Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiir U Magacaabay Saleebaan (Xaglo Toosiye)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa-(RBC Radio) War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda maamulka Somaliland ayaa madaxweyne, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu Digreetooyin uu soo saaray Wasiir ugu magacaabay hoggaamiyihii hore ee kooxdii SSC, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye).

Madaxweynaha ayaa ku yiri war-saxaafadeedkiisa Xaglo Toosiye, wuxuu ajiibay gogoshii nabaddeed ee uu loo fidiyay isaga iyo  aqoonyahanka, wax- garadka, madax-dhaqameedka iyo bulshada deeggaamada Buuhoodle iyo Sool.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (2)aad Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Weyn Ee Ay Wasaaradduhu U Leeyihiin Dalka Iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In Baahi Loo Qabo Buuxinta Jagadan Hoos Ku Xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa Iyo Hufnaantiisa Shaqo,

Markuu ku Qancay: In uu Hanan Karo Xilka Loo Magacaabay,

Wuxuu Go’aansaday:-

1. In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, Laga Bilaabo Taariikhda Maanta Uu Ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib U Dejinta Ee JSL.

2. In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, Laga Bilaabo Taariikhda Maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Ee JSL.

3. In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, Laga Bilaabo Taariikhda Maanta Uu Ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha Iyo Tamarta Ee JSL.

Si kastaba, Saleebaan Xaglo Toosiye, ayaa dhawaanahan isaga iyo salaadiin ka soo jeeda Buuhoodle waxa ay wadeen waan-waan iyo heshiisyo, lagu doonayay in lagu dhameeyo xiisada ka taagan Buuhoodle.

Sidoo kale dhowr jeer ayaa Xaglo Toosiye iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ay kulmeen, weliba waxa ay ku kulmeen magaalada Hargeysa.

Siyaasi Suleymaan Ciise Axmed “Xaglatoosiye” ayaa bishii luulyo ee sanadkaan 2012 ka ku suganaa magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland halkaasoo uu kulamo kula yeeshay masuuliyiin iyo siyaasiyiin reer Puntland ah

Dadka ku dhaqan Buuhoodle kuma qanacsana heshiiskan dhexmaray xukuumada Somaliland iyo Xaglo Toosiye.

Heshiiskaas waxa ku jiray shuruudo badan oo ay ka mid yihiin in dib loo soo celiyo ciidanka maamulka Somaliland ee ku sugan Buuhoodle, in la sii daayo maxaabiista reer Buuhoodle ee u xiran Somaliland.

Waxa kaloo jiray in mucaawino la geeyo Buuhoodle, oo ay ka dilaaceeyn abaaro xooggan.

Dhammaan shuruudahaas dadka waxa ay u arkaayeen kuwo aad looga soo horjeedo, waayo waxa la sheegay in uu Xagla Toosiye loo sameeyay waxyaabo badan.

Dhowr jeer ayaa dibadyo waxa ay ka dhaceyn Buuhoodle, kuwaasoo looga soo horjeedo heshiiska dhexmaray hoggaamiyii hore Jabahadda SSC iyo maamulka Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Hargeysa

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

48 Responses for “Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiir U Magacaabay Saleebaan (Xaglo Toosiye)”

  1. Wiil-Mudug says:

    Hadee Faroole maxaan ula yaabaynay marka? war dadkaan meel uma socdaan, dad go;aan lehna ma ahan runtii, bal hala daawada.

  2. Deeq says:

    This dude is nuts and secessionist group called somaliland is more nuts..
    This is a very unfortunate event for mr. Xaglo-toosiye… He is in the wrong end of history..
    Viva Somalia, punt land and Khaatumo

  3. Diini says:

    Reer Khaatumooy, shalay waxay ahayd Xaabsade, maanta Xagalatoosiye, tollow barina ma Galayr baa??? Allow wiil daacad ah oon dhuuni-raac ahayn idiin kici. Aamiin!

  4. Khaatumaawi says:

    Asc waxasaa xil ah nikii odhanjiray wan hanweynahay saakaa lagu bahdilay habro rarid habro dib udajin kkkkk,waxasi mamulka khaatumo state of somalia iyo shacabkisu wuxu ka qadayaa kalsoni iyo awood.

  5. [...] View post: Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiir U Magacaabay Saleebaan (Xaglo Toosiye) [...]

