Madaxda Soomaaliya Oo Kulamo La Yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka
Muqdisho (RBC Radio) Waxa xaley xarunta Villa Somalia ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka qeybgaleyn seddax masuul ee dowladda iyo xildhibaanada baarlamaanka.
Kulanka ayaa waxa ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaar iyo ra’iisal wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya
Sida ay sheegeyn xildhibaanada ka qeybgaley kulanka, waxa ugu horreyn goobta ka hadlay ra’iisal wasaaraha cusub Saacid oo sheegay in uu kulankaas isaga soo qaban qaabiyay si uu mudanayaasha baarlamaanka kala hadlo xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono, iyadoo loo baahan wadatashiyo ballaaran.
Wuxuu sheegay in uu kala tashan doono golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono dhammaan dadka Soomaalida oo ay ku jiraan bulshadda.
Wuxuu kaloo yiri in uusan soo dhisi doonin xukuumad uusan kala tashan dhammaan masuuliyiinta iyo shacabka Soomaalida, maadama isaga sidaas lagu soo magacaabay.
Intaa kaddib waxa hadalka qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya laga rabo in ay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan ra’iisal wasaaraha cusub oo dhawaan la horgeyn doono baarlamaanka si ay codka kalsoonida u siiyaan.
Waxa iyana hadalo goobta ka jeediyay xildhibaanadii ka qeybgalay kuwaasoo ra’iisal wasaaraha Saacid iyo madaxda kale ee Soomaaliya ku booriyay in la soo dhiso golle wasiiro ah oo wax badan ka badalan kuwii hore.
Ugu dambeyn waxa hadalka qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in madaxda sare ay kulamo la qaataan xildhibaanada dalka, iyagoona kala hadlaya masiirka dalka iyo dadka loo laabahan yahay in lagu soo daro xukuumadda cusub ee uu dhawaan ra’iisal wasaaraha soo magacaabi doono.
Madaxweynaha ayaa sido kale sheegay in loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay ka war sugayaan madaxda dalka hadda hoggaaminaya.
Waa kulankii ugu horreeyay ee seddax masuul ee ugu sareeya dowladda Soomaaliya kulamo wadajir la qaataan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa marka la horgeeyo baarlamaanka, haddii codka kalsoonida la siiyo waxa laga sugayaa in uu soo dhiso xukuumad wax badan ka badallan xukuumadihii hore.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Hadii reer gedo la siiyey rasialwasaaraha ku xigeenka raisalwasaaraha reer khaatumo ayaa leh.
Reer khaatumo iyo reer gedo waxba islawaayimaayaan oo kacaankii somaliya ayaan wada aheyn.
Dowladii dhexe ee somaliya labadaa reer ayey ka burburtay. Insha allah hada dib ayey u midoobayaan.
shurudii ayaba ahyd uukuqatay raysalwasaraha inuu madaxwaynuhu haysto xukumad shuradasna ragiddiay wa iskatagen sacid bayelay oo qatay kkkkkk waa iska maawelo rajadii baynaga lumiyen kuwan hadan ahay darwiish MABA HADLEN ILAA AAN MID NOQDO DADKAGIIBADAYACAN DADKALAD WAXKASHEGAYSAA MAXAAD TARAYSA QAWLNA MALIHID CAQLINA DAAYE WAXKASTA HUNGURI AYAKUDHAFINAYA AMA DARWIISH AHOOW AMA KHATUMO AHOOW WAAD QASAARTAY DUMARKA TALAADA UDHIIBTA RAG MESHA KUMAHAYSANE MALINBA MELBAD HOOSTAGTAN CID INAAD WAXKASHEGTANA IDINMA QABO AFNOOL HADALMADAYO BAN MAQLIJIRAY DIB ISU EEG COMENTI DAMBE HA QORI CEEBTA ILAA AAD ISKA ROGTO
@ deqa
Aribaayo maxaad igu gashay. Kkkkkk
Xaasidnimada iyo xinka fir ayaad u leedihiin. Reer laascanood iyo reer baardheere hadey dib u midoobaayn maxaa ku jaban. Kkkkkk
Mise barkadihii lagaa aasay ayaad mar kale ka baqeysaa in la awodo.
Aribaayo hadee wixii somaliya qaranimadeeda ka soo horjeeda cagta ayaa la marinayaa. Ama ethiopia u tag ama burcadbadeed noqo. Waanu u dhimanenyaa difaaca ciida somaliya sidii awoowayaashey darawiish ugu soo dhinteen difaaca xornimada somaliya.