Maansada: “Murugo!” W/Q Bashir M. Hersi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maansada: “Murugo!”
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
Oktoobar 02 2012

Geeridu waa xaq, qof nolol ku waaraya ma jiro, in la wada dhimanayana uma baahna wargalin iyo ogaysiis. Marka laga soo tago rumayn Diimeed iyo Caqiido, geeridu waa fal hortaada yaal, oo aadan uga baahnayn in laguu macneeyo ama laguu qeexo.

Haddana, qof walba oo geeriyooda ama dhinta isku si uma saameeyo dadka, qof walba meesha uu uga jiray bulshada ayaa lagu maamuusaa, maxaa yeelay dadku isku mid ma ahan, mana sinna dhan walba.

Maanta midda aan duljoognaa waa geeri naxdin iyo qarracanba wadata, maxaa yeelay qofka naga baxay qiimihiisa iyo qadarka uu nagu dhex lahaa baa ah mida an laga samri karin, waana midda iga qasabtay inaan tixddan yar ugu baruurdiiqo Abwaankii bulshada, Abwaan Maxamed Xaashi DhammacGaariye” oo ku geeriyooday wadanka Norway. Waxaan ehelllada Abwaanka, suugaanyahannada iyo umadda Soomaaliyeed ba uga tacsiyeynayaa geerida Abwaanka, Eebbana ugu baryayaa inuu naxariistiisa ugu deeqo.

Warka yaanan idinku badin, ee aan idiin soo gudbiyo tixdan aan ku magacaabay: “Murugo!”” waana tane, ka bogasho wacan:

Maansada: “Murugo!”


Noloshaaba murugiyo
Farxad ama macaanoo
Ku dul meerta labadaa.

Midbaa dhiman midbaa dhalan
Mid kalaa Sabool noqon
Midna waaba Taajiri!

Macallinkii Bulshada iyo
Maansada Abkeedii
Ma halyeey ayaa baxay?
Maaniye miyaa tagay?
Maantana ma Gaarriye(1)
Ayaa Mawdku joogaa!
Mushteeg(2) iyo kii hore
Ayaa wali ku sii maqan!
Maalmaha socdaayi
Marna nooma roonayn.
….
Maahmaah ayaa dhihi
Mawdkuba siduu yahay
Midka Macangaggaa iyo
Geeljire ayaa mudan!

Inta doqon magaalada
Muraad li’i u joogtee
Manfac aanan lagu qabin
Macno aanan lagu hayn
Mooryaanta xaqa neceb
Mid mid muu u beegsado?!

Mar hadduuse Gabay iyo
Geeraarro miidiyo
Noo reebay Maahmaah
Murti ay la jaal tahay
Arday uu u mariyee
Madrasooyin kiciyee
Masalooyin uu qoray
Gaarriye ma dhimanine
Waa dhuuntay Malaheey!

Waxba yaan maroorane
Gocoshada ku maahine
Mawloow darkaagiyo
Malagyada agtoodiyo
Maqaam gaara gaarsii!
 

Aamiin.

Dhammaad.

Eray bixin:

(1) Waa Abwaan Maxamed Xaashi DhammacGaariye(AUN)
(2) Waa
Abwaan, Fannaan, Laxamiiste, Heesaa: Faysal Cumar Mushteeg (AUN) oo bishii tagtay geeriyooday.

 

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Share

Tags: , ,

7 Responses for “Maansada: “Murugo!” W/Q Bashir M. Hersi”

  1. abwaanka qarniga says:

    thanks qora sare abwaan bashiir inaalilaahi wa inaa ilayh raajicuun geeridu waa xaq ilaaahy ha u naxariisto Abwaan gaariye waxa uu aha haldoorka suugaanta soomaliyeed./

  2. inaalilaahi wa inaa ileyhi rajucun ilahay samir iyo iimaan haka siiyo dhaman eheladii iyo qarabadii uu ka geeryoday iyo dhaman umada somaliyed amin

  3. Haad says:

    Mansha’Allah!

    Allaha u naxariisto Abwaan Gaariye. Waxaa iga cajabiyay gabaygiisa uu ku sheegayo in ay Afrikaan madamadow oo aan soomaali aheyn dhulka soomaaliyeed u harayaan.

    Ws wr wb

  4. Waa gabay baroordiiq laggu qiimayn karo, laakiin deelqaaf yar baa ku jidha iyo maahmaahda Geeriyi nimaadan aqoon iyo geeljiray ku wacantahay oo gabyaaggu aanu sideedii usoo minguurin. Good job Hersi.

  5. mo says:

    Allaha u naxariisto Abwaanka. qoraaga adna waad mahadsantahay.

    (AUN )maxaa lagawadaa fadlan qof igu dhaama.

  6. Haad says:

    Ku: Mo

    Waxaa laga wadaa Allaha U Naxariisto.

    (AUN)= Allaha U Naxariisto oo xarfaha ugu horreeya lagu soo gaabiyay.

  7. Deeq Diiriye says:

    Ilaaheey Naxariistii janno ha ka waraabiyo labada halyeey ee maansadu xustayba (Faysal Cumar Mushteeg iyo Dhamme Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye). Ehelkii iyo Asxaabtii iyo Soomaali oo dhanna waxa aan u rajaynayaa samir iyo iimaan.

    Bashiir ku mahadsan sida aad noo xasuusisay in geeridu xaq tahay oo ay na wada sugayso. Mar kale, AUN labada abwaan iyo dhamaanba intii naga sii hormartay.

    Tixgelin,
    Deeq Diiriye

Leave a Reply