Kenya Oo U Dabaal Dageysa Sannad Guuradii Koobaad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Ay Gashay Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa maanta oo Axad ah u dabaal dageysa sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii ciidankooda ay galeen gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashandhiga Kenya Yuusuf Xaaji oo la hadlaayay Idaacaddaha Kenya ayaa sheegay in dowlada ay taageeri doonto qoosaska askarta Kenya ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dagaallo kula jira Al-Shabaab.

Wuxuu yiri wasiirka Kenya waxa sharaf u ah inay ka guuleesatayn cadowgooda oo uu ka waday kooxda Shabaab ee dalka Soomaaliya.

“Ciidanka KDF , waxa adduunyada tuseyn in ay taarikh dhigi karto Kenya. Waxa aan go’aansanay in aan difaacno dadkeena iyo xuduuda, markii la soo weeraray,” ayuu yiri Xaaji.

Taliyaha ciidamada Kenya General Julius Karangi ayaa sheegay in shaki lagaliyay howgalka Kenya ay ka wado Soomaaliya iyo in guul daro ay kala kulmi karaan.

Wuxuu yiri “Waxan gudaha u galnay Soomaaliya iyadoo uu bilow yahay roobka, sidaas oo ay tahay haddana dhul ayaan qabsanay ilaa dhammaadkii bishii October sannadkii hore, ,”

“Waxan dagaalameynay markasta ilaa ugu dambeyn aan qabsanay Kismaayo bishii September 20,” ayuu sii raaciyay.

Gen Karangi ayaa sheegay ciidanka Kenya in ay eryadeen Al-Shabaab gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay afduubteyn shaqaale gargaar, dalxiisayaal iyo saraakiil dowlad sida uu hadalka u dhigay.

“Dhaqaalaheena waxa uu noqday mid halis ah, kaddib markii loo hanjabay, Kenya waxa ay dalbatay caawinaad,” ayuu yiri .

Wasiirka ammaanka Kenya George Saitoti. Ayaa yiri  ”Dhulkeena waxa la soo darsay cabsi Qatar xooggan, mana rabno in sidaas ay wax u dhacaan,”

Warbaahinta dalka Kenya sida TV-yada, Idaacadaha iyo Jaraa’idka ayaa maanta si weyn uga hadlaayay hal sano guuradii ka soo wareegtay markii ciidanka Kenya ay galeen Soomaaliya.

Kenya mudadii sannadka ahayd ee ciidankeedu uu ku jiray Soomaaliya waxa ay lee dahay 22-askari iyo duyuurad ayaa ku weynay.

Ciidanka Kenya oo ay wehliyaan kuwa Soomaalida waxa ay hadda maamulaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo ahayd  meel ay ku xooganeed Al-Shabaab.

Major Emmanuel Chirchir ayaa wargeyska Nation u sheegay in dadka ku dhaqan Kismaayo ay si fiican u soo dhaweeyeen ciidanka Kenya iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ee ku hawlgala magaca AMISOM ayaa xasuuq ka geysten gudaha dalka Soomaaliya tan iyo intii ay gudaha ay u soo galeen Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya, tacadiyada qaarkood waa ay qirteen.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

3 Responses for “Kenya Oo U Dabaal Dageysa Sannad Guuradii Koobaad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Ay Gashay Soomaaliya”

  1. [...] Continue Reading: Kenya Oo U Dabaal Dageysa Sannad Guuradii Koobaad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Ay Gashay Soomaaliya [...]

  2. Atoore23 says:

    Waa wax laga xumaado in ay Kenya u dabaaldegto maalin ay soomaaliya galeen ciidamadeedu.
    Arintaasna waxaa sababteeda iska leh maamulkii M.S.Bare iyo Mooryaantii wadanka BOOBTAY.Waxaa la yaabanahay in aysan soomaalidu ka hadlin sababihii keenay bur-burki ku yimid soomaali-weeyn.Sababuhu way badan yahiin balse an ka sheego saddexda ugu daran.

    1.Waxaa la dayacay Diintii Ilaahay (swt) oo waxaa lagu badalay (macsi iyo xaaraam).Maalintii la dilayey WADAADADII yiri waa dambiweeyn in wax laga badalo Diinta Islaamka dadbaa ku faraxsanaa dilkooda
    Qofkaan wax soo xadin ama soo dhacin waxuu ahaa waagaas nacas ama doqon an shaqeeysan karin.Macnaha waxaa la xalaashaday Xaaraam oo dhan.Waa maamulkii M.S.Bare.Hase ahaatee wali waxaa jirey magac dawlad iyo calan taagan.

