Kenya Oo Heshay Meydadka Askar Looga Dilay Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa shaacisay maanta oo Khamiis ah, inay heshay meydadka afar askari oo Kenyan ah iyo mid Soomaali ah, kuwaasoo lagu waayay duulankii lagu qabtay Kismaayo.

Afhayen u hadlay waaxda difaaca Kenya, Major Emmanuel Chirchir, ayaa sheegay in afarta askari lagu waayay weerar Al-Shabaab ku soo qaaday deeganka Miidow, halkaasoo bariga kaga beegan magaalada Kismaayo.

Meydadka askarta ayaa laga helay xabaal si wadareed ah loogu aasay magaalada xeebta leh ee Kismaayo sida uu sheegay Mr. Chirchir

Si kastaba,  Al-Shabaab ayaa markii ay gacanta ku dhigtay meydadka askarta reer Kenya iyo midka Soomaaliga, waxa ay ku jiid-jiideen wadooyinka magaalada Kismaayo.

Wuxuu ku sheegay bartiisa twitter-ka Major Chirchir in afarta ciidan la helay meydadkooda isla markaana ay gacan ka siiyeen helidooda dadka magaalada oo wadashaqeyn fiican ay la lee yihiin.

Kenya ilaa hadda waxa ay lee dahay mudada sannadka ee Soomaaliya jogeyn waxa ugu dhintay 22-askari, iyagoo sheegtay inay dileen 3000 oo Shabaab ah, sidaas waxa sheegay wasiirka gaashandhiga Yuusuf Xaaji.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

1 Response for “Kenya Oo Heshay Meydadka Askar Looga Dilay Soomaaliya”

  1. SHAKI IIGAMA JIRO KENYA INEY DISHEY 3000 IYO KA BADAN OO SOMALI AH, WAANA SOMALIDA WAXA AY KA WADAAN ALSHABAB. WAXAA INTAA DHEER XOOLAHA DIYAARADUHU DUQEEYEEN IYO HANTIDA AY BURBURISEY,
    Laakiin ma MACQUUL baa 22 ayaa nooga DHINTEY dagaalada!! ANIGA KA DIIDEY INTAAN ALSHABAB LA GAARIN

Leave a Reply