Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay Aas Qaran oo loo samayn doono Marxuum Abwaan Gaarriye
Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Guddi toban xubnood ka kooban oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno, Aqoonyahanno iyo Duqa magaalada Hargeysa u magacaabay diyaarinta iyo qaban-qaabinta Aas qaran oo loo isla Hargeysa loogu samayn doono Abwaankii caanka ahaa Prof: Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo habeen-hore ku geeriyooday dalka Nor way.
Madaxweynuhu wuxu sheegay in loo baahan yahay in si mug leh aas qiimo badan loogu sameeyo Marxuum Abwaan Gaarriye Illaahay naxariista Janno haka waraabiyee oo taariikh ballaadhan ku leh dhulka Soomaalidu degto, gaar ahaan Somaliland iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah-ba.
War-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan (Dhuxul) ayaa lagu faahfaahiyey magacyada Guddiga iyo dalab uu Madaxweynuhu u jeediyey.
Waxaanay magacyada tobanka xubnood ee Guddiga ahi iyo dalabka Madaxweyne Siilaanyo u dhignaayeen sidan:-
Ku:Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Guddoomiye Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xubin Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Xubin Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xubin Hargeysa
Ku: Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin Hargeysa
Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Xubin Hargeysa
Ku: Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Xubin Hargeysa
Ku: Mudane, Maxamed Xaashi Cilmi Xubin Hargeysa
Ku: Abwaan xasan Ganay Xubin Hargeysa
Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuun Gaariye
Mudanayaal,
Sida aad ka warhaysaan waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo taariikh mug-weyn ku leh jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.
Sidaas darteed, Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Aaska Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye). Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuunkan.”
RBC Radio Xafiiska wararka ee Hargeysa.











