Ma Jiraan Dhallinyaro Soomaali Ah Oo Wali Ka Tagaya Mareykanka Isla Markaana Ku Biira Al- Shabaab?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Minneapolis (RBC Radio) Tan iyo sannadkii 2007-dii markaas oo dhallinyaro badan oo Soomaali ah ay ka soo tageeyn dalka Mareykanka gaar ahaan gobalka Soomaalida ay ugu badan yihiin ee Minnesota, kuwaasoo aaday Soomaaliya, ayaa wali waxa soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan dhallin yaro badan oo wali halkaas ka soo tagaya.

Hey’addaha u doodda xuquuqda Soomaalida ee dalka Mareykank ayaa sheegay inay jiraan dhallinyaro badan oo Soomaaliya oo ka soo tagay gobalka Minnesota , kuwaasoo soo aadaya dagaalka ka socda Soomaaliya.

Wargeys ka soo baxa magaalada Minneapolis ayaa toddobaadkan qoray sheeko ku saabsan in tiro dhallinayaro Soomaali Mareykanka ah sannadkii la soo dhaafay ay aadeen dalka Soomaaliiya,si ay uga barbar dagaallamaan kooxda al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiisha Soomaalida ee gobalkaas ayaa sheegay in dhallinyaro badan oo Soomaali ay ka tageyn Soomaaliya tan  iyo sanadkii 2009.

Waxa ugu dambeeyay dhallinta Soomaali Mareykanka ee ka soo tagay Minnesota  Cumar Faarax oo 21 sano jir kaasoo ku biiray Al-Shabaab.

Wiilkan ayaa la soo hadlay waalidkiisa isagoo ku sugan Soomaaliya.

Soomaalida Mareykanka ayaa sidoo kale sheegaya Cumar Faarax in uu dugsiga sare  dhammeestay, wuxuuna ku jiray sannadkii koowaad ee jaamacadda, isla markaana uu shaqo la’aan ay haysay.

Hey’adda FBI-da dalka Mareykanka iyo midda MI5 ee dalka Ingiriiska ayaa labadaba sheegay in tiro dhallin Soomaali ah ay ka tageyn dalalkaas kuwaasoo ku biiray Al-Shabaab.

Labada hey’addo ayaa xusay in qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ay ku dhinteyn dagaallo ama qaraxyo ka dhacay dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo hadda laga qabsaday magaaladii u dambeesay ee gacantooda ku jirtay ee Kismaayo, ayaa dhallinyaro badan oo ka soo tagay wadamada qurbaha ayaa ka barbar dagaalama.

Markii ay soo baxeyn wararka sheegaya dhallinyaro Soomaali Mareykan ah oo ka soo tagay dalkaas in ay ka barbar dagaalamaan isla markaana dhaqaalo siiya Al-Shabaab ayaa waxa xayiraad lagu soo rogay xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka.

Soomaalida Mareykanka ku nool waxa la sheegaa in sannad kasta ay Soomaaliya u soo diraan lacag ka badan 100-milyan oo dollar.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags: ,

3 Responses for “Ma Jiraan Dhallinyaro Soomaali Ah Oo Wali Ka Tagaya Mareykanka Isla Markaana Ku Biira Al- Shabaab?”

  1. prof piccolo says:

    dhalinyarada waa kuwo guryo xaaran ah ilashanya oo USA oga yimaadeen iney xoolaha aabahood dhacey ay u ilaaliyaan marka shabaab sida lagu aasaasey baa kamid ah marka sheekadu meelkale haka eegina ee waa guryo boob

  2. [...] Link: Ma Jiraan Dhallinyaro Soomaali Ah Oo Wali Ka Tagaya Mareykanka Isla Markaana Ku Biira Al- Shabaab? [...]

  3. Abu-wehliye says:

    Waxey ila yahay kuwa maanta ku biira al-Shabaab ineey khasaaro un ey ka soo gaareyso oo aan xitaa fursad u heli doonin ineey qori qaataan.

    Waxaan kula talinayaa dhalanyarada Soomaaliyeed ineey ka fogaadaan al-Shababa iyo kooxaxa la abtirsada waa ineey ka fekeraan mustaqbalkooda.

Leave a Reply