Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Iyo Kulamo uu Saraakiil Iyo Masuuliyiin uu Kula Soo Qaatay Baydhabo
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka kadib socdaal uu maanta ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba masuuiyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale madaxweynaha la socday masuuliyiin uu hogaaminayay oo la tagay magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waliba Wafdigiisa waxay kulan la soo qaateen qaar ka mid ah dadka magaalada Baydhabo saraakiil ka tirsan AMSIOM iyo saraakiisha dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo waxa uu khudbad u jeediyey kumanaan shacabka reer Baydhabo ah oo uu kula hadlay goob fagaare ah waxaana uu ku ammaanay shacabka gobolka Baay sida ay Ciidammada ammaanka kala shaqeeyeen Nabadda.
Xasan Sheekh wuxuu kula dar daarmay dadka magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaaladaasi si amaanka looga wada shaqeeyo.
Safarkan uu maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku tagay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo uu kaga ambabaxo magaalada Muqdisho tan iyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













[...] See the original post: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Iyo Kulamo uu Saraakiil Iyo Mas… [...]
muxuu ka dooney muxuuse ka keeney baydhabo oo waqti xaadirkan meelo kale oo ka mihiimsanaa jireen marka loo eego xaalada wadanku maantaku jiro sida Beledweyn, kismaayo
Masha allh waaa guul madaxweyne intaa aadi lahayd ethopia ama kenya waaa in aad wadankaga iyo shacabkaga aad lahadashaa oo wax uqabataaa
@galmudug
baidhabo waxuu u aaday oo uu lakulmay taliyaha xooga dalka ethiopia waxaana ku ilaalinayey ciidamada ethiopia magaalada baidhabo ethiopia la aanteed maanta muu joogeen marka somalia hadaa tihiin caqli majiro haduu jiro labaatan sano isma cunteen gacantii idin quudi sana miinaa qaniinteen!
from proud ethiopian in kilil5
Madaxwaynaha inta uu aadayo daydhabo waxaa ka mihiimsanayn in uu dadka reer baladwayne dhibaatada laqaybsado una muujiyo taageeradiisa ama uu aado kismaanyo oo xaalad kataagantaha ama puntland oo ah gobolo badan oo lagataageersan yahay balse muhiimadda baydhabo hadaysan jirin wax qarsoon mahayn in uu markaa aado maxwaynuhu
madaxwyeenuhu hami ween baa loo qabay markii la soo shaaciyay in uu wadanka soowada marayo. Waxaa hada noocad in aysan arintaas wax ka jirin. Wuxuu tagay Baydhabo si uu ula kulmo wasiirka arimaha dibada iyo kan ciidanka ee wadanka ethopia…..hdana waa asaga dib ugu soo noqday muqdishu, intuu ka tagilahaa Kismaayo, Bladween, Garoowe….. Ku mood noqonsse wayday
Kkkkkkkkkkk meeyey safarkii tuulada garoowe.
Madaxweynaha waxaan uga dignay khadarta qaswade faroole.
Waa inuu si degdeg ah ku soo magacaaba rasailwasaaraha labada reer uu mid ka imanayo waana reer khaatumo iyo reer Gedo.
Waan ognahay faroole inuu odhanayo waxkasta aniga !!!!!!!!!!
Laakiin madaxweynaha waan uga dignahay fal dhaqanka faroole.
Maalmaha soo socda iyo raisalwasaare cusub.
Muhiimada booqashada madaxweynaha waxa ay ahayd 1; soo xirka tababar ciidamo dhan 3000, 2; Maslaxeynta dadka reer Baydhabo ka dib markii dowladii Sh Shariif iyo Gaas beelaha DM u colaadiyen Shariif Xasan dartiis, iyadoo ciidanka dagaalka kula jira Al-shabaab ilaa hada aan la siinin wax mushaar ah, halka kuwa Balcad iyo Afgoye ka dagaal galeyna deeqdii dadka abaareysan lagu quudinayo.
Madaxweynaha cidna waxba uma yeerin karto. Wuuna yaqaanaa sida umada loola macaamulo, inaad dhahdaan magaalo hebel ayay ku qumaneyd inuu aado waa hadalo cunsuri ah. Reer Baydhabo madaxweyne kasta waa u siman yihiin ee qabiil shaashada kama eegtaan, waa magaalo intaas qabiil degan oon ahayn magaal beel kaliya sheegata.
Mida kale oo odoyaasha iyo saraakiisha uu kala hadleyna waxay ahayd in dowladiisa la taageero, waayo Raisal wasaare aan reer Baydhabo ka gadmin kama gadmi karo Somalida oo dhan, hadii kale Xamar ayuu fadhiidh ku ahaanayaa sida Gaas ku dhacdey.
Baydhabo waa caasimada labaad ee dowlada Federalka Soomaaliya.
FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIIN.
KU.AFLAHAARE Darwiish Khaatumo.
Anigu haddii an adiga noqon lahaa kamaba hadleen meelaha ay soomaalidu ku kulanto.Sababtoo ah go`aan iyo mabda ma lihid oo fakirkaagu waa dhawr biloodba meel cusub ka QAYIL.Markaad ka soo quustay puntland iyo soomaaliland baad is leedahay ninka cusub markiisii weeye ee ka soo qayil.
Saaxiib nimaan go`aan lahayn lama siiyo RW.See laguugu aamiayaa jagadaas qaaliga ah?Waayo meelba ma daganid oo intaas waxaad ku jirtaa halkaan maanta iska dhiib.Miskiin yahoow Ina Faroole ma xoolaad ku leedahay?Maad adigu is dabirtid?Waadan isku kalsoonayn ma ahee Beeshaadu kama yara tan Ina Faroole.Kamana aqoon iyo xoolo yara ee Iimaankii baa kaa raacay in aad shaxaad tagtid.Aflahaare kuuma hayo wax ad liqdid ee is dabir.
KU.Killil-5.
Horaa soomaali ugu maah-maahday Dameeraha waxaa ugu haraati badan tan ugu xun.Jaalle adigoo an qori aqoon luuqadda kaliye ee ad ku hadashid baad soomaaliweyn wax xun ka sheegaysaa.In aad Axmaar tahayna way dhicikartaa ama uu Seedigaa yahay.Calaa kulli xaal markaad soo baratid far-soomaaliga sida wacan ee loo qore ila soo xiriir Cag-dheerayahoow.
@khaatumoseeg, aamu waa lagu leeyahaye orod oo isxoree inta aadan hadal afka ha kala hayne saqajaanyahow.
Wasiirka arrimaha dibada ethiopia ayuu kula kulmay xerada ciidamada ethiopia gudaheeda, villa Somaliana wuu diiday inuu isku aamino asaga ruuxadiisuuna aaminka ku qabin. Ninkay arrinkaasu la fiican iyo ninkay la xuntahayba
[...] cagta dhigo tan iyo intii uu xafiiska yimid bishii hore tobankeeda, wuxuuna shalay madaxweynuhu booqasho hal maalin ah uu ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasoo uu kulan kula soo qaatay masuuliyiinta gobolka, saraakiil ciidan [...]
kkkkkkkkkkkkkkk khaatumo kulahaa ma dagaan baa leedahy xagee wax gaynaysaa heeryaaba ku saarane dhiikar haka qaadin dadkaas horaa logu wareeree tiina xalista sxb wayga talo ma buuhoodle oo lanaatan kilomitir u jiro ayaa gaynaysaa mise laascaano la haysto degmooyinkii soolna qaar lagaa qaady war reerku waa dufoobaye xal haloo raadsho intaad marna xamar marna hargaysa marna garoowe dad hoos joogto oo baryayso kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk