Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaalida Uganda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kampala (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda socdaal ku jooga dalka Uganda, ayaa xaley kulamo waxa uu kula qaatay magaalada caasimada ee Kampala Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool.

Madaxweynaha ayaa u sheegay jaaliyadda Soomaalida, in looga baahan yahay dalkooda in ay door ka qaataan dib u dhiskiisa iyo nabadeentiisa.

Wuxuu sheegay tallo, dhaqaallo iyo xog inta aan looga maarmin Soomaalida ku dhaqan dalka Uganda.

Wuxuu yiri “ Ogaada in uu dalka idiin baahan yahay, oo la idinka maarmin, marka taageera dowladda cusub iyo isbadalka intaba”

Kulanka oo ay ka hadleyn Soomaali badan ayaa waxa lagu soo bandhigay sida loo rabo isbadal in uu ka dhasho dalka Soomaaliya,maadama laga baxay ku-meel gaar.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda ayaa ku farxay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud safarkiisii ugu horreeyay ee dibedda uu arko Soomaalida dalka Uganda, waxana ay u rajeeyeen madaxweynaha in uu afarta sanno ee soo socota uu wax badan qabto.

Waxa kaloo madaxweynaha ay ugu baaqeyn in uu la dagaalamo musuqmaasuqa isla markaa uu ka shaqeeyo caddaaladda, si ay dowladdiisa u guulaysato.

Kulanka ayaa si fiican ku soo dhammaday, madaxweynaha uu mid mid u gacan qaaday inta uu ka gaaro dadkii joogay xafladda sida uu RBC Radio u sheegay wariye ku sugnaa goobta xilligaas.

Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah waxa uu la qaadan doonaa madaxda dalka Uganda oo uu ku jiro Madaxweyne Yoweri Museveni, waxana inta badan looga hadli arrimaha Soomaaliya.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, howgalka AMISOM.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii ugu horreeyay ee dibedda ku aado tan iyo markii loo doortay xilkaas bishii la soo dhaafay, waxa uu hadda ku joogaa caasimada Uganda ee Kampala, halkaasoo uu isaga iyo madax kale kaga qeybgalayaan 50-guuradii ka soo wareegtay  xorriyadda Uganda oo shaley  ku beegnayd.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Kampla

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

4 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaalida Uganda”

  1. [...] View the original here: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaalida Uganda [...]

  2. Aadbaan ugu faraxsanahay in aan yeelannay raysulwasaare cusub oon ku meelgaar ahayn, aadbaan ugu faraxsanahay in PUNTLAND ay soo dhawayso raysulwasaaraha cusub ee madaxwayne xassan uu soo magacaabay kaasoo aan filayno inuu noqon doono ninkii soomaali u baahnayd haddaysan wadadu ka qaldamin.
    TALO SOO JEEDIN:
    DOWLADDA SOOMAALIYA:
    Talada haddaan lawadaagin wax ma saxmaan soomaali hawada tashato
    waxaan kula talinayaa madaxda cusub inay ogaadaan in dadka soomaaliyeed ay isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal.
    1. inaanay boogaha damqin.
    2. waa inay ka dheeraadaan eexda iyo nacaybka.
    3. Waa inay kadheeraadaan qabyaaladda iyo caddaalad darida, iyo
    4. Waa inay kadheeraadaan wax walba oo keenaya in halkii lajoogan sanado kahor dib loogu laabto.
    PUNTLAND:
    waxaan kula talinayaa madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee puntland inay ogaadaan in ummadda soomaaliyeed isku wada xanuunsanyihiin oo ay wax kalatabanayaan maantase waxaan ubaahannahay niman taariikhda baal dahaba kaagal u halgama sinnaanta iyo caddaaladda.
    waxaan idin oran lahaa waad ku mahadsantihiin sida aad isugu howsheen in soomaaliya ay dowlad aad ka midtihiin yeelato, waxaad ku dadaashaan
    1. puntland waxaan ka codsanaynaa inaysan soomaaliya ka go’in.
    2. in ay u dulqaataan waxwalba oo khalad ama is fahan waa ah oo uga yimaada madaxda cusub.
    3. in dowladda soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii dalka dib loogu dhisilahaa.
    4. in soomaalida ay ka caawiyaan in maamuladooda ay dhistaan iyagoo madaxbannaan oon lagu samayn wax faragalin ah.
    5. in ummadda soomaaliyeed ee ay dib u dajinta siiyeen ay sii hayaan lana dadaalaan.
    6. in dastuurka iyo sharciga ay il gaara ku hayaan si dalku aanu dib isugu dhexyaacin, maxaa yeelay wixii lagu heshiiyay haddii laga bayro waxbaa qaldama.
    SHACABKA SOOMAALIYEED
    Shacabow RABBI utoobad keena, kana tuuga in dal iyo dad midaysan uu nasiiyo oo barwaaqo iyo horumar ku jira inta adduunka ka dhimman.
    FG:
    Waxaan ogaysiinlahaa soomaalida arimo dhowr ah:
    B. ogaada soomaali waxa halkaa ina dhigay waa caddaalad darro aan inagu dalbanay, hadii aanan caddaaladda baadigoob ugu dhaqaaqinna sidan kama baxayno.
    T. soomaali muddo badan ayay wax inaga qaldanaayeen sidii loosixilahaana waa adkaatay, mar haddii maanta aan heshiinay helnayna dowlad aan ku meelgaar ahayn waa inaan dhowrnaa wixii soomaali ku heshiisay, ku dadaalnaa midnimo iyo isku soodhawaansho wanaagsan.
    Mahadsanidin
    ASALAMUCALAYKUM W. W. B.

  3. Yasin says:

    Anigu waxaan putland kula talinlahaa, inay go aan,mar hadii ra isal wasaaraha loo diiday, OO lasiiyey kuwo aanan garaneyn sa babtoo ah marka la yiraahdo jegadaas waxaa geeya OO qura, marka see loo siinkaraa dadkale war aaway faroole muu hadlo dadkuse may banaan baxaan OO maxaysugayaan???

Leave a Reply