  6. Somaland Hero says:

    Bal suuradda ku lifaaqan warkan u fiirsada….miyaad ka garataa LIBAAX? KKKKKK
    Xaaji Ahmed Maxmoud Maxamed Siilaanyo waa siyaasi ruug cadaaya..xafidahu ALLAH.
    Waa guul I soo hoyatay reer Somaliland , maashaaALAAH.
    Saleebaan ciise kaar xaglatoosiye waa nin culus oo misaan ku leh Somaaliland , waanu soo dhawaynaynaa , waa nin qayb wayn ka qaadanaya nabadaynta iyo horuumarka jumhuuriyada Somaliland….No more khaatumo seeg…..kkkkkkkkkkkkkkk

  7. Cilmisabce? says:

    waa wax loo baahan yahay in Nabad la dhaafsado oo colaadda laga baxo, Xagla toosiye na waa in uu dhinaca uu ka yimid wax ka qabto.

  8. waa la og yahay in laba jeeble ay yihiin all wax kale masheesheegteen

  9. Ruux Nabad Kashaqeeyey, oo Ku guulaystey, Hambalyo, iyo Bogaadin ayuu Leeyahay.
    Waayo Nabadu Waa Shay Qaali ah. Colaadi Naf malahan. ee Xagla toosiye Daaya.oo
    Ku taageera Nabada Sool Sanaag iyo Cayn.

  10. Daljir says:

    Dhedo roob noqonwayday , Xagla toosiye ninkaan moodney noqonwaa
    Horaa loo sheegay Hnayaraa ????????.
    Haloo sheego inuu kulaabto xaruntiisii masaajaynta duqooyinka ee USA
    magaceena ayuu ku dheelay wax mayaqaanka
    really waa maangaabkii la sheegay kan baa ah dufkubax

  11. Fayod says:

    Waa shaqo aad usaraysa! Warninku nasiib badanaa!

  12. indheer garad says:

    siyaasiyiinta iyo cuqaashooda bal adi magac u bixi ( garadadii wakuwaas muqdishu xilalka ka raadsaday siyaasiyiintiina wakaas dameerkoodu

  13. Somali & puntland says:

    Reer khaatumo, ninwalba wuxuu jago karaadinaa puntland AMA somaliland, AMA xoogaa lacag ah, buu raabaa, damiir iyo mabda ma leh miyaa reer khatumo?

  14. Mustad says:

    waa wax aad loola yaabo oo waliba qof damiir leh uu ka xishoodo in uu jagadaan oo kale qabto bal isku fiiriya Jagadii Puntland looga magacaabay iyo Tan hada loo dhiibay Dib udejin maxay tahay

  15. Caasha Waal says:

    yaah, maxaa la yiri? xaglo toosiye jago wasiirnimo oo dhawr sano socota ayuu siistay wadankii??

    kkkkkk, kaalay qofkaan ma habar iisho ayaa sixirtay, waa xay sidaan? Jagada wasiirnimo mushaakiisu horta ma badna, oo dee waa iska $2000(Labo kun oo doolar bishii), waxaasi lacag ma ahan, waa kirada guriga, ceymiska gaadhiga iyo adeega bil walba layga qaado)—

    ee dee anigaaba kaaga dhigaya mushaarka $3000(sadex kun doolar bishii) ee dee kasoo laabo hargeiiisa, oo aniga ii shaqee, maanta kadib waxaad u magacaabantahay wasaarada naaxinta Caasha Waal!

  16. puntlander says:

    kkkkkkkkkkkkkk
    where is khatumo ?????

  17. Puntland boy says:

    Waa arin cajiiba Maxaa qaaday Abtiyaasheey ? Aawey dad nimadii , Ficilkii , Gobonimadii , Qabiilnimadii & Soomali nimadii lagu yiqiinay , Qofku maamul Soomaaliyeed waa kamid
    Noqonkaraa laakiin Su’aashu waxay tahay Reerka meel ramaas leh intii laga raro meel goxondho leh ma loo raraa ? Waxii maamul lasameeyayna mala oronkaraa maanta iyadoo cad Waa qolo is cayrsaneysay Oo wada Jaga doona sida Khaaatumo & Ssc , Reer S/har Saan xal maahan waxaad ku socotaana waa jaah wareer Mawaxaa fahmi ladihiin waa Reer S/Har in Soomaalida ku nool jabuuti & Hargetsa & Mogdisho Aay wadaan dagaal cilmiyeeysan Siyaasadii Soomalalidana Aay isu rogtay Karogoo labasaar Oo waxa larabo in Maanta oo 2012 Loo aqriyo Reerka Quraan dhurwaagii Aan dhigi Jirnay , War Reer S/ Har waxaad wadaan & Ficilkiinaas Foorara kawaan tooba oo Reerka meel Foolxun haku furina , Viva Puntland , Jubaland & Soomaalia

