Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ka Soo Saaray Dhul Si Sharci Daro Lagu Bixin Rabay (War-Saxaafadeed)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa (RBC Radio) War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa amar laga soo saaray dhulka uu gurigii Ex/Xisbiga iyo deegaanka ku hareeraysan ee magaalada Hargeysa oo mudaharaad ka dhacay, kaddib markii dawladda hoose ee magaalada Hargeysa si qarsoodiya oo sharciga baal marsan dad ugu warrejisey.

Haddaba Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Soo Saaray Amar Lagu Xayiraayo Dhammaan Dhismaha Iyo Dhulka Ku Hareeraysan Ee Uu Iska Leeyahay Ex/Gurigii Xisbiga Ee Magaalada Hargeysa. Haddaba War-saxaafadeed  Ka Soo Baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland Uuna Ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyada Ayaa lagu yidhi Sidatan:-

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu Amar ku bixiyey in aan Dhulka ku Xeeran Guriga Xisbiga La Bixin Karin, La Iibin Karin, Sifo Kalena Loo Isticmaali Karin.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka yiri xayiraada dhulkan:-

Waxaa Jirta In Xukuumaddu U Qorshaysay Baahi Qaran Guriga Xisbiga Iyo Dhulka Ku Xeeran, Iyadoo Ay Hore u jirtay ku Talo gal Nashqad Dhuleedka Danta Guud Ee Aan Xukuumaddii hore kala Wareegey, isla markaana Madaxweynihii hore ka soo saaray qoraalka Summadiisu tahay JSL/M/MHH/241/0506 ee 06/05/06, taas oo u Muuqata In Aan La Tixgelin.

Sidaas darteed, Mudane Guddoomiye,(Duqa Caasimadda Hargeysa) ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, maadaama baahi Qaran Dhulkaas loo qabo, waxaan ku farayaa in aan dhulkaas la Bixin karin Waxna laga Dhisi karin wajahadiisa, sii jeed &soo jeed iyo dhammaanba Dhulka ku Xeeran Guriga Xisbiga.

Ugu dambeyn waxa war-saxaafadeedka lagu yiri :-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa la faraya Inuu Warbixin Ka Soo Diyaariyo Fulinta Amarka Warqadani Ay Xambaarsan tahay.

Waxa ku saxiixan war-saxaafadeedkan  Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Share

Tags:

Leave a Reply