Kismaayo: Dukaamo Ganacsi oo Xalay La Dhacay Gudaha Magaalada Iyo Sarkaal Ka Hadlay
Kismaayo (RBC) Sida ay xaqiijinayaan dad ku sugan magaalada Kismaayo, rag hubeysan oo sita dharka ciidamada ayaa xalay dhac baahsan ka geystay goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Kismaayo.
Dhaca ayaa la sheegayaa in loo geystay labo dukaan oo isugu jira kuwa dharka lagu iibiyo kuwa raashiinka oo ku yaalla xaafada Calanley suuq yaraha ku yaalla halka loo yaqaano “Dalcada” halkaasoo rag hubeysan ay xilli saq barkii xalay ay u dheceen kadibna ka qaateen wixii agab ahaa ee yiilay.
Mid ka mid ah dadka degan xaafada ayaa Raxanreeb saaka u sheegay in dukaamada loo dhacay ay ku jirto Carwo dharka lagu iibiyo oo lagu magacaaabo “Carwo Arlaadi” taasoo si baahsan loo boobay lagana qaatay dhar, kabo, lacago caddaan ah iyo telefoono.
Sidoo kale dukaan raashiinka jumlada iibin jiray ayey ka qaateen ragga hubeysan lacago fara badan oo aan cadadkooda la sheegin.
Sarkaal ka hadlay
Gen Ismaaciil Saxardiid oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dawlada ee ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in warkaasi uu maqlay isla markaana uu aad uga xumaaday.
Wuxuu Gen Ismaaciil Saxardiid sheegay in magaalada Kismaayo aysan gacanta ku heyn hal dhinac oo ay wada joogaan, siduu yiri ciidamo kala duwan ayna suurtagal tahay in dadka rayidka ladhibaateeyo, hantidoodana la boobo haddii aysan dawlada deg deg u soo faragelin xaalada Kismaayo.
Falalka dhaca ayaa beryahan ku soo badanayey magaalada Kismaayo iyadoo labo habeen ka hor rag hubeysan ay u dheceen xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada.
Dhanka kale warar saaka naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in xalay kulan adag oo amaanka ku saabsanaa uu dhexmaray saraakiisha ciidamada dawlada, kuwa Maleeshiyada Raskambooni iyo saraakiisha Kenya. Kulankaasi oo ka dhacay gudaha dekeda Magaalada Kismaayo ayaa si weyn looga hadlay xaalada amaan ee Kismaayo inkastoo aan la ogeyn waxa ka soo baxay.
RBC Radio












force miyaa dhacay kkkkkk walaahay waa yaab gaajaysan baa noo yimi war ragu waa tolkee wax hala siiyo oo hala fariiisiyo intaysan idin dhicin inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.