Loolankii Xilka R/Wasaaraha Soomaaliya oo Soo Gabagaboobay (Xog)
Garoowe (RBC Radio): Waxaa 48 saac ee ugu danbeysay magaaladda Muqdisho hareeyey loolamo iyo jawiyo dareeno sare wata oo kacsan, kuwaas oo dhex yaal Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin loolan adeg ugu jira sidii uu qof walbaa u heli lahaa Booska ama Xubinta Hogaaminta Xukuumada JDFS (Ra´isal-wasaare ama Wasiirka-kowaad), xaalkuna waxaa uu marayaa “ Falaartii Cir loo tuuray ee nin walbaa filayey “.
Haddaba Warbaahinta RBC ayaa Xog ka heshay ilo lagu kalsoon yahay xaaladihii isbedelka badnaa ee dhacayey 48 Saacii ugu danbeeyey sida ay wax u dhacayeen iyo dariiqyada la qaatey !
Waxaa isu sharaxay ama Arjiyada inay xilkaas qaban karaan u gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha JDFS mudane Prof. Xassan Sheekh Maxamud musharixiin gaaraya 57 mudane, ayadoo hore uu musharax kastaa u soo maray wadadii ugu fiicneyd ee uu ku heli lahaa Xubinta Ra´isal-wasaaranimo. Intaas ka dib Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud wuxuu go´aansadey inuu la kulmo oo uu ka qaato 10 musharax (Short List).
Habeenkii Arbacada ahayd (Oktoober 3 2012) wuxuu la kulmey 6-da musharaxiin ah.
Sidoo Kale Habeeimadii Khamiistii Taariikhduna ku Beegneyd 04 2012 ayuu Madaxweyn Xassan la Kulmay 4 Musharax oo kala ahaa.
1- Xildhibaan Cabdulkadir Cabdi Xaashi oo horey wasiir uga ahaa Dawlada Puntland isla mar ahaantaasna heer sare gaarsiiyey Dowlada Puntland Xiriirkeeda Dibada. Dr Xaashi waxa uu kaloo Macallin kasoo noqday jaamacado kala duwan oo ay kamid tahay University of West Virginia ee kutaal dalkaas Mareykanka.
2- Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Ganacsade degan Kenya.
3- Maxamed Jaamac Xaamud Aqoonyahan degan Minnesota USA & Vice President PDF
4- Xildhibaan Siciid Cabdulaahi Danni Ganacsade ka shaqeysta Dalka Cumaan iyo Puntland ahna Aasaasihii Xarakadda Al islaax ee Dhulka Puntland maanta ay hoos yimaadaan Iskuulo iyo Dugsiyo aad u badan oo uu ka hirgeliyey dhulka Puntland.
Haddaba Ayadoo uu gabaabsi yahay waqtigii uu Madaxweynaha Jamhuuriyda Dimoqoraadiga Federalka Soomaaliyeed Mudane Prof. Xassan Sheekh Maxamud uu ku soo magacaabi lahaa Ra´iisul-wasaare hogaamiya Xukuumada JFDS, taasoo waqtigii loo qabtey uu ahaa muddo 30 maalmood gudahood ka dib doorashadii Madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamud oo ahayd September 10, 2012 ayaa waxay ku eg tahay Oktober 9,2012 sida uu sharcigu qorayo.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa RBC u xaqiijiyey inuu go´aan qaatey Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud asagoo xubnahaas ka sii reebtey 2 Xubnood maantana uu la baxay xubintii buuxin lahayd Hogaaminta Xukuumadda JDFS, sida wararka sheegayaan waxa uu ku dhawaaqi doona maalinta Sabtida Oktoober 6 2012.
Dhanka kale Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud ayaa maalinta Isniinta Oktoober 8 2012 u dhoofi doona dalka Uganda,taasoo marna aanu ka tegi karin isaga oo magacaaba Ra´isal-wasaare ma ahane, Madaxweynuhu halkaas wuxuu kaga qayb geli doono 50 guuradii xoriyadda dalka Uganda, kaas oo noqon doona safarkii ugu horeeyey ee Madaxweyne Xassan Skeekh uu ku baxo.
