddana waa la kordhin doonaa iyadoo sidaas loo yeelaayo xaaladda ammaanka”

Wuxuu hadalkan ka jeediyay xarunta ugu weyn ciidanka Military-ka, halkaasoo loogu soo gudbiyay 5,000 oo waraaqado ah,oo ay dadka iyo ardayda kaga hadlayaan sida ay u arkaan ciidanka Kenya ee Soomaaliya jooga.

 “Waa wax hubinti ah, mana ahan wax shaki uu ka jiro ee ku saabsan in la kordhiyo howgalka ciidanka KDF , maxaa yeelay waxa ay ku xiran tahay ammaanka, maadana ciidanka ay xoreeyen dhul badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,” ayuu sheegay.

Gen Karangi  ayaa sheegay haddii xittaa la soo celiyo nabadda, QM waxa ay u ogalaan doontaa  ciidanka midowga Africa siddii u sii joogi lahaayeen halkaas, laakin wax kasta xilliga ayuu ku xiran yahay.

The General ayaa sidoo kale sheegay, in ciidanka KDF ay maamulaan dhul ka badan 200,000 oo square kilometres , isla markaana ay burburiyeen Al-Shabaa. Sidoo kale warkaas oo kale waxa yiri wasiirka gaashandhiga Yusuuf Xaaji oo ammaanay howgalka ciidanka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in ka badan 3,000 oo dagaalyahanka Al-Shabaab in ay dileen tan iyo bishii October sannadkii hore.

Kenya waxa Soomaaliya ka jooga 4,660 oo askari, waxa ku wehliya howgalka AMISOM ciidanka ka socda Uganda, Burundi iyo Djibouti  kuwaasoo gaaraya 13,000 oo askari, isla markaana dagaallo kula jira Al-Shabaab.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

15 Responses for “Kenya: Ciidanka Soomaaliya Naga Jooga Ma Soo Laaban Doonaan”

  1. xog ogaal says:

    kenya waa khaladkii ugu weynaa ee ay gashay markii ay soomaaliya soo gashay iyadaana ka dhimasho badan al shabaab hadii ayka dishay 3000 iyadana waxaa ka dhintay 4000 ? waxa kenya kadhacayana waa lawadamaqlaa , soomaliyana dhul ka helimayso ee keeda ha ilaashato , nin qoyani biyo isma dhowro , soomali awal ayey dhimatay oo dhaawantay ,kenya ayaa hada aragtay ,dhimasho iyo dhaawac ,shabaab hada waa kabaxeen kismaayop ,afgooye marka iyo meelo kaleba , xagee aadeen meeye ma dhinteen mise waa dhuunteen ?????????? ma kenya ayey aadeen mise mise ?????????

  2. wadaad yare says:

    Aan rajeyno iney dhaqso Shabaabku dhexda iga baxaan oo meel daran ka baxaan. Markaas soomaalida caadigaa iyo Kenya aan loo dhaxeyn. Markaas ayaa la arki doonaa haddey Kenya sii joogi karto iyo haddii kalee.

    Shabaabku waa kaar qaali ah oo ku jira gacanta cadowga oo uu ku ganbanayo. Ma jireyso baahi uu ku mar marsiyoodo shisheeyuhu haddii Shabaab meesha laga waayo.

  3. somali says:

    Kenya waa lasiiyay dhul ee maxaa looga hadlayaa mase dhegiinaan wax maqlin indhuhiinana waxa ma arkaan miyaa waa yaabe yyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyybe

  4. asad yare says:

    ilama aha in 4500 oo askari kenya ka joogaan waayo ciudankii alshabab la dagaalay intaas wuu ka badanyahay Kismaayo oo keli ah ayey 5000 oo kenyan ah joogaan, midda kale Kenya ama rer dhinac ha saarto ama keligeed hasoo farandulayso xaqiiqdu waxay tahay somalia meel ka mid ah mahaysan karto waayo Itoobiya iyo Maraykan (Unisom ) baa haysan waayey

  5. garaad yusuf says:

    asc waxay ilatahay hadii uusan jaajuus somali ah hogaaminaynin keenyaanku way lumi lahaayeen laakiin jaajuus somali ah ayaa meelkasto oo aad rabto kugeynayo laakiin taasna way soo afjarmi doontaa ee ogoow mida kale shabaab oo urur yar oo aan dhaqaalo buuran haysan ayay ka qabsan waysay kismaanyo oo lawada ogyahay in ay yuhuud uqabatay taasna haxusuusnaato kenyo wiil sade daarood

  6. cadaani says:

    kenya waa hadal ay iska tiri laakiin waxaa looga fadhiyaa dawlada soomaaliya inay jawaab kabixiso hadalada daandaansigaa ee kenya kasoo yeearay , waxaase hubaal ah itobiya waxay qaadiwaysay inaysan kenya hawaysankarin meelay gaartaba ARAGAANEE!

