Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Wafdi ka Socda Dowladda Ingiriiska
Muqdisho (RBC Radio) Wafdi ka socda Dowladda Britain ayaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray kuwaasi oo kulam la qaatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga wuxuu ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo kulamo ay kuwada qaateen.
Kulanka oo ahaa mid ay saxaafada dibad joog ka aheyd ayaa markii uusoo dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wafdiga maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ay kawada hadleen sidi loo garab istaagi lahaa dowladda cusub ee hada Soomaaliya ka hana qaaday.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in wasiirada ay balan qaadeen inay taageero siinayaan dowladd dalka Soomaaliya.
Wasiirada maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka arimaha Africa ee dowladda Ingiriiska Mark Simos iyo sidoo kale Wasiirada horumarinta caalamiga ee Dowladda Ingiriiska justic gringin iyaga oo dhamaantood balan qaaday taageerada inay siinayaan dowladda cusub ee dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh tan iyo markii lasoo doortay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaraye wafuud heer caalami ah kuwaasi oo balan qaadyo usamaynaye dowladda cusub ee dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Ingriis Soomaaliya si gaar ah buu u danaynayaa waxaa garan waayay, wuxuu uu naga rabo, koley waxbuu rabaaye.