RBC Radio
Garoowe Soomaaliya













Raisalwasareha. Waa qiimadhacay. Nin loo magacaababa qiimo maleh waxuu noqdaa baarixi oo waatii layiri. Ciyawgii Waa kabariyay ninkii cunaybaa kaliita xasanaw dadkii kugu daal ee abootekutubey u magacaw, ninka la dooranayo ma Ogin laakiin sida Aad u maamushay Aanba ku mucaariday.
Reeer garoowe walaal yaal cuqdad iska dhafa sanadkaan kursiga waxaa iska leh waxaan ku fadhiisanaa nin koofurta ka soo jeedo si lidiinku taliyo waayo qabweyni intaad ka qabtiin waxa waliba waxaad afka la soo taageysiin nalagama tashan iskama war heysiin insha alaah madaxweynaha waxaa soo magacaaba nin reer Gado ah wareerka isk dhafa ee dalka dib u dhiskiisa wax ka qabta kalikiin waad u jeedane wax waad qabsan la dihiin aan waxa wada qabsanee by:run sheeg muwdin somaliyed…..
Waxaan u gartey labana Nin ee midna u sreeyo midna uhoo seeyo ayuu waa arin wanaagsan ee soo dhawaada
Who cares the pm ,waa .
[...] More: Loolankii Xilka R/Wasaaraha Soomaaliya oo Soo Gabagaboobay (Xog) [...]
Marka hore madaxweynuhu waxaa ka muuqata in uu yahay nin aan qaadan karin go,aan adag , waxaana anigu uu iila muuqdaa in uu yahay nin markasta dhegaha wax loogu shubi karo, waxaase ka daran markuu tegey Baydhabo ee uu yiri waxaan u imid in aan idinkala tashado ra,iisulwasaaraha aan soo magacaabayo, runtii waa ihaano aan geedna loogu soo gaban, isku soo wada duub , anigu jagadaas hadii uu waayo abdiweli waxaan kula talin lahaa in uu u magacaabo Abdulqaadir abdi hashi, waa muwaadin reer puntland ah wax badana ku soo kordhiyey puntland istaahilana runtii,
Somalidu wax masugto! Madaxweynaha waxaa kamuqata taxadar dheeraad ah madama shaqada raisul warsaruhu tahay shaqo aad uweyn.
Waxaa kaloo meesha ku jira istiraatijiyad ah sidii uusan madaxweynuhu udhumin kalsoonida shacabka uu matalo.
Waxaan rajaynayaa inuu magacaabi doono nin soomaali xalaal ah, leh garasho iyo aqoon, Iskuna soo dhawayn kara bulshada somaliyed kuna shaqayn nin jeclaysi iyo qabyaalad una siman ummada
hadaan nahay shacabka reer puntland waxan ka codsanaynaa mudane madaxwayne c.raxman shekh maxanud faroole in uu jwb uqalanta mida odayaasha ama jamhada U.S.C uu biri ku dhawaaqo taas oo ah in puntland ay ka go.day somalia anagaa kugu taageersan waa dad lasoo dirsadaye
Acww, Haddii xilkaas loo magacaabo Abdulkadir A. Hashi, waxaan qabaa inuu yahay nin hawshaas kasoo bixi kara, bulshadana sumcad ku leh.
Abdulkadir wuxuu isu keeni karaa oo isku xiri karaa Dawlada dhexe ee Muqdisho iyo Mamul goboledka Puntland. wuxuu wanaajin karaa xirriirka dawlada iyo caalamka.
Abdulkadir waa shaqsi dagan oo kafiirsaho badan sameeya aan ahayn seef labood.
Abdulkadir kamid maaha kooxaha diimeedyada Somaliya, kamana mid maaha ganacsatada ku naaxay xoolihii dadka danyarta ah.
Intuu katirsanaa maamulka Puntland waxaa lagu xasuustaa maamul wanaaga iyo shaqadiisa oo uu si fiican u gutay, ma aha shaqsi isku daya inuu ku dhawaado shaqsiga haya xilka madaxwaynaha, mana aha nin ka horyimaada madaxwaynaha macna la’aan.
Aragtidayda maanta isagaa ugu haboon hawshaas ee haloo doorto.
Sheekada Madaxweynaha waa “Nin dooran xow noo yiri dooro noo yiri” From Day One Saacid ayuu wadey 26 cisho maaweelo iyo Shaqada yaan lagula qeybsado ayuu dadka ku wadey. haddase runtii ayaa timid waqtgiii waxa ka harey 32 saac. haddii kale Xasan Sheekh Culusow waa laguu yaabaa.
Abduqadir abdi hashi baa jagadaa xaq iyo xaqdaraba eskale ,sababtoo ah
waa nin aqoonyahan ah
puntlander ah
waxmuuqda soo qabtay
khibro dowladnimo oo ku filan leh,madama madaxwaynuhu khibrad dowlo malaha haduu keeno mid lamid
ah waaaa jugjugjug meeshaada joog….cabdiwali gaasna dhib maleh hadii la keeno.lakiin madaxwayne iyo gudoomiye barlamaaaan iyo raesulwasaare gobolada burburay ha lasiiyo waaaa xaqdaro..yelinamayno.
marka hore wan idin salamay marka xigta waxan u jawabaya ninkan cida usan ahayn magaceda soqatay garowena wax kashegaya sxb rer garowe cuqdad maqaban cid cadkoda u didi kartana majirto haday wayan raisal wasare iyo hadayn helan midna u joji mayan lakin adigu maxad qaban karta hadad tahay rer gadod tisa daryela tukale daryela adaba 2 burod dhexdod gajo kugu dishay somali maxad tari karta
Aniga shakhsi ahaan waxay ila tahay in Ninka Madaxweynaha sheeganaya uu ka badbadiyay Arinta ah “La tashi baan sameynayaa”. Habar Kuuleey iyo Habar-iisho walba inuu weydiiyo waa khalad iyo jileecnimo iyo waliba Go’aan adag qaadasho la’aan.
Hadii uu rabo dawlad sax ah oo si hufan u shaqeysa, isbedel deg deg ahna muujin karta,.waa inuu u doortaa Dr. Abdiqadir Hashi Raisul-Wasaare. Laakiin Hadii Madaxweynaha isku kalsooneyn, kana baqaya awood laga fara-maroojoyo ha ka dhigto nin Ganacsade ah AMA isku Damjadiid wada yihiin AMA jamjadiid iyo waxay isku baxshaanba.
ninka mucaaridka ku ah puntland wxn u sheegayaa puntland wa dowlad buuxdo awoodna u leh wax kasto ineey lugta ku dhufato sidaad boorsamiindoyin badan aad isoo aragtay Marka hore adiga is xali kadib dadka lahadal kursigaan waxa iskaleh nin reer puntland ah wana
Dr. Cabdulkadir CabdiXaashi isagaa beri loo caleema sarayaa pm nin puntland cuqdi u qaba ha u dhinto puntland wa tii shalay so bandhigtay cudud ciidan iyo diyaarado
Wixii cuqdadopbayo ha udhinteen ee halamagacaabo shaqsi wadanka hogaamiyo oo aan ahayn puntalnd kkkklaxaayeelay somalida kale waa dad is ogol iyaguse cuqdad bay qabaan hungiri xumana way qabaan oo bada ayay kenyo u ogolaadeen taasna waa waxa ay u qaylinayso kenyo laakiin wadanku wuu kabaxay kumeel gaar ee ha ogaadeen
kk maxame jamac hamud lol kas hadi u dorto kkk madaxweynaha waba doogon
Uma eka madaxwaynuhu ninkii aan filaynay jileec ayaan kadareemayaahn
Sidoo kale adkaysi. Badan kama muuqato
Waxaana kabaqayaah in rabitaanka dadka soomaaliyeed ka leexday
It does not really matter.
Xassan jilicw xassan miskiinoow, xassan garguurte Raiisulwasaaraha haadaad u garato gaas waad guulaysanaysaa hadii kale wiilka faroole hadad magacawwdo waad guuldaraysanayssaa
Please don’t tell me the President spent all this time just to appoint his Advisors husband Saacid. Anyone but him!
