Madaxweynaha Somaliland Oo Wareegto Ka Soo Saaray Hantida Ma Guurtada Ah (War-Saxaafadeed)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeyasa (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ka soo saaray digreeto uu Kku mamnuucayo hantida ma guurtada ah sida dhulka iyo dhismooyinka shacabka in laga sameesto wax si gaar ah loo lee yahay.

Madaxweynaha ayaa soo saaray degreeto sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1367/102012, taasoo gaar u ah hantida maguurtada ah.

War-saxaafaddedka madaxweynahu u soo saaray ayaa lagu yiri:-

Markuu arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay; Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu arkay; Xeerka Dhulka X. Lr. 17/2001,

Markuu tixgeliyey; Wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay JSL/W/W/236-747102011,Kuna taariikhaysan 16/10/11,
Markuu tixgeliyey; Xeerarka Dalka ee la xidhiidha Hantida Dawladda iyo lahaashaha,

 

Wuxuu soo saaray Wareegtadan

 

Qodobka 1-aad

1-Waxa mamnuuc ah Qofka Gacanta ku haya Hantida Ma-guurtad ah (Sida Dhulka iyo Dhismayaasha Dawladda) inuu ku tagri falo iyo in uu qof kale ku wareejiyo.

2. Waxaa la joojiyey dhismaha dhulka Shacabka iyo Guryaha Dawladda ee aan Dawladdu Gacanta ku hayn. Waxa reeban in magdhaw la siiyo Cid kasta oo dhisatay Dhulka dhismaha ka caagan (Dhulka Danta Guud ah, Dhulka Shacabka, Dhulka Garoomada diyaaradaha ku gedaaman, Dhulka Xeryaha Ciidamada, Iskuullada iyo Garoomada Ciyaaraha) Muddadii ka dambaysay wareegtada Madaxweynaha ee Summadeedu tahay N0: 004/2003.

 

Qodobka 2-aad

In aan magdhaw la siin Qofka dhistay, dhalan-roggay ama si uun wax ugu daray Hantida ma-guurtada ee Dawladda, mudadii ka danbaysay wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay N0: 004/2003.

Qodobka 3-aad

In gacan ku haynta Hantida Ma’guurtada ah ee dawladda ee shacabku gacanta ku hayo, lagu soo celiyo gacanta dawlada, waxaana loo saari doonnaa Guddi u gaar ah.

 

Qodobka 4-aad

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, waxaa la farayaa inay fuliyaan Awaamiirta ay Wareegtadani Xambaarsantahay. Sidoo kale, dhammaan Taliyayaasha Ciidamada ee Qaranka iyo Booliiska, waxa la farayaa inay Gacan buuxda ka siiyaan Wasiirada hirgelinta Wareegtadan.

War-saxaafadeedka waxa ku saxiixnaa Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Hargeysa

 

 

Share

Tags:

2 Responses for “Madaxweynaha Somaliland Oo Wareegto Ka Soo Saaray Hantida Ma Guurtada Ah (War-Saxaafadeed)”

  1. khatumaysan girl says:

    kkkkkkkkk raxanreeb idina ma sidii galgala ayad reer somaliland noqoteen kkkkkkkkkkkkkkkkkk cajiib
    subaxkaste somaliland bad nagu haysan naga dayaa bahssha waa

  2. lee gaas somaliland says:

    somaliland waadad jira sidaada yugaandhiis mahaysto keenyaana mahaysto ragiilahaabaa u talya kanaxow naf tawaa mawaxaad rab taa in lagu yidhaa qofbaa lagu gawracay mise waraabaa lagucunay kkkkkguuuuuul somaliland ragtashaday natabaryara kkk

Leave a Reply