Kulan Uu Maanta Uu Yeelan Lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, R/Wasaaraha Cusub Uu ku Hortagi Lahaa Oo Baaqday


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Kulan la filayay in mudanayaasha Baarlamanka Federalka Soomaaliya ay maanta yeeshaan ayaa la sheegay in uu dib u dhacay.

Kulanka manta ayaa waxaa lagu balansanaa in Raysal wasaaraha uu ku hor imaado baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida ah xildhibaanadu ay u siiyaan ama ay u ugu diidaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in maanta lagu balansanaa in uu dhaco kulankaasi laakiin uu dib u dhac uu ku yimid.

Wuxuu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu kulankaan baajiyay sababo farsamo awgeed isla markaana maalmaha dhow lagu wado in kulankaasi ay isugu yimaadeen xildhibaanada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan soo magacaabay Raysal wasaare ka dib mudo ku dhow hal bil oo laga sugayay in uu ku soo magacaabo.

Raysal wasaare Saacid ayaa balan qaaday hadii baarlamaanka uu ka helo codka kalsoonid ah, in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo wax ka qabata amaanka wadanka.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Kulan Uu Maanta Uu Yeelan Lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, R/Wasaaraha Cusub Uu ku Hortagi Lahaa Oo Baaqday”

  1. [...] Read More: Kulan Uu Maanta Uu Yeelan Lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, R/Wasaaraha Cusub Uu ku Hortagi Lahaa Oo Ba… [...]

  2. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

  3. [...] markii ugu horaysay Raysal wasaaraha iyo golihiisa wasiirada oo isku duuban la horgeeyo baarlamaanka tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee [...]

  4. [...] Toddobaadkii hore ayaa waxaa baaqday kulan baarlamaanku yeelan lahaa oo qorshuhu ahaa in wasiirka koowaad Cabdi Faarax Saacid oo uu bishan 6-deedii uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo qeybgalo. [AKHRI BAAQASHADA KULANKII HORE] [...]

Leave a Reply