    2.Mooryaan baa timid oo waxkastaba DIIRATAY ama LEEFTAY.Ficilkii Mooryaantuna waa kan wali ka shaqeeya koonfurta soomaaliya.Soomaaliya oo dhanna way gaarsiiyeen tababarkoodii Mooryaanimada.Laakiin gobalada qaarkood wuu ka shaqeey waayey.

    3.Kan saddexaad illaa ay soomaali wada gartaa dambiyadii horay loo galay oo ay Rabbigood (swt)dambi dhaaf wada warsadaan (weydiistaan) ka biximahayaan dhibta ka bixi la koonfurta soomaaliya.Sababtoo ah dadkii galay dambiyadaas baaba wali la soo taagan (oo maxaan dhimay ama suubiyey?Waxaana dhicikarta kan saas leh in uu ku jiro Guri uu dhacay (xoogay).Caruurtiisuna ay ku soo wada koreen CUNO Xaaraam ah.UGu dmbeyn kuwa ay maanta Muqdisho ka dagi la dahay waxay u badan yahiin kuwii ku soo koray XAARAAMTA.

  3. asad yare says:

    nin buka boqol u talisay waa tan somali haysata yaa is lahaa adoonta kenya ayaa Somalia haweysanaysa markaan.dowlad jirta ahayn? ?
    waxyaale layaab leh baa dhacaya kenya oo ku faanaysa in ay somali amar la’aan iyo xoog ku gashay iyadoo geysatay xasuuqyo la mid ah midka ay gaysteen Amisom,itobiya iyo alshabab
    waxaa kaaga sii daran nin ku faanaya xasuuqaas iyo xadgudubkaas ee leh xuduud iyo sharaf baan difaacanaynaa waa nin Somali ah yusuf xaji oo la ogyahay gonolkiisu heerka iyo dibu dhaca iyo dulmiga meesha uu Kenya ka joogo maxay tahay sharafta uu Kenya ka dhacsan waayey ee Kismaayo taalla
    Ugu dambayn @ ATOORE
    atoorow sxb way iska muuqataa in aadsn.magac somaliyed ku hadlin ee aad maskax iyo maan qabyaaladaysan ku hadlaysid midda aad tidhi wadaado ayaa la laayey waa run arrin qaldan Allah cadhadiisa sababaysa ayey ahayd laakiin.ogow shuuciyadu wadamada Islaamka badankooda markaas iyadaa haysatay oo dadka Diinta lagu tuhmayo laynaysay Sida Iraq (sadam xusen)Libya (Qadafi)Yemen, Masar(jamal abdinaasir, markaas arinkaasi wadamada Islaamka oo dhan buu haystay oo wadaadada lagu leynayey ee ma ahayn wax somaliya ku gaar ah midda aad leedahay Somali baa raali ka ahayd been iyo xumaan aad somali oo dhan dusha ka saarayso weeye raalina kama ahayn ee waxay ahaayeen ummad xoog lagu hayo oo seefta ka baqaya
    ugu dambayn dowladii kacaanku iyadoo saas u xumayd hadana waxay ahayd sharafta keli ah.ee Somali lahayd hadda maanta joogi lahaydna Adoontan xun iyo kuwa la midka ah in ay somaliya soo haweeystaan iska dhaafe xitaa kumay riyoodeen Afrikankuna wayba isku habaari jireen duufaantii somalidu ku martay iyagoo ka wada haybada iyo awooda xooga dalka somaliyeed ee quwadii africa ee itoobiya casharka u dhigay
    ugu dambayn ma rabo in aan kaaga jawaabo weerarka qabyaaladed ee aad qabiilada somaliyed qaarkod ku qaaday anoo weliba ah dadka ay reerohoodu ku doodaan in guryo iyo hanti laga haysto laakiin ogoow sxb ogoow in uusan jirib qabiil somaliyed oo qabiil kale o somaliyeed ka sharaf badan oo ugu faani kara aqoon dhaqaale iyo dhibaato la’aan thanks….

Leave a Reply