  18. saaxiibayaal aan runta isku sheegno, somaliland waa qaran jira oo aduunyadu aqoonsan tahay, hadii aan la aqoonsanayn maxaa loo odhan waayey somalia ayaad ka mid tihiin, miyaydaan maqal, waxaa wada hadlaya somaliland iyo somalia, taas miyaanay idinka dhaadhacayn in laba dawladood wada hadlayaan oo aduunyadu leedahay ka tashada mustaqbalkiina, sida uu noqonayo. walaalayaal toosa oo hurdada ka toosa, ingiriis wuu ina khiyaameeyey, oo wuxuu u xaqliyey somaliland, markii uu shirka wadankiisa ku qabtay ee uu yidhi dawlada kumeelgaadhka ahi ama ka badalasaa waa in ay la hadashaa somaliland. bal iswaydiiyo muxuu ula jeeday, miyey yidhaahdaan kuwii markaa dawlada hoogaaminayey waa dad iyo dhul naga mid ah. maanta somaliland halka ay doonasay way gaadhay, oo waxaa wada hadlaya somaliland iyo somalia, puntland hadalkeeda iska daa, khaatumana ha soo hadalqaadinba. markaa saleebaan xaglatoosiya wuxuu ku baraarugay sida ay xaqiiqdu tahay markii uu joogay UAE. oo halkaas labada madaxweyne ku kulmeen ee ay heshiiska ku wada saxeexeen, ee faroole iyo caalinba fadhigeen ee lagu yidhi idinku daba fadhiista madaxweynihiin sheikh shariif. marka kuwii ka waaweynaa sidaas lagu yidhi ma khaatumo ayaa meesha ka shaqayn karta. waar xaqiiqda ku noqda. oo wax is waydiiya

  19. gaasira says:

    waar belo ma jirto xaglo markuu nabad ku sheega samaynayey sawdinkii u sacabo tumayey halkan adeer xaglo wax masuuliyada uma hayn dadka reer khaatumo ta hargaysana wasiirkii kaluunka ee p/land baaba u dhaantay xag siyaasadeedna ninkan kaadhkiisa siyaasada soomaliya waa gubtay dead end hargaysoo xamar iska xaadirinaysuu wax ka raadsaday reerkan yaan la aflagaadayn kuwa soomaaliya kenya ka iibinaya maad maagtaan

  20. Zack-London says:

    cajiib cajiib sharaftii ayuu rabaa inuu ku ciyaaro…..aboowe Xaglo Toosiye inaad shaqo la’aan aad tihid waan garan karaa………..lakiin waxaan kuu sheegayaa makamid tahid …maalin walba futudada rug rugo

  21. landers says:

    waa wax fiican inuu fahmay xaglo tosiya in manta aanay wax muqdisho ka yaal jirin. Somaliland allaw dhawr cadawgana naga qabo. wixii raba isku dirkayagana iyaga is tus. waar xaglo miyaanu nin somalilandera ahayn muxuu khiyameeyay dalkiisii uun buu xil ka qabtee

  22. jugsodhacay says:

    adeer xaglatoosiye yaa habaaray maciil uu u qabo galeyr ayaa hargaysa geeyay waxaaba u dhaantay inuu qaato xilkii putland ee kaluumaysiga oo haduu lacag rabo marna maraakiibta gaalada ruqsad siin lahaa marna mashruca burcad ladirirka lacag ka qaadan lahaa ee arintu lacag amaysan ahayn ee tahay ciil iyo ka aarsi ina galeyr. tan kale khaatumo oo ku waalatay kenya ayaa badda laga iibsanayaa oo adeer laascaanood baa iidoor ka iibisay ee badda aad kanaxaysid waa maxay????????

  23. Puntlander says:

    Oo Haduu Xagla Toosiye Somaliland u galo waaba dad Soomaali ahe, annaga reer Puntland ah soo Amxaaro nama dambaabto ilaahey ka sokoow? Maxaa loo dhakh dhakh leeyahay soo Faroole oo Madaxweyne noo ahba Amxaaradu ma dhaansato, isna asagiyo Amxaaro kale annaga nama dhaansadaan?

