Madaxweyne Kibaki : Amaanka Kenya Waan Adkeyn Doonaa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC Radio) Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa ku celiyay ammaanka dalka Kenya in la hubo, kaddib markii dhowr weerar ay ka dhaceyn dalkaas.

Kibaki ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Soomaaliya ay ka dhallan doonto nabad maadama la qabtay magaalada Kismaayo oo ahayd meeshii ay ku xooganeed Al-Shabaab.

Ciidanka Kenya oo ka mid ah howgalka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa hadda ku sugan magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Kenya iyo dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya in ay ku raaxeysan doonaan nabadgalyo kaddib markii laga saaray magaaladii ugu dambeesay ee gacanta ku heesay Al-Shabaab.

Wuxuu yiri “ Waxa aan rajeyneenaa in wadankeena uu ammaan ahaan doono isaga iyo dalka aanu dariska nahay, waxa aan sii wadi doonaa ilaalinta ammaankeena, maadama ciidanka Kenya oo ka mid ah AMISOM ay hadda ku sugan yihiin Soomaaliya,”

Wuxuu kaloo yiri  “Kooxaha dagaalamaya waxa ay doonayaan in dib u soo lab, waxa aan ka wadashaqeyn doonaa dhamman siddii loo hubin lahaa ammaanka dalkeena,” Kibaki ayaa intaas raaciyay.

Mar uu ka hadlaayay Soomaalida ku nool dalkiisa ayaa waxa uu yiri

“ Dadka Soomaalida ee qurba jooga ah ma ahan kuwa xiriir la leh argagixisada, waxan kala shaqeyn doonaa dhammaan Soomaalida siddii uu dalkooda u xasili lahaa”

Hadalka Kibaki ayaa soo baxay kaddib markii labo maalin ka hor hey’addaha sirdoonka ay ku wargaliyeen booliskain qaraxyo ay ka geesan karaan gudaha dalka Kenya Al-Shabaab .

Hey’addaha sirdoonka Kenya ayaa sheegay qaraxyada laga digay in ay ka dhacaan Kenya in loo adeesan doono dumar.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

2 Responses for “Madaxweyne Kibaki : Amaanka Kenya Waan Adkeyn Doonaa”

  1. [...] View original post here: Madaxweyne Kibaki : Amaanka Kenya Waan Adkeyn Doonaa [...]

  2. somali says:

    Kibaki nabada uu kenya u rabo maxaa somaliya dhigay? miyuusan xuduudihiisa ka ilaashan karin?dadka qaxootiga somalida ah soo tuu lahaa somaliya halagu celiyo ma hada ayuu oranayaa waan la shaqeyneynaa? mise Kismaayo qabsashadeeda ayuu u mooday in uu sidaa ku xalaaleysan doono?muxuuse afka uga dhowrayaa inuu somaliya dhaho imisa wadan ayaa kenya la daris ah? muxuuse uga hadli waayey eeda ah in kenya damacsan tahay in ey boobto qeyraadka ku jiro bada somaliya? anigu waxaan qabaa in kenyaatiga il gaar ah lagu hayo oo dowlada somaliyana meel cad soo dhigto in damaca boobka ku dhisan uusan aduunkaan casriga maanta uusan ka soconeyn,hadii kenyaatigu ku adkeysto damaca boobka ku dhisan dadka somaliyeed ma huri doonaan iney dhulka iyo badooda difaacdaan lana dagaalamaan kenyaatiga.

Leave a Reply