  7. Sniper says:

    cadaani hadal layska yiri ma jiro , ee kismaayo iyo jubooyinka waa loo saxeexay kenya , maamul baa loo samaynayaa kenya u taliso…………..saw badahayga kamaad bixiwaayin , wallee waan inaan san gadhuudhida kaa iibyaa , labaatan sano ka dib ha laydin kala garan waayee………kkkkkkkkkkkkk

  8. Puntlander Man says:

    Hashu maankaygay gashaye ma masaar liqday. Wadankeena shisheeye soo gala ma saakaa ugu horoyasa? Wadnihii qaran oo dhiiga siin jiray dhamaan xumnaha kala yaa ka shaqaysiiya halbowle kasta oo muhiim ah yaa fadhiya. Inyar fakar oo maskaxda fur. Jawaab sahal ah. Waa shisheeye. Xataa madaxdeenu inakuma aaminaan naftooda la aantood. Laba cudur kee daran kan mid wadne kaa galay iyo mid lugaha kaaga dhacay. Hadii dhab loo hadlo shisheeye waa shisheeye dhulkana Somali baa leh. Ee yaan lagu waalan gobolo ku hawlan diyaarin hanaan dowladnimo. 100 sano ka hor xikmad la yiri. Muslinimo nin aan kuula socon muuminimo khaas ah gaal maxasta kuu dhowra oo magansataa dhaama. Diin aaway maxkamadi hii baa fashiliyay. Wadaniyad waa kasii horaysay kaareedii gubtay. OK. Maxaynu isku aamina. Sahal. Waa sharciga noo yaal oo lagu dhaqmo. Viva inta daacada

  9. war wadankii fara kuma jiro kneya hadaysan kaligeed ma joogto meesha amxaradiina wa la socota heshiis bayna wada wataan marka amxaaro iyo kneyan waa is bahaysteen oo dalka waa la kala qaybsan half half kkkkkkkkkkkkkkk

  10. Puntlander Man says:

    Somali waa is dishay is barakicsay wax walba oo xuna waa dhaceen ilaa wabiya biyihiisa dadkii masaakinta ahaa laga gaday. Oo dadkii beeralaydaa beerahooda inta laga qaaday hada lagu fashay. Waxaas oo dulmi ah hadaynu usoo joognay oo dadkii mukulaal madow ku ilaalisa nafada iyo maalkaaga ay dhacday Umada Intaas loo gaystay waxaa xaqiiqa in aysan wixii ku sameeyey aysan aaminayn. Maalmahaan waxaa nagu batay durbaan wadaniyad. CAJIIB. Goormaad wadaniyadu cirka kasoo dagtay. Dadku waa dadkii dalna waa isagii. Wakhtiga ha iskaga dhumin diin fashilantay wadaniyad kaarkeed gubay. OK. Maxaan kugu aamina. Inyar fakar. Jawaab fudud. Dastuurka aynu wada dagsanay oo la raaco. Gobol walba horomarkiis ha ka shaqeeyo qaranimada Hala wada ilaaliyo Maahan Inaad waliga mooryaanimo ku fakartid iyo ku dulnoolasho. Ha guulaysato inta daacada

  11. aboy@_+161 says:

    waa run dalka way haystan manakabaxayan waayo somaliya waa wadan fashilmay.

  12. Cadaad Hurumbe says:

    Waxaan rumeysnahey in oggolaanshihii U.Ntu iyo African Unionku ay ku oggolaaden Ethiopia iyo Kenya hawlgalka Shabaabka lagaga saarayo Somalia uu ahaa qalad weyn bacadama Dawladahaasu Somalia ka leeyhiin dano khaas ah oo ka baxsan danta iyo maslaxadda guud ee Somalia. Shabaab waxaa jebiyey Shacabka Somaliyeed oo kaashanaya Ciidamadooda, taasoo wiiqdey awoodiisii cuddudeed,dhaqaale, siyaasadeed iyo sumcaddba. Waxaan shaki laheyn inaanu ciidan shisheey u yeelan karin awood uu ku muquuniyo xarakat ka aloosan dhal aanu uu dhalan. Matal waxaa inakaga filan waxaa ka dhacaaya Afghaanistaan. “Ayax guur eelna reeb” ba layidhi. Kenyaa oon aqoon u laheyn dagaal iyo colaad in ay ku hanjebto ciidankayagu ka bixi maayo Somalia xataaa haddi nabad la helo, waxaa u been sheegtey quwaddii shabaabka oo wiiqantey iyo dawladdii oon weli qumaati salka u dhigin In kasta oo laga yaabo in dad Somali ah arrintaas ka danbeeyaan, waxaa kenya la gudboon inay ku taamino qaadato wixii Xabashida ka gaadhey duulimaadkii ay ku soo gashey Somalia. Maanta ooy colaadi berrinsatey Somalia ninkii isku daya inuu mowqifka ka faa,iideysto, waxa hubaal ah in jabkii Xabashida ku dhacey mid le,egi ku dhici doono. Somaliya waxey ka mideysantahey ‘Ilaalinta dhulkooda inaan lagu soo xad-gudbin. Waxaan u digayaa Dowladaha damacu ka gale dhulkanaga inay biliqeystaan waa in ay aad uga fiirsadaan ‘consequence’ ka dhalan kara damacaas waalan.Waxaan hadalkeyga kusoo goynayaa “Waar yaadha ma naga tagtaan nama taqaaniine”

    Cadaad Hurumbe.

  13. muslim jecle says:

    Waa run insha allah ciidamada kenya iyo kuwa kale ee amisom kama tagayaan soomaaliya ee waa.lagu aasayaa ama maydad kooda ayaa laga daabuliyaa bi idni laahi tabaaraka watacaalaa maxaa yeelay way naqoxiyeen wiilasheeniina waa shabaab bay u laayeen- waxa layiri nin og inuu kaa xoog waynyahay xeelad uu kugu daadaanado.mawaayo kenya iyo.asxaabteedaba soomaaliya ayagop caafimaad qaba oo.nool maka baxayaan insha allah dib danben loo arki maayo

  14. Cadaad Hurumbe says:

    What is wrong with you. I have been writing my comments, but each time I write one you did not post it. Whey? I do not understand the reason whey I am being profiled. I am fond of your paper and website, but know I am begining to think that I should write no more commentary
    cadaad hureumbe.

Leave a Reply