Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Lagu Wado Inay Gaaraan Magaalada Baydhabo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa lagu wadaa maanta in ay u anaba baxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Labadaan masuul ee haatan ugu sareeya dowlada Soomaaliya iyo waliba wafdi ay hogaaminayaan ayaa waxaa la sheegayaa in safarkoodii ugu horeeyay ay ku tagi doonaan magaaladaasi Baydhabo.

Waxaa la sheegayaa in safarkaan ay ku whlin doonaan masuuliyiintaan saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo AMISOM iyo waliba xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas kula kulmi doonaan Odayaasha, waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa xilligan ku soo beegay safarkooda Baydhabo.

Safarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo labadaan masuul ay kaga anbabaxaan magaalada Muqdiso ilaa iyo markii loo doortay xilalka haatan ugu sareeya dowlada Soomaaliya.

Lama oga safarka madaxweynaha iyo waliba gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya inuu ku sii ekaan doono magaalada Baydhabo iyo waliba in ay u sii gudbi doonaan meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Leave a Reply