Ma rabbno doorasho! ee maxaad rabtaan? Q-tii 2aad W/Q Eng N D Qumiye


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ma rabbno doorasho! ee maxaad rabtaan? Q-tii 2aad
Qalinkii : Eng N D Qumiye.
Oktoobar 09 2012

Aqristow waligaa ma maqashey nin ku leh ma rabo in la igu doorto caqligeyga iyo aqoonteyda ee waxaan rabaa in tolkey ii hiiliyaan oo i caleemo saaraan?. Waxaa la yaab leh kuwo ku hamiyaya  iney doorasho la’aan maanta oo aan rabno inaynu horey uga talaabsano halkii aan joognay, kursigana ay ku fariistaan iyagoon haba  yaraatee wax doorasho ah ku imaan.
Qiil ma waaye waa ninka aan haddaldiisa miisaameyn oo garnaqsan karin inta aan lala garamin. Soomaalidaa waxay  tiraahdaa nin meeli u caddahey meeli ka madow,laakiin weli dhab ugama fakarin halka uu gucle orodka uga jiro.Su,aashu waxaa weeye doorashadiidku ma kursi bey rabaan mise sharci iyo doorashey rabaan?.

Doorasha diidka Puntland waxey ina lee yihiin sanad laguma darsan karo, dastuurkana waxba kama jiraan. Laakiin anagga afar sano sidii hore ee 66-da xildhibaan ee qabiil lagu soo xuley ay wax u dooran jireen ha naloo doorto,oo dadka reer Puntlana Afar sanno oo danbe hana sugaan…4 sano ha nala doorto dadka reer Puntland ha na sugaan yaab!
Bal  fiiriya qiilka riqiiska ah ee rabaan inay dadka ka iibiyaan.

1-Waqtigaan hadda la joogo doorasho diyaar looma ahan.Su,aasha tan daba taal waxaa weeye goormaa reer Puntland doorasho diyaar u noqonayaan 14 sano ka dib?
Horaa nin European ah oo General Kacaan yahan ahi wuxuu yiri “In order to govern, the question is not to follow out a more or less valid theory but to build with whatever materials are at hand. The inevitable must be accepted and turned to advantage.”

“Si wax loo xukumo, arintu  maahan in argti (theory) la raaco, laakiin waa inaad waxa aad gacanta ku heyso aad arintaada ku saleysaa. Lamahuraanka waa inaad aqbasho oo aad u leexiso dinacaaga si uu adiga faa’iido kuugu noqdo.”

Puntland maanta sharciyadii doorashooyinku wey dhameys tiran yihiin, waa la dhameystirey Dastuurkii dhaqaalihii doorashada ku bixi lahaa waa la diyaariyey.Bal aan is weydiino maxaa kalifaya in 66 xildhbaan oo cusub intii la doorto haddana dib loo soo bilaabo arinta….jug jug meeshaada joog tolow maxaa xabaal oo aanan u jeedin,mise xaaladdu waa waayeel xaajadiisa la garan wax baa u xabaalan.

2-Dastuurku sharci maahan,anaga hadalkayagaa sharci ah waa mid kale oo ka sii daran,waxay cay iyo meel ka dhac ku tahay dadka reer Puntland.
Miyeysan ahey  sanadkan horaantiisa markii Puntland la isugu yimid oo sida dastuurku dhigayo eragadii gobolada Puntland ka timid ay dastuurka ansixiyeen. Miyeysan dastuurka Puntland ku qorneyn” Dastuurkan wuxuu si rasmi ah u dhaqangalayaa marka lagu ogolaado afti dadweyne ama, haddii ay duruuftu saamixi weydo, afti laga qaado wakiillo dadweyne oo ka kala socda dhammaan Golayaasha deegaanada dalka iyo
Bulshada Rayidka oo shirweyne dastuuri ah ku ansaxiyaan.”

Dadkii ansixiyey miyesan reer Puntland matali karin? Miyeysan cuqaashii, siyaasiyiintii iyo dadkii dhulka joogey aheyn? Mallaha haddii rabitaanka  shaqsiga ah ee doorasha diidku aysan madax marin xaal bay u gayn lahaayeen ummadda ay ku gafeen,laakiin miyirku ma imaan oo waa ka maqan yahay.