    XaglaToosiye awalba siyaasi ma aheyne nin baalaley ah buu ahaa Khaatumiyo SSC wax uu kala maqanyahay Iyo wax uu u hayay midna maleh. Marka anaka reer Puntland ah yaanaan cidna ku qoslin inta aan XOR noqonayno oo aan Amxaaro kahoos baxayno.

  24. Caasha waal waad iga qoslisay kkkkkk

    War horta ninkan waa shaqotagay waana shakhsi beesha dhan in loo aflagaadeeyo waa khalad.

    Anaka horgale naguma cusba sida kuwa garoowe jooga.

    Khaatumo state way joogtaa wayna joogi doontaa. xamar. Laascanood. buuhoodle. Taleex intaasba way joogtaa.

    Insha allah horgalayaasha iyo hoosgalayaasha waan ka guuleysanaynaa dee wadankii dowlad ayuu helay. Hargiesada ayaa la soo xidhaya markaa no more mashquul.

    @ caasha waal

    Way u egtahay in la falay ninka waxaanba aniga ka jeclaan lahaa inuu adiga ku nafaqeeyo sidaad hore u sheegtay aribaayo kkkkk.

  25. Geeddi says:

    asc
    Waxaan odhan lahaa runtii nabad buu ka shaqeeyey oo ilaa maalintii uu yidhi dagaalkii buuhoodle wuu dhamaaday naf dambe kuma dhiman aagaas, waxaan is leeyahay Alle ayaa usoo diray inuu ku badbaadiyo nafo badan isaga iyo inta ku taageertayba, tan siyaasadda ma foga oo waa wax waqti yar socota, waxaana laga yaabaa inay berri siyaasaddu dhinac kale isu rogto, laakiin waxa aan aan ku farxay waxa weeyey in Alle inaga qaboojiyey colaadii maalin walba ay ku dhiman jireen dadka badani, xoolaha badnina ku baxeen.imisaa naf ku baxday labada dhinacba, markaa daaya ninku waa oday e, yaan la caayin, laguna ceebeyn wanaaga uu sameeyey.

    Waxaan kusoo gebagebeynayaa waar qof kastoo soomaaliyeedoow ku dadaal inaad naf bad baadiso

    asc
    Geeddi

  26. samiir says:

    Xaglatoosiye waxey ka dhigeen wasiirka dib u dajinta deegaanka, micnaha waa in lasoo gacan galiyaa xuduudaha sool iyo sanaag iyagoo ku shaqeysanaya nin harti ah.

    Laba arimmood bey noqoneysaa, lacag aruuris iyo ka hortag inaan biloowno ama inaan sugno inta ay dharbaaxadu nagu dhacdo, iyadaba khasaaro ma’ahan in lasugo ileen is abaabulka ugu fiican waxey timaadaa markii shacabku dhib gaarto,.

    Kii ee cabsi iyo muaraala dilaac ku tahay hana sheegan, kan kartida iyo geesinamada u siyaadana bishaareyso waat ka run sheegtey firkaaga islaamiga ah, tankale international communitiga xooga hala saaro khaasatan kuwa carabta, innagoo tooshka ku ifineyna dulmiga somaliland, xitaa iyaga ineey ahaayeen dadkii alshabaab ka danbeeyey si ay u gaaraan riyo shaydaankooda,.

    Taariikhda markii lafiirsho, dhul aysan lahayn baa gumeystuhu u dhiibey gumeystaha loo ilaawo, nasiib wanaag soomaalidii hore wey ku fahmeen weyna ka badbaadeen jilaafadaa oo dadkii hal wadan bey ka dhigeen, laakiin waxaa lagu qosley oo lala yaabey caqli xumada siilaanyo.

  27. Laascaanood says:

    Xaartoosiye cidna ma matalo ee iska daaya toloow Hargeysa ha iskala soo tunto ilkacqstee kolay aqoonsi majiroo Khaatumo ayaa god ku ridee kkkkkkkkkk
    Viva Khaatumo State

  28. ahmednsir says:

    hungri wayne manta wuxuu u dilaacay hungri wayne oo waa caado (qof wixi cadadisi ah kama xishodo bowe

  29. m'o bossaso says:

    dee waa caadi xilkan waxay unu qoneysa khibrad ilaah hawsha sugaysa ha’u fududaye mudane xagle toosiye

  30. faud says:

    Marka hore somali qadiyad maleh,qabyalad malahan markaad dhuuxdo. lakiin waa danta maalinta raadiye, odeygu waa somali dantiis u shaqatagay, ha ku tiiganina, milions oo somali ah ayaa u shaqeysa wadankasta oo aduunka ama shirkad kasta oo aduunkaa, hala shaqo tago RUNTU waa SOMALIA HA NOOLAATO

  31. Fayod says:

    War reerka kadaaya oo haku oronina “Duf kubaxa” sidii loo lahaa ayey duf kubaxeene !

