Kulan Looga Hadlayay Amaanka Magaalada Kismaayo Oo Ka Dhacay Magaaladaasi
Muqdisho (RBC Radio) Kulan looga hadlayay Sugida amaanka magaaalada Kismaaayo ee Xarunta gbolka Jubadda Hoose ayaa xalay waxaa Kismaayo ku Yeeshay Saraaakiisha ciidamada dowladda kuwa Raas kambooni iyo kuwa Kenya ee AMISOM qaybta ka ah.
Wararka ayaa sheegaya in si aad ah looga hadlay sidii loo sugi lahaa maanka magaaladaasi xeebta ah oo horay looga saaray kooxda Al-Shabaab oo mudo dheer maamulayay.
Generaal Saxardiid oo ka mid ahaa saraakiishii ka qaybgashay kulankaan ayaa waxaa uu sheegay in Amaanka Sidii loo sugi lahaa ay ka wada hadleen saraaakiisha Xalay Kulanka Yeelatay ayna Go.aaan ka gaareen arintaasi.
Magaalada Kismaayo ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ka dib markii ay ka saareen Al-Shabaab.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa gobalada Jubooyinka waxaa ka dhacay qaraxyo iyo waliba falal kale oo ka soo horjeeda amaanka magaalada isla markaana lala xariirinayo in ay ka danbeeyaan Al-Shabaab.
RBC Radio
xafiiska wararka Muqdisho













very well done ….waa loo baahna in magala xeebeedkaa la xasiliyo
Shaqada barbaa haray. Horu usocda ilaa aad ka gaartaan. Ciidadaa oo XOR ah calan kaaga oo sareeya cududaada oo muuqata iyo codkaaga oo aad dhiibatid. Guul
Ammaanku 95% wuu hagaagsanyahay magaalada Kismaayo shaqaduna ilaa iyo hada si fiican bay u socotaa.
Shalay waxaa magaalada ka dhacay ismari waa ku saabsan cida yeelanaysa saxiixa ugu dambeeya ee ay hawlaha dekedu ku kala soconayaan. Taliyaha Kenya iyo Axmed Madoobe waxay yiraahdeen magaca Raaskanbooni ha lagu saxiixo, Yaasiin Raadeerna wuxuu yiri lagu saxiixi maayo waxaan ka aheyn Maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada kismaayo waana inuu aniga noqdaa cida wax saxiixaysa maadaama aan matalayo Dawlada Soomaaliya. Is jiidjiid dheer kadib, waxay noqotay in la isku waafaqo taladii Yaasiin Nuur Gaas.
Dekeda Kismaayo hada way shaqo bilowday waxaana kusoo xirtay markab iyo doon ka yimid imaaraadka. Ogolaanshaha wixii dekada soo galaya ama ka baxaya waxaa ka masuul ah Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) oo ah gudoomiye ku xigeenka Maamulka ku meelgaarka ah ee magaalada ganacsiga Jubaland.
Gudoomiyaha ku meelgaarka ah ee Axmed Madoobe wuxuu dhawaan u safrayaa Nairobi si uu xil oga raadsado maamulka Jubaland ee bisha Disembar la soo gabogabeyn doono kana dhici doona labada magaalo Kismaayo iyo Doolow midood. Maamulkaan ku meel gaarka ah waxaa sii wadi doona gudoomiye ku xigeenka Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas oo isaga qudhiisu u hanqal taagaya inuu xubin muhiim ah ka noqdo maamulka Jubaland.
Sida ay tilmaamayaan warar kasoo baxaya shirka ka socda Nairobi, hadii muwaadin reer Baardheere ah uu noqdo madaxweynaha dawlad goboleedka Jubaland, ma dhici doonto in gobolka Jubada hoose gudoomiye looga dhigo shaqsi dhalasho ahaan Baardheere kasoo jeeda. Hadiise uu muwaadin Bu’aale kasoo jeeda uu noqdo Madaxweynaha Jubaland, ma dhici doonto in Jubada Hoose gudoomiye looga dhigo shaqsi dhalasho ahaan kasoo jeeda Bu’aale.
Job welldone Yaasiin, waxaan KMG aheyn oo ka shaqeynayaa Kismayo ma jiro, Somalia waxay leedahay dowlad wixii ay arrimiso ayunbaa dhaxalgal noqon kara, wax meel kale lagu soo dhodhoobay ma shaqeynayaan.