3-Faroole ma rabno.

Horta doorashodiidkow waxaad kala saartaan inaad dastuurka Puntland  diidan tihiin iyo inaad Faroole diidantihiin.

Haddii aad Faroole diidan tihiin shaki kuma jiro Faroole shaqada waa ka tegayaa,siddii ay uga tageen raggii isaga ka horeeyey ee C/llaahi Yuusuf,Max,ed Cabdi Xaashi iyo Max’ud Muuse Xirsi Boqor ,si sharciga waafaqsan.Waxana dadka reer Puntland si miyir qabta u qaadaa dhigi doonaan kala duwanaanta dhaxalka taariikheed ee odayaashini inooga tageen.
Waxaan iyana u baahan in si taxadar leh loo fiiriyo horjoogayaasha Doorashadiidku waxey leeyihiin astaamahan.

a-Guud ahaa waxay la soo shaqeen xukuumadihii horay dalka u soo maray iyo tan hadda jirta,iyagoo qaarkood shaqada looga qaaday  kolkii ay waajibkooda gudan waayeen.

b-Qurbahey  joogaan oo carrurtoodii iyo ehelkoodba ku dhanyiin. Nin kastaana waxaa uu haystaa dal ku galka ( Passport) reer galbeedka oo markay xaaladu xumaato ay cayrta iyo lacagta duqayshaha la siiyo oo diyaar oo haddaba ay qaataan.

c-Inta badan doorashodiidka, dibaatooyinkii dalka ka dhacey si toos ah uma saameyn oo idaacadahey xaalada kala socon jireen.

Waxaa jira sifooyin lagu garto hogaamiyaha fiican waxaana  astaantiisa ka mid ah sida ay dhigayso barashada hogaamiyanimadu: “good leader must first be a good servant” Hogaamiyaha wanaagsano waa inuu yahey nin adeege wanaagsan, haddii kale hogaamiye ma noqon karo.

Markaad doodaha dhageysato, haddii aad sadex qodob  haddii aad dooneytso xalku waa sahal oo wixii kale waa rag iyo xaaladii waana la xalin karaa.

1)Ma doonaysaan In hogaamiyaha soo socda ee Puntland afti dadweyne lagu doorto?

2)Ma ogoshahey in dadka inta badan fikirkooda la raaco?

3)Puntland dastuur sharci ah ma leedahey?

Aqristow, haddii ay sadexdaasi  aad haa uga jawaabtid, wixii kale ee doorasho diidku rabaan waa dano gaara.

Doortow adigu kala dooro.

halkan ka akhriso qoraalkaan qeybtiisii hore

=============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

6 Responses for “Ma rabbno doorasho! ee maxaad rabtaan? Q-tii 2aad W/Q Eng N D Qumiye”

  1. [...] Read the article: Ma rabbno doorasho! ee maxaad rabtaan? Q-tii 2aad W/Q Eng N D Qumiye [...]

  2. EX-Muslims says:

    Maxaa laga filaa dad maankoodu doorsamay? Waa waxaas iyo wax la mid ah ayay ila tahay aragti ahaan. Sidaas awgeed la yaab ma leh.

    Wax qabiil ku dhisan dunida maanta ah lama jaanqaadi karaan.

  3. adeer says:

    Dadku waa inay gartaan inta shaqsi liita hogaanka umada u hayo, inay ku damcayaan xilkiisa kuwo isaga ka siiliita. Maxaa keenay in maalta la is qabqabsado 4 sano kadib. Shaqsi jacaylka inta la iska daayo aynu wanaaga wajahno. Horumar la taaban karo oo maanta puntland ay gaartay ma jidhro an ka ahyn inta shacabku qabsaday. Xaajadu waa dameer iyo labadiisa dhegood. Allow meeshii wanaagsan nagu jiheey.

  4. Axmed says:

    qumiye magacaaga inaad sifiican qorto maad kabaqaysaa waa yaabe yaad iska qarinaysaa

  5. WASUGE says:

    walaalayaal Geelu Waa Dhalaye Ha La Maalo.

  6. WASUGE says:

    walaalayaal: Geelu Waa Dhalaye Ha La Maalo.

Leave a Reply