Madaxweynaha: Waa La Arkayaa Raysul Wasaaraha Cusub Iyo Xukuumadiisa Markay Shaqo Bilaabaan (Hadalheynta Qaranka)
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii uu magacaabay raysul wasaaraha cusub ee dalka kadib wuxuu tilmaamay in indhaha lagu hayo qaabka uu u shaqeeyo raysul wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ iyo xukuumadiisa. [DAAWO SAWIRO]
“Koley muda badan ayaa goobeynay raysul wasaaraha, waxaana goobaynay waxay ahayd taa ku haboon oo waxa dadweynuhu rabaan ka soo bixi kara,.. marka Cabdi Faaraxna waa la arkayaa isaga iyo xukuumadiisa markay shaqo bilaabaan” ayuu yiri madaxweynaha oo hadalkiisa tusaale u ahaa in raysul wasaaraha cusub uu hsaddaba ku jiro ‘TIJAABO’.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo qiray inuu aad ula daahay magacaabista raysul wasaaraha isagoo taasi ku sifeeyay inuu raadinayey qof buuxin kara shuruudihii ay dadweynuhu rabeen.
“Aniga waxaa la ii yaqaanaa Garguurte oo intaa waan soo garguuraneyay ” ayuu yiri madaxweynaha.
Wuxuu madaxweynuhu ballanqaaday inuu la shsaqeyn doono raysul wasaaraha cusub isla markaana dhamaan qeybaha dawlada ay wada garab istaagi doonaan raysul wasaaraha cusub iyadoo waxa ugu horeeya ee laga rajeynayo ay tahay in uu soo dhiso raysul wasaaruhu gole wasaaradeed.
Raysul wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isaguna hadal uu ka jeediyey munaasabadii lagu magacaabay wuxuu ku ballanqaaday inuu soo dhisayo gole wasaaradeed oo tayo leh oo deg deg ah. [DAAWO VIDEO]
Hadalka madaxweynaha ayaa dad badan durba u fasireen inuu muujinayo in uu doonayo inuu tijaabiyo wasiirka koowaad maadaama mudo ku dhow hal bil la baadigoobayey shakhsi buuxin kara sida ay rabaan kooxda madaxweynaha ku xeeran ee Dam Jadiid iyadoo waxa ugu weyn ee diirada la saarayna ay ahayd isfahamka madaxweynaha iyo raysul wasaaraha cusub dhex mari karta.
Magacaabista wasiirada
Waxa ugu horeeyay ee tijaabada raysul wasaaraha laga aqoonsan karo ayaa ah magacaabista golaha wasiirada cusub ee dalka oo markan ka koobnaan doonta illaa 23 wasaaradood kuwaasoo illaa 11-wasaaradood ay qaadan doonaan ragga ugu muhimdan taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh oo ah kooxda Dam Jadiid ee horey uga go’ay ururka Al-Islaax.
RBC Radio












,cadaado,guriceel oo siyasada ku fashilmay oo ilaa c/qasim aan xil danbe qaban ayaa xooga saaray inay helaan meel ay madaxa lasoo galaan iyagoo madaxwaynaha ugu gabaday hawenay xildhibanad ah oo lataliye u ah ahna reer cadaado in lasoo magacabo nin xidid la ah laakiin suaashu waa sidaas wax malagu noqon ??????????????????????????banaanbax uma jeedo aaway taagerayshii mise ninkaan jiljileec laguma oga.
Waa soo dhaweyneyna rasulwasaraha hambayo
indha sarcaadkii ka socdey madaxtooyada soomaaliya iyo dhiciskii uu sidey xasan sh maxamuud ilaahay waa kala keenay iyo qolootinka daaaha hoostiisa isku qaranaaya ee aan saaxada hor imaan aan aragno halakay ku furaaan masiirka umada soomaaliyeed walee rajaa la qabay
Dawladii. Siyaad waxaa riday. USC, dawladii Cali Mahdi waxaa mucariday USC, dawladii c/Qaasim waxaa mucaariday USC, dawladii. C/laahi waxaa mucariday USC , dawladii shariif waxa mucaariday USC, hadaba USC. Oo intaas oo dawlad mucariday baa Rabta dawlad an xasan iyagoo iska dhigaya wadaniyiin ee hala mucaarido bal ninkii dawlad kunool ah hala Arkee.
ASC, lol @ Ismaaciil, saaxiibow isku xishoo oo wax lakala har, dumarka la’iskaqabo wax lagama sheegsheego, oo dhaqan wanaagsan maahan. Mideeda kale, anagu xukun maraadino, mana u daadino dhiig, waxaan kaliya rabnaa Somali oo gacmaha isqabsata oo danteeda ah in eey wada noolaadaan garata.
@jugsodhacay, been ayaad sheegeeysaa oo hal koox ama qolo looma saarin karo rididii dowladii Siyaad, alaha u naxariistee, iyo mucaaradadii dowladaha kumeelgaarka ah ee nasoo maray. Walow aan qiraayo in eey qeeyb ka ahaayeen fitnada dhacday. Aan eeda wada qaadano, amaba iska deeyno far isku fiiq fiiqa, oo aan mida hada lajoogo ka hadalno iyo in aan macno daro lagu mucaaridin, taa badalkeeda in aan geesaha inta aan kawada istaagno, aan kor u soo kicino qaranimadeena dhulka taal. Thanks
waxaankayaabanahay dadkan leh naagtiisaa utalisa war ma adinkaa og oo guri kulanolaa saacid? mise haduu naag qabiilkalaa qabo ayaa tuhmo ugu filan waxaasi mahan dhaqan wanaagsan ee yaan lays foolxumayn in naagtiisa uu latashto ma xuma waa wax wanaagsan teeda kale reeraha is qaba waaba ceeb in qorqode laga dhexnoqdo ee falfal xumaha kadaaya ninka iyo naagtisa, dhanka kale waanu so dhawynay r/wasaraha ilaahayna hawaafajiyo jidka toosan aamiin
mudane madax weeyn lagumood noqonse wayday.. soomali oo dhan baa kusoo dhaweeyay, maantana soomalia waxaad ugu abaal guday qabiil iyo wixii laga soo gudbay…ninkaan aad kadhigatay raisal wasaaraha ninka ugu aqoon liita reerka uu ka dhashay weeye, waxaad ku dooratay uun, waa nin aad jeebka gashan kartid, waa nin naagtiisu ay madax u tahay Hawiye Concern Group, Waa nin aad rabtid in aad u adeegsatid Jubaland…madaxweeyne alow soomali badbaadi…aamiin
Ninkaan raisulwasaaraha loo magacaabay waa qasaaro siduu u egyahay, waa nin Kenya deganaa 21 Sano, oo kenya dabada ku wadato!
Haduu Xassan Sheikh Mahamoud intaas oo isbuuc ku guda jiray raisulwasaare cusub raadintiisa, oo ninkaan ummadii oo dhan kasoo dhex doortay, hadaba shaki weyn ayaaba hada inaga soo galay madaxweynaha iyo caqligiisa!!
Kenya oo maanta Somalia faragalin kula jirta ayuu soo doortay nin Kenya intas oo sano ku noolaa, ka ganacsanayay, oo hadana beled xaawo oo xuduudka Kenya kutaal intaas oo jeer sargaalda kenyaan kula shiri jiray!!!
Hadal deelqaaf ah oo madaxweyne uusan Oran weeye waana masuuliyad daro inuu waxaas ku hadlo haduu bil ku dhowaad wax raadinayey hadana inuu ma yiraahdo tijaabo ayaa Lasoo shir tagey aadbay Aniga iigu muuqataa daciifnimo madaxweyne ka muuqata, waasa iska dayn mar haduu qiray inuu ruuxiisu socon karin loona yaqaan guurguurte qof xamaaranaya Xaguu gaari karaa?!!?
Mucaaradnimo aan cilmi ku qotomine caadifad ku qotonta looma baahna. Caadifad qabiil weliba. Waa fadeexo iyo waxaan loo baahneyn.
Xaqiiqduse waxey tahey dadka sidaas sameynaya mindhaa waa dad isku arka iney heystaan buul ay ka galaan balaayada ay dadka badankiisu raadinayaan iney iskaga xijaabaan dowladnimada.
Waa dad faakiheysi iyo ishaafalateysi ku jira oon qoortooda lagu gor gortameyn. Waa sidey iyaga la tahaye. Waana midda muhimkaa sidey dadka la tahey.
Dowladdaani waxaa aamminsan lana shaqeynaya dadka garowsan iney saaranyihiin doon sii degeysa oo badbaadin u baahan. Ee dad isku arka iney doontaas bannaanka ka yihiin priority uma ahan.
Qof aamminsan inuu saaranyahey doon sii degeysa miyuu ku mashquuli lahaa xaaska uu qabo farsamo yaqaanka howsha badbaadinta loo xuley? Ama inuu sigaarka cabo? Waa faakiheysi iyo edeb darro qofkii warkaas laga maqlo ee meeshuu la aadayo oo xiiso looga hayo ha u sheego.
Laakiin dad gacmaha kor u taagaya oo yaa rabbi yaa rabbi leh ugama baahna talo iyo toosin dad ceynkaas oo kalaa!
TO:Mudanae madaxweyne waxaan taageeraynaa soona dhawaynanaynaa PM cusub dadkan qoraalada qoraaya waa dad waalan.waxaa ay aamin san yihiin oo kaliya qolada ay yihiin.
Ta kale haddiba gabar la qabo xukun lagu imaanayo reer garowe iyagaaba ugu horeeyay wax xafiis ku taga ama generalnimo ku qaata dib u raaca dawaladii AU Aadan Cadde.
Ta kale is barbardhiga PM taageero ka haysta garowe,qardho iwm iyo PM taagaaro ka haysta from koonfurta gaalkacyo illaa xuduudda somaliya/kenya/itoobiya keebaa somaliya u wanaagsan?Reer garowe waxaan ku mithaali lahaa nin waalan oo aan ogayn in la ogyahay in uu waaln yahay marka shacab edeb leh waa in ay noqdaan