Kooxda Soomaaliya Oo Laga Reebay Ciyaaraha Bariga Iyo Bartamaha Afica CAF


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Xiriirka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Africa ee loo soo gaabiyo CAF, ayaa ka reebay tartanka 17-jirada kooxda Soomaaliya, kaddib markii lagu helay dhaqan aan ku fiicneyn ciyaaraha.

Waxa socday baaritaan tan iyo markii kooxda Soomaaliya ay ka badisay dhigooda dalka Sudan bishii la soo dhaafay ciyaar ka tirsan isreeb-reebka koobka Confederation of African Football.

Guddiga isuduwida CAF  ayaa codsi u diray xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ee FA-da, kaasoo ku saabsanaa in baaritaan lagu sameeyo da’da ciyaartoyda ka qeybgashay kulankaas, maadama la sheegay ciyaartoydii ka qeybgashay kulankaas ay ka da’weynaayeen 17-sano.

Si kastaba, codsigaas wax jawaab ah kama keenin xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, sidaasna Guddiga CAF wuxuu shaaciyay in laga reebay kooxda Soomaaliya tartanka  Caf.

Waxa loo ogolaaday kooxda Sudan in ay ka sii qeybgasho ciyaaraha kale.

Sudan waxa ay is arkindoonaan kooxda Algeria, lugta koobaad ayaa waxa ay ka dhici doontaa 19, 20, 21 bisha October 2012 , halka lugta labaad ay dhici doonto 2, 3, 4 November 2012.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

6 Responses for “Kooxda Soomaaliya Oo Laga Reebay Ciyaaraha Bariga Iyo Bartamaha Afica CAF”

  1. [...] See more here: Kooxda Soomaaliya Oo Laga Reebay Ciyaaraha Bariga Iyo Bartamaha Afica CAF [...]

  2. nin waalan says:

    Sheekadaan waxaa faafiyey soomaali oo yiri somali team waa ay ka waa waynaayeen 17 jir.

    Suudaanta ayaaba u e keyd niman 30 meeyadii ku jira. Afrika oo dhan ciyaaraha youthka dad waa wayn ayaa uga qeyb gala. Waxa aan maqlay in soomaali qurbo joog ah ay u gudbiyeen cabashadaas iyagoo ka xun in qaar ka mid ah wadankoodu guuleysto

  3. aboy@_+161 says:

    taas waa dulmi cad oo lagula kacay qarankeena waa sax way jiraan laba laacib oo 2009 horay u ciyaray tartankan oo kale lkn guusha waxa gaaray under 17yrs runtii. Oo qaramada kaleba waxa u ciyarayey rag 20yrs kor u dhafay. Sababtu waxay tahay dawladena oo danba kalahayn sportiga. Waayo wax cilaajayn ah masamay, sorry walahi wiilasha da’da yara ee gesiyasga aha in laniyad jebiyo.

  4. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

  5. qabiil haku feera jabin says:

    Ku Wadani Xalaal ah

    wax waalan kkkkkkkkkkk waa kufaraxsanahay Reysalwasaaraha kulahaa waraa meesha ciyaaro ayaa laga hadalayaa ee orod xabsiga dhimirka tag inaa waalatay ku wargali halagu daaweeyee kkkkkkkkkkkk Puntland iyo waxaa la wareegeeyso meelahaas la’aad Dowlad somaliyeed ayaa noo dhisan Maamul goboleed labaryaayo malahan waa la wada afuufayaa. adiga lee cidaada haku xir xirtaan waa walatay mowduc ciyaaro ka hadlaayo siyaad la imaanaysaa kkkkkk war kan hala xir xiro

  6. muraad Bari says:

    kk war awalba waxa wada ciyaarayey (khartoum state Vs Banadir state) kkk

Leave a Reply