Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Loo Geysto Suxufiyiinta
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyeelada loo geesto suxufiyiinta Soomaalida ee ku sugan dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in suxufiyiinta Soomaalida ay qabteen shaqooyin dalka iyo dadka wax u taraya, loona baahan yahay in lagu amaano,
Wuxuu yiri qaar badan oo iyaga ah ayaa nafsadooda ku wayay wax yaabahaas ay qabanayaan, marka sidaas dadaadeed waa In ay sii wadaan wax yaabaha danta ugu jiro bulshadda.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday iyadoo bishii la soo dhaafay kaliye in ka badan toddobo suxufi loogu dilay siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada lagu dhibaateeyo saxafiyiinta dunidda, manna jirto cid loo qabto dilalka ama wax yeelada loo geesto saxaafadda.
Qaar badan oo suxufiyiintaas ayaa dalka isaga cararay, iyagoona qaar kood qoxooti ku ah dalalka dariska.
Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo kooxaha ugaarsiga ugu jira suxufiyiinta, laakin waxa lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab sida ay sheegto dowladda.
Suxufiyiinta Muqdisho ayaa hadda waxa ay ku jiraan cabsidii ugu ballaarneed ee abid soo marta markii dilalka wariyaasha ay noqotay wax aan xad lahayn.
Dowladda Soomaaliya waxa ay markastaa sheegtaa in wax laga qaban doono, laakin warkaas ma ahan mid fulay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











