Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Qaabilay Villa Somalia Danjiraha Dawlada Hindiya Ee Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxa uu ku qaabilay wefdi uu hoggaaminaayo danjiraha India u fadhiya Soomaaliya, Sibabrata Tripathia.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu xiran yahay, ayaa markii dambe waxa saxaafadda la hadlay madaxweynaha iyo safiirka, kuwaasoo sheegay in ay ka wadahadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo booqashada uu maanta ugu yimid xafiiskiisa danjire Sibabrata, maadama dowladda India ay ka mid dalalka sida weyn u taageersan in Soomaaliya ay ka baxdo mashaakilaadka la degay, in ay cagaheeda isku taagto.

Waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ka wadahadleen siddii dowladda India uga qeyb qaadan lahayd arrimaha ammanka iyo horrumarka.

Ugu dambeyn danjire Sibabrata ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhaweyneyso madaxweyne la doortay Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha uu shaley soo magacaabay ee Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo loo magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageeri doono dowladda cusub ee Soomaaliya, si Soomaaliya ay dib ugu soo laabato saaxadda caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortayt 10-kii bishii hore, ayaa waxa uu kulamo isdaba joog la qaadanayay wasiiro iyo dipolomaasiyiin ka socda caalamka, kuwaasoo immaanayay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa laga sugayaa ra’iisal wasaaraha uu soo magacaabay in uu soo dhiso xukuumad wax badan ka badallan kuwii hore maadama aysan ahayn ku-meel gaar siddii kuwii horrey uga jiray dalka ku yaalla geeska Africa.

 RBC Radio

 Xafiiska Wararka Muqidsho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

6 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Qaabilay Villa Somalia Danjiraha Dawlada Hindiya Ee Soomaaliya”

  1. [...] Read More: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Qaabilay Villa Somalia Danjiraha India Ee Soomaaliya [...]

  2. prof piccolo says:

    NGO madaxweyn ah oo taladu ku ciirsantahey kadib markii hanjaaba ooga timid dalaka EU,USA,UK kadib markii loo sheegey iney yihiin Damo Jadiid oo ah koox ku xiran Al-Qacida, oo dhaqalha la siiyo u sii marinaya ragga mayalka adag oo hadda laga sarey Kismaayo haddba waxaa soo baxay in ninnka uu ka dhigey PM uu yahey nin aan aqoon laheen oo ahaa askari waardiya ka ahaa guryaha afweyne haddaba waxa meesha ku ba’ayaa waa somalida beenta loo sheegey muddo bil ah asagoo ninkani uu qaad ku cunayey oo ay wada barjeenyey madaxweynaha oo lagu sheego nin qaad cunis ku dheertahey haddba madaxtooyada oo lagu dabulo jawaano qaad ah somaliya waa in ay qorigooda qaatan oo ay iska dhiciyaan taliska muqaadaradka ku sifoobey oo NGO iyo qaadwale ah in lagu dagalamo meeshani wax dowlad layiraahdo kam soo dhawa inta guryo xaran ah ay ku jiraan tuugada iljeexda ah ee nagahooda ku soo galiya dowlada hab MAFIO ah si xoolaha ay dhaceen loo xaleelyo

  3. ina bulsho says:

    Idinkoo mahadsan.Bogagga Interneetka Afsoomaaliga lagu qoro waxaa lagu arkayaa qalaldaad xagga qoraalka afka Soomaaliga ah.Tusaale ahaan cinwaankan danjiraha india,waxaa ka quruxbadnaan laheyd in aad u qortaan danjiraha dowladda Hindiya oo waxaa meesha ka maqan waa ´´dowladda iyo india ´´ oo ah luqad qalaad ah.Sidaaas daraadeed aqoontu waa mid taxana ah oo jiilba jiíl u gudbiyo.Afkeena Soomaaliga ee qoridiisu cundunka tahay hadaan si fiican loo qorin ila ma ahan in aan wax weyn ku kordhinay. Waan idinkaga mahadnaqayaa in raxanreeb qoraayaashiisu yihiin kuwo ku qoro af soomaali la fahmi karo.

  4. [...] Read More: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Qaabilay Villa Somalia Danjiraha Dawlada Hindiya Ee Soomaaliy… [...]

  5. ina bulsho says:

    Waa ku mahadsantihiin qaadashada sixida cinwaanka kor ku qoran , dhamaanteen xil ayaa naga wada saaran qurxinta afkeena hooyo.

    Mahadsanidiin
    Ina Bulsho

  6. [...] safiirka Hindiya u fadhiya Keenya, Sibabrata Tripathi, ayaa booqasho ku tagay Muqdisho lana kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdixakiim Xaaji Maxamuud [...]

Leave a Reply