  32. yaska says:

    Somaliland , naabad bay ka dalisay sool iyo saanag barii, gull waayaan haadii laa horayay, Sanaga bari
    iyo Sool , Cayn, Widwidh ,Hingalol , Badan ,Dahar ..ect
    Somaliland democracy aya ka jiiraa.
    Manta Puntland aya fahantay in uu hisbiyada la furtuu., wa habsan lakin siddii ay Somaliland ayan
    uu ragaanya inaa kuu Gull gadan!!.
    Khatuumoo-seeg, way damatay, Xamar bay wah ka radiiyaan, lakin wadonkdi silanyoo aya la warragay.
    Xaglatosiya aya manta kadib Somaliland uu dagalamaya.
    Somaliland For Ever!!!

  33. gaasira says:

    war kuwiinan reer khaatumo is leh caaya idibku is arka wiil captan ah oo wardheer fadhiya ayaa idin gumaysta bal car hada faroole ha sameeyo wax ayan amxaaradu ka soo dalban oo weliba kililka shanaad oo la gumaysto ayaa laydin ka xukumaa war reer khaatumo laascaanood oo horgale khaatumo u dhashay uu ka taliyo ayaad ku caayaysaan iyo niman iskood u shaqo tagey war idinkaa magaalooyinkiina fiidkii laydin seexshaa oo fiidmeeri idinku ugaadhsataa maad runtiina aragtaan war khaatumo degaanadeedu waa meesha aan amxaaro laga xukumin oo iyagu is xukuma ordoo is xoreeya intaad naga daba caac leedihiin kuwiina bad iyo berri ba gaday ee sumeeyey maad aragtaan alaa kariim nacas walaalkii looga maara waayey iga dheh

    fayod
    adigu sidii habar goblon ah habaar la soo fadhi ileen xil sakhirani waa uun xilo sakhiran hoostaada la hel habaarkaaga akhrud

    puntlander waan ixtiraamayaa sidaad tolkaa runta ugu sheegtay maroodigu takarta saaran ma arkee ta kaluu arkaa inaadeer geesi runta taabtaad tahay

  34. saado says:

    ascw waxan dhahaaba waan dhihiye wahoow warhoow warhoow ha u gafina culumada iyo caaqilada qaatumo oo yeynaan seegen qaatumdii aaqiro intaas baa idinku filan hadaadtihiin wax garad iyo dada dhiigleh waad ogaan doontiin hadii eebo amba ilaah yiraahdo in maalin aad hoos imaan doontiin fagaaraha muqdisho oo hadana aad ka tuugsateen xitaa baasa boorkii aad wasaqda dhihi jirteene aamusow u soo hoyda muqdisho waa laydinku soo dhaweene dhamaan meelkasto ood jogtan ahlan wasah lan intii jecel calanka baluuga ah oo cirka u eg sidaas iyo garaad wanaagsan waxana idiin sheegi dadka af lagadada sheegi in ilaah idinkula xisaab tami maalinta aaqiro ascww

  35. saado says:

    qaraab maxad u tirtiri qoraalka dhiig laawe

  36. shamso says:

    ascw walalo yaal iska dhaafa caayda iyo af lagada dhamaan ilaah baa idinla xisaab tami ascww

  37. dhenged says:

    waa xariif magacii ssc buu kaash gareestay beesha isaakh way fahmeen raga

  38. saxar diid says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk hore ayaa loo sheegay labo dhuuumood waa dadkii ceebeeyay
    nacastaan oo kle ayaa ku jira, gumeysi ayaan idinku ogahay , hargeysa ayaa ku gumeysatee iska dhimo adiga oo nool , khatumo maxaa ka dhahdaa waaba dhimateee