KII KHAYR KU JIRO ALLAHA KU BEEGO MADAX WAYNAHA
Rabiyow kadhig midka lamaga caabi doono mid dadka dalka iyo diintaba anfaca somaliyana u horseeda wanaag iyo hormar
war kii lawayaa cakaaruu imanayaaa waxii lamagacamo waan sugidoonsaa
Asalaami Caleeykum Waraxma tulaahi Wabarakaatuhu,Salaan kadib waxaan layaabay Sooxulida R/wasaaraha dhib badanaa. Saan u sugeeynay waaba noognee, waxaan leeyahay Madaxweeynaha, in taad iska dhaafto fakarka badan oo ay qabiilooyinka hunguriga weeyn kuwareerinaayaan kursiga beel kaliya lama dhalan ee in taad ka dhax bixiso Daaroodkaan fadlan wixii dhacaaya ha dhacee u dhiib Beesha Gabooye, yaa ka mutacalimsan, kadiin badan oo ka wax tarbadan,dowladaan lagu soo dhisaayo qabiil,oo qabiilooyinka qaarna aan loo ogoleeyn in ay xataa wasiiro noqdaan, seey dowlad ku noqoneysaa waa layaabee,Majeer teenka waxay Moodeen in ay ayaga dhaxal u heleen Madax weeyne ama R/wasaare, Hawiyahana waxay iska dhaa dhiciyeen hadii nin Hawiye ay uuna Madax weeyne noqon in aan wax soconaaya laheeyn.waxay ugu ordaayaan in ay R/wasaare noqdaan waa xin ay qabaan iyo in ay awood ku maquuniyaan Deegaanada Jubooyinka oo ay ku aaqiro iyo aduunba seegeen sideey Kismaayo mar uun uqabsanlahaayeen,neey dhistaan Gedo, may dhistaan C/bud waaq waa taas sidii dabada looga riixaayay laga qaatay Gal gaduud oodhan.
ANTI PUNTLAND kkkkkkk adoo kale looma jawaabo fikirkaaga adaa xor u ah laakiin waxay somali ilowdey inay dowladan ay tahay tii lagu gaarayey dowlad qaran iyada laf ahaanteedu ay ku dhisan tahay habkii dulmanaa ee 4.5 puntlandna ay tahay qowmiyad balaaran oo miisan iyo culayskeeda leh ,dedaal weyna u so gashay sidii looga biixi lahaa kumeel gaarnimada ,iyo dhamaystirka dastuurka qaranka ,lakin abaalgud looga dhigay in la yiraahdo raysalwasaare reer puntland ah yaana laa dooran taas oo ay la taliyayaal ka yihiin odayasha beelaha isku sheega ee waxmagaratada ah ,iyo ganacsato 21 sano ee bur burka wadanka isbaaro ku haystay ,oo aan doonayn inay dowlad somaliyeed meshaa ka dhalato iyagoo eegaya danahooda ,marka waxan filayaa inay dadka iyo maamulka puntland ay ka tashan doonaan aayahooda ,kana tashan doonaan umadan ay dilootay qabiilka cuqdada iyo wax u quurid la,aanta .
hadduu nin Islaax ah keeno ogaada dowladaasi ma socondoonto oarlamaankuna wuu diidi doonaa Insha allah waayo somali ma rabto nin dano qabiil iyo mid urur u adeegaya ee waxay rabtaa shakhsi somalinimo ku weyntahay oo wax kasta ka hormarinaya bal muxu ku diidayaa in ui magaacaabo farmaajo oo shacabka badankiisu taageersanyahay iyo weliba murashaxiintii madaxweynanimo badankoodu
runtii Xasan sheekh nin go’aan leh maaha mana aha sidii la moodayey iyo si u dhow toona waxaa kun jeer ka active san shariif.sheekh
a.s.m dhamaan ikhyaarta,
waxaan rabaa inaan hal iray dhaho ninka iyo naag waxuu yahay ma aqane la baxay anti.puntland walall cuqdad iyo qabyaladba adigay ku haysaa waayo meshaan cidkaga hadashay puntland ma arko ee isdaji reer Gado iyo reer Garowe labaduba xaq ayey u leeyihiin in la magacabo qofkii illahay calaf igu daro baana illahay marka reer hebal baala iyo gobal hebal baa lasiinayaa midna ka jirayso qof walba waaa inuu raadsadaa oooo Darood ah
Ader Ka Tashanay Dawladan Fadhiidka Ah Puntland Hada Uma Bahna Raisal Wasare Jaantayna Anagu waan La Ogaynaa Waana Ku Filanahay Waayo Somali Wax wadaaagi Kartaaye Ma jirto Sida Somaliland In Gooni Laga Ahaato Xalkale Ma Lahan
ASC, war ha la dulqaato, talo la badiyo dhiba ma keento. Illaahna aan barino inuu madaxweynuhu magacaabo shaqsi karti, aqoon iyo dadnimo leh. Soomaaliya oo dhan baa danaynaysa qofka la magacaabayo, reer hebel, gobol hebel kaliya maahan. KAFTAN: madaxweyne INA GURGUUTE waa soo socdaa waxna waa sidaaye yaan la sal fududaan!, wsc
Viva Dr. Saacid garaad baan u rajeynayaa xilga pm.
asc wr wr waxaan salamaya mamulka iyo bahda ku xiran raxanreeb bacda salan walaal waxaanraba inaan idiin shego 3 arimood oo an laggu soo doraneyn nin kasoo jeda rer punland, rer puntland waxaa loo sameyay wax an somalida inteda kale loo sameyn hora loo yiri tuke cano nasiib u ku cabo wuu leyahay lkn nasiib uku calfado malahan rer puntland 1 waxeey horay uyirahdeen nin an aheyn hadii R/wasare laga dhigo ma yeleyno waloo yelay oo inta farmajo la badalay ba gaas laga dhigay sasooy tahay dowladii mucaradad bey la daba jogeen 2 waxeey yiraheen garoowe shirka halagu qabto ayagoo casimada la tartamaya walo yelay weyna ksii daeen oo aflagadooyinii ka dhacay wad ogeydeen 3 waxeey dhaheen faroole iyo gaas hasoo magacabeen xubnaha xildhibanad a uga qeyb galaya iyo qeybka mid ah oo sado cale ka mid tahay walo yelay sasooy tahay kuma eysan qancin ee waxeey sii wadeen mucaradadii ey dowlada ku hayen intaas oo aimood ma jirto koox ama qabil somali ka mid ah ola siyay sidaas awadeen waxaa iska cad hadii R/wasaraha laga dhigo nin rer puntland ah inusan xilkaas somalinimo ugu shaqeyneyn ee qabylad iyo mucarad iyo wadadii somali ku gubatay dalka ku celinayo marka madaxweynaha wuuka baxan yahay in arintas oo dhan ey dhaceyso waxaa qasab ku ah madax weynaha inu iska fogeeyo nin kaso jeeda ama xiriir la leh
arintaas waa fikirkeyga garka ah anoon qabil ama koox cayeyn qofkii doodka qabana asoon caytamin fikirkiisa ha dhibto
mahad sanidin
waxaad moda inaysan Somalidu fahansanayn qiimaha uu leeyahay Ra’iisul wasaaruhu , Sideedaba deg dega nagu abuuran ayaa wax uu keenayaa inaan waxkasta si degdeg ah ku qiimeyno , waxaan hubaa in loo baahna wakhtiga inuu madax weynuhu qaato si uu u helo shaqsi wanaagsan oo u qalma xilka iyo badbaadinta ummadda Soomaliyeed , waa inaan ka weynaa qaabka qabiil ee aan u fikirayno , Deg deg siimo dowr ma dhasho , !!
TO ANTI- PUNTLAND.
BOOWE REER GEDO WA ILMA ADEERTAYA LAAKIIN ANAGAA MUDAN DHULBA MALEHE H XAGEE BUU XUKUMAAYAA NINKA REERGEDO LAAKIIN HADII LAMAGCAABO WAA SOO DHOWAYNANYAA TANKALE HA HILMAAMIN (MUKULAASHII HILIBKA GAARI WAYSAY OOTIRI UF ) PUNTLAND WAA GOBOLKA LUGU DAYDO SOOMALIYOO DHAN ADIGU WAXAAD RABTO DHEH UGU DAMAYN WAXAAN KULEEYAHAY KII LAMAGCAABO MEESHUU FARMAAJO MARAY BAA UDAMAYN HADA ISKA HADAL BOOWE
KU.Kan la baxay Anti Puntland.
War maxaad ka qaadi kartaa puntland iyo reer puntland miskiin yahoow.Reer puntland waxbay tari karaan dawladda dhexe ee reer Gedo maxay haystaan ayagiibaabe yaabane.Dhulkooduna waa kan maanta soomaaliya ugu liita.21 sano oo ay soomaaliya say rabaan ka yeeli jireen waxba kama qaban meelaha ay soomaaliya ka dagaan.Waxayna ku mashquulsan yahiin Kismayo oo meel kale uma muuqato.Bal u fiirso dhulkoodu biyo galin ma eh,school-o ma leh,Wadooyin ma leh,Dhismo fiican ma leh.Markii ay ka soo carareen Mooryaantii dabada lahayd ee ay soo gaareen Buulo Xaawo bay ogaadeen in ay ka soo carareen Odaygii Xidigaha ka simay.
KU.Garaaf Yuusuf.
Waxaad tahay ruux iska hantaacay oo an waxba kala aqoon.Waxaad tahay mid nafi ku jirto oo buka.Waxaad tahay wax waxuu rabo ka wareega.Cuqdada ad sheegtay reer puntland ma qabaan.Cuqdadna waxaa qaba kii sidaadoo kale laan gaab ah oo an isku kalsoonayn.War Puntland waa qaran soomaaliyeed adiga iyo cid kula miduna waxba kama qaadi karaan.Waxaad tiri reer puntland way isla weeyn yahiin waa runtaa oo adigu lama sinid reer puntland.Adigaana is ku qiray in aadan la sinayn dadkaas sharafta leh.Markaad reer Gaalkacyo dharka u mayri jirtay waad faanin jirtey.Ugu dambeyn ha moodin in aad meel fog gaartay.Wali sidaadii baa qoolkii kuugu xira yahay.
Puntland iyo hogaan xumida faroole maanta ayey soo bixi hadii R/wasaare loo magacaabo shaqsi aan ka soo jeedin Puntland sababtoo ah maamulka puntland ayaga ayaa u ololeeyey in isbedel ku dhaco hogaanka dowlada somaliya,waloow rabitaankoodii ahaa in iyagu hogaanka u qabtaan meesha ka baxday hadane aad ayey ugu farxeen markii madaxweyne shariif laga guuleeystay,waxeyna si indho la’aan ah u soo dhaweeyeen madaxweyne xasan shiikh maxamuud (wariir) dorashadiisii ka dib durba waxaa soo baxay kala shaki madaxweynaha iyo maamulka faroole hogaansho ee puntland,wuxuuna faroole ka baaqday xafladii caleema saarka madaxweynihiisa cusub,isku dhacaasi wuxuu ifiyey in madaxweynaha cusub uusan gasha ugu jurin maamulka puntland iyo faroole ee uu yahay shaqsi madax banaan keeni karana qabaa’ilada kale ee daarood sidaas darteed puntland iyo faroole ma waxaa u roonaay madaxweyne shariif oo 2 R/wasaare u magacaabay mise madaxweyne xasan shiikh maxamuud oo aanan dooneyn in uu qof ka soo jeeda puntland R/wasaare ka dhigo anigu waxaan qabaa cid walba oo ku shaqeysa maskaxda Faroole i jab uu u dambeeyo sababtoo ah faroole maaha ruux caqliga la deris ah waana tan keentay in maanta R/wasaare gaas daadku qaado,Madaxweyne Xasan guul baan u rajeeyey.
waxaan sugaynaa inshaa allaahu inuu Madaxwayne heenna PRF. Xasen soomaga caabo ninka soojeeda beesha SADE kaasoo ummadda si quman ugu adeega khayraadka dalkana ka difaaca waraabayaasha u sookala dhuh-laynaya waana arin ay caankujihiin difaaca dalka gaarahaan arihada laxiriira mustaqbalka iyo xuduudaha .Hunguri-Land(putlandn) waxaan wugu baaqayaa inay inta xishoodaan dadka dhinackaraacaan furasna siiyaan geedisocodka nabadda MAADABA AY MUDO KUSOO DANAYSTEN XILALKA SARE dalkiina kinya siiyeen.
waa Dott Saacid Mohamed Muse nin loo magacaabayo R/wasaraha waana lagu dhawaqi rabaa ninkaas oo ah nin aqoonyahan ah oo loomaleeyo inuu xilkaas qaban karo Dott Saacid waa nin ka soo dhex baxey ragga meesha looga maleenayo haddba waxaan leenahey madaxweynaha waad la heshey
Ilaahoow kii noo dadaalaa oo noo daryeelaa noo soo daadihi! Aniguse waxaan oran lahaa hala siiyo jagada Dr. Cqaadir cabdi Xaashi oo ka soo Jeeda beesha Leelkase!!!!!!
I Agree what Jamac said “Please don’t tell me the President spent all this time just to appoint his Advisors husband Saacid. Anyone but him!
It is gonna be very unfair if that happens. Waxaan oran lahaa Mr. President ka fiirso intaadan falin. Waa inaad doorataa ninka la isku wada raacsan yahay oo ah Dr. Cqaadir A. Hashi.