  39. rooraaye says:

    sxb weligiin ka fiiriya sheekada meesha wanaagsan x/toosiye wuxuu ogyahay inay jiri doonin wax la yiraa s/land muddo yar dabadeed oo soomaaliya mid noqondoonto markaa wuxuu isleeyahay xagaa kaga soo biir siyaasada maadaama dhankaan uu mr galayr kaga awood roonaadey markaa sxb ogaada halkay wax u socdaan wax s/land la yiraa ma jiraan waa is maamul federaalka ka tirsan

  40. Afnugaal says:

    wWaawasaarad culus, ninki og baa og ee. Hambalyo baan leeyahah geesiga xaglatoosiye waa yaqaana tolka.meesha danteedu taalo. Xaasidnmadi waxa halkaas dhigtey reer somalia. Horumarka doonimaysan waxa doonaysaan aan dagaal ka bixin degaankiisuna.horumarin. puntland khiyaamadiina a jirto. may
    Cid.idinla.noolan karta ma jirto.

  41. Fayood says:

    @Gaasiro walaashay hadaad hadalkayga dhibsatay raali iga ahow! Waligayna gabar Soomaaliyeed cay uma quuro! Laakiin xaqiiqdu waa odoyaashiina aflagadaada bilaabay sida: Ali Baaba Galayr Iyo Jaamac Binti Garaad! Sharaftiinana ayagaa gatay! adiga cay kuuma quuro, ogow taa!

  42. abdi says:

    Viva somslilsnd dad wada dhashay

  43. Canbaradegen says:

    SC
    WAQTIGU MARBUU KULA JIRAA ,MARNA WUU KAA HIILAYAA

    WAA QUWADA UGU BADAN BAHWEYNTA BUNTLAND
    AMA WAXAA QASAB AH LA KALA JABIYO ISRAACIDOODU CIDNA
    DANI UGUMA JIRTO S/lAND IYO P/LAND
    LABADABA MARKEY KA XOROOBAAN HOOGA AY KU JIRAAN DADNADAN
    BAA MAGACOODA WAAYAYA. ALAHASE GARAMSIIYO DANTOODA
    NASIIN WACAN

  44. hangaraarac lug uma dhutiyo khaatumo tuug caada qata ah waxba uma noqonayso ninkan awlba waxu udagalamyay sidu xil uhelilaha marki uu isusharxay madaxwaynaha puntland ee faroole ka guulaystay ayu bilbay inu ssc isku sodhex qaado wana imaan lawe marka dont miss ur time ppl like xaglodaaciye kuwan kahdlaya ssc ama kaatumo waxan waydinaya waa ayo somalida dhanta khatum stad puntland wa xero budhacad wa saylada casriga e biniadamka lagu iibsado somaliland wa maqsin qaad oo silanyo kayahay muqwad citraaf ayay kuhawiyan wax arinah ooy hayan majirto 21 ano ayya mamul iyo nnabd haysten ila mantana waxay taganyihin mesha galmudug tagantahay marki biniadamku waxu isugu fana horumar kaas dhaamn somali wa ka aradantahay

  45. Canbaradegen says:

    SC
    WAQTIGU MARBUU KULA JIRAA ,MARNA WUU KAA HIILAYAA

    WAA QUWADA UGU BADAN BAHWEYNTA BUNTLAND
    AMA WAXAA QASAB AH LA KALA JABIYO ISRAACIDOODU CIDNA
    DANI UGUMA JIRTO S/lAND IYO P/LAND
    LABADABA MARKEY KA XOROOBAAN HOOGA AY KU JIRAAN DADNADAN
    BAA MAGACOODA WAAYAYA. ALAHASE GARAMSIIYO DANTOODA
    NASIIN WACAN

  46. Ali soomali says:

    Xaglo markii horeba kuma jirin maamulka Khaatumo, wax micna ah ma sameyneyso haddii uu ku biiro Somaliland, labada maamul ee puntland iyo somaliland waxay u shaqeeyaan cadowga somaliyeed (xabashada ) ee wax lagu faanaa ma jiraan,laakiin ninkii khaatumo ku jiro ayunbaa ku faani kara inuu yahay maamul jira oo mustaqbal leh.

  47. dararamle says:

    KKKKKKKKK ADEER WAY UDHAMAATAY ISLAANTI XUMAYDE KHAATUMO
    KOL HADII LIBAAXI XAGLO HADHUDHLAHA KUDARAY WALLE WAALOOYAABA INTA HADHAYNA ISAGAA SOO QAQABANAYANA